Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.
Waa qayb ka mid ah Hay’adaha Federaalka KMG sida ku qeexan Axdiga Federaalka KMG ee Soomaaliya kaasoo ay ansixiyeen Barlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya bishii Nooveembar 2004. Dowladda waxaa taageersan qeybaha kala duwan ee Beesha Caalamka.
Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya waxay rasmi ahaan ka koobantahay qaybta sare ee hay’yadda sharcidejinta (Barlaamaanka Federaalka KMG) iyo Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’’iisul Wasaaraha.
Hay’adaha Dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa hogaamiya Madaxweynaha kaasoo Golaha Wasiiraduna ay hooosyimadaan asagoo u maraya Ra’iisul Wasaaraha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa tilmaan guud laysu raaciyaa hay’adaha dowladda ee lo yaqaan Hay’adaha Dowladda KMG ee Soomaaliya.
Waqti xaadirkaan, saldhigga Dowladdu waa caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.