Choose Your Language: Somali  |   English
   Search:  
Press Releases  |  Contact Us  

The Transitional Federal Government (TFG) of the Republic of Somalia is the current internationally recognized government of Somalia.

 

Read More

> Home
> President
> Prime Minister
> Parliament
> Audio & Videos
> Latest News
> Useful Links
> Press Releases
> Ask the Government
> Contact Us


Transitional Federal Charter of the Republic of Somali
1960 Charter



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Upcoming Events

Wareysi waxqabadka waaxda socdaalka iyo jinsiyaddaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Gen. C/hi Gaafow Maxamuud oo ka warbixiyay waaxda socdaalka dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

TFG-Website: Mudane agaasime ka waran warbixinta naga sii safaradii aad dhawaan ku soo kala bixisay qaar ka mid ah wadamada ay xiriirka la leedahay Soomaaliya?

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Gen. C/hi Gaafow Maxamuud: Anaga safar ayaan ku aadnay dalka Talyaaniga oo aan uga qeybgalnay shir, waxaana laga shiraayay dowladdaha Afrikaanka ah ee haysta Baasaboorkan la yiraahdo E-Baasaboorka iyo xuduudaha dalalku leeyihiin sidii loo xoojin lahaa, waxna loo wada qabsan lahaa, shirkaas waxaa la yiraahdaa Saxara Labo, waxaa awal ka qeybgali jirey Nigeria iyo Liibiya, hadana waxaa lagu soo daray Soomaaliya, shirkaasi shir aad u wanaagsan ayuu ahaa wixii anaga aan geynayna waa nalaga aqblay, waxaana rajeynayaa maalmaha soo socda in ay gacan naga siin doonaan habkii aan shaqadeena ku gaarsiin laheyn meesha hadda ay joogto meel ka sii sareysa, sababtoo ah E-Baasaboor ma ahan wax la iska sameeyay waa wax Aduunka oo dhan haysto, 2012–ka waxaa la rabaa in Aduunku wada qaato ah, hadana dowladdo badan ayaa sameeystay, Afrikaanka sedexdaas dowladdood oo aan sheegay Nigeria, Liibiya iyo Soomaaliya, ayaa sameystay, ayagaana lagu marti qaaday meesha, Midowga Yurub ayaa shirka waday, Waaxda Socdaalka dalka Talyaaniga ayaa sameeyay marti qaadkaas, dood dheer kadib shirku wuxuu ku soo gabagaboobay si fiican, dowladduna sideedaba waxay dowlad ku tahay Baasaboorka iyo Lacagta markay xajiso, sidaas darteed Baasaboorku maanta waa xajisan yahay.

Adduunku wuxuu ka cabsi qabay in Soomaaliya aysan sii wadi Karin Baasaboorka cusub ee Electroniga ah, laakiin hada waxaa la ogaaday in uu baasaboorkaasi noqday baasaboor sal leh, fadhiyo, ijraa’aadkii adduunku u gooyayna ay u dhan yihiin oo wax ka maqan aysan jirin, marka dadaalkaas dheer in la sameeyay, ictiraaf weyn oo dowladdaha ah ayuu keenay, maantana wuxuu marayaa meesha ugu wanaagsan, inkastoo dowladdu iska tabar yar aanu nahay, dhaqaale badan aanan laheyn, haddana dadaal qeyrul caadi ah ayaa la sameeyay sababtoo ah baasaboorkaan marka ugu horeysa waajibaadkiisa waxaa ka mid ah, qof kasta oo Soomaali ah inuusan magaalada uu degan yahay ma ahanee uusan magaalo kale baasaboor ka doonan, intii aan gaarsiin karnay oo tabartu noo ogalaatay waa gaarsiinay, inta kalena hadday qorshaha noogu jirtaa inaan gaarsiino haddii Alle idmo, ilaa hadda waxaan ka furnay dalka gudahiisa: Baydhabo, Muqdisho, Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo Laas-caanood oo aan ka sameynay Xarumo laga heli karo Baasaboorka cusub ee Soomaaliga ah, hadda waxaan shaqeyn xarumaha Baydhabo iyo Laas-caanood, intii aan ka furnay, intii kale wey shaqeyaan. Maamul Gobaleedka Puntland si wanaagsan oo aad u fiican ayay dadkaasi ugu nasteen, in ay ku helaan ayagoo degan dalkoodii baasaboorkaas dowladda Soomaaliyeed ay sameysay.

Dibadda waxaan ka furnay: Nairobi, Addis-ababa, Jabuuti, Lusaka, Dubai, Abu dabia iyo Jidah. Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Adduunka qaar si fiican ayay uga shaqeeyaan mashruucaan ay u hirgeliyeen dadkuna wey ku nasteen runtii dowladdaha aan saaxiibada nahay ama dowladdaha Adduunka aan ku nool nahay, baasaboorkaan dadka wata aad ayey u tixgeliyaan, waa laga daayay xayiraadii badneed, maxaa yeelay waxaa la necbeystay Soomaaliga ma ahan, waxa la necbaystay oo adduunku necbeystay waxaa waaye baasaboorka been abuurka ah oo cid walbaba siday rabto isaga qaadan karto,.

Meel kasta oo ay Soomaali ku nooshahay ama degmo ah ama gobal ah ama dibadaba ah dad bay u furan tahay baasaboorkaas kaliya ka shaqeeya ee aan wax kale ka shaqeeynin oo aan dadka iyo dalka u naxeyn lagana yaabo haddii uu qof ajanabi ah uu u yimaado uu boqol doolar siiyo baasaboorkii halkaas ay ku haystaan tiimbarey ugu dhufanayaan, markaas ayay Adduunku waxay la kulmeen qof ajanabi ah oo laga yaabo inuu dunida ka yahay qof la raadinaayo uu baasaboor Soomaali ah iska wato.

Haddii aan tusaale u soo qaato dowladdahaan Indonesia iyo Maleysiya dowladdii Soomaaliyeed ee jirtay burburkii ka hor waxay la sameysatay heshiis gaar ah oo ah mid laba dowladdood dhexmaray oo ah dadkaan Soomaali baasaboor wata visa la’aan dalkaada ha ku yimaadaan, kuwaadana wey ku imaan karaan visa la’aan dalkeena, sida xitaa Syria ayaa la mid aheyd dadkaasoo ilaa hada 20 kaan sano oo dhibaatada dalka ka taagneyd aan waxba iska badalin waxaa qasbay in ay wax badalaan dadkaan Soomaaliyeed oo beenta iyo cidey u naxaayaan la arag oo cidey rabaan iska siinaayo Baasaboorka, Tusaale ahaan Indonesia iyo Maleysiya waxaa ka dhacay dad Nigeria iyo Ghana ah oo daroogada iyo wax daran lagu yaqaano oo magacyadooda iyo liisaskooda la haayay in ay baasaboor siiyaan Soomaali ah, halkii la iska ilaalinaayay baasabooradooda dadkaas dalalkooda ay baasaboor Soomaali ah ku galeen, taasina waxay keentay in cariiri la saaro oo qofka Soomaaliga ah haduu tago Maleysiya iyo Indonesia aan si sahlan Visaha Air-port-ka lagu siinayn,.

Marka waxaas oo dhan  waxaad moodaa maanta in laga soo baxay, inkastoo weli uu dhaqaaluhu yar yahay oo aanan gaarin heerkii aan ugu talagalnay haddana waxaad moodaa inaan daboolnay 60% baahida baasaboorka Soomaaliyeed wey jirtaa waxaan adiga gacantaada ku jirin marar badan dhibaatey keenaan sababtoo ah baasaboorkaan markii la furaayay, dowladdii jirtay wey cusbeed, sal mey laheyn, iyadaa raadinaysay meel ay degto inay hesho, laakiin hadana baasaboorka lagama maarmaan buu ahaa markii la fiirshay baahida ummadda, sidaa darteed waxaan u dhignay meel ajnabi iyo dal ajnabi oo lagu aamini karo dokumentiga Baasaboorka, inkastoo aan magaalada ka maqlaayay dad badan in ay leeyihiin, documentigiina wuxuu gacanta u galay qof ajnabi ah documentiga qof ajnabi ah gacanta uma gelin sababtoo ah seerfaro ayaa jira kuwo halkaan yaalo mid kale wuxuu yaalaa Nairobi,.

Meesha baasaboorka laga daabaco ee Shaarjah mid kale ayaa yaalo dad Soomaaliyeed ayaa gacanta ku haayo Shirkaddu qalabkay leedahay, laakiin baasaboorka la daabacaayo iyo baasaboorkaan la daabacayn iyo documentiga waxaa ka shaqeeya dad Soomaaliyeed, ma ka shaqeeyaan dad ajnabi ah waxaa meelahaas kala duwan loo geeyayna waxaa waaye haddii dab dhaco haddii seerfarku halaabo in bari ka maalin la heli karo documenti meel laga heli karo ay jirto weli dal sedexaad ayaan dhignay seerfarkaas, India mid ayaa yaalo oo serfar ah oo ah keyd haddii wax uun naga halaabaan, haddii koronto wax halayso, haddii musiibo timaado wax halaabaan in aan marna dokunmentiga aan la waayin, dadaal ayey aheyd waxaana rajeynaynaa haddii Alle idmo waqtiyada soo socda in laga bixi doono oo dalka gudihiisa la keenaayo markaan database-kaa ugu dhib badan asagana hadda arrintiisa waa la xaliyay waxaana rajeynayaa in laga baxo dhibaatooyinkaas.

TFG Website: Mudane agaasime Maxay tahay dhibaatada soo daahidda baasaboorka, arrintaasi halkay mareysaa hadda, maxaase lagu dhameeyay?

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Gen. C/hi Gaafow Maxamuud: Soo daahida baasaboorka waa badan tahay, dadka Soomaaliyeed waxay u barteen baasaboor arji in tuu keensado qof uu u saaro ok subaxa danbana uu soo doonto ama saacadaasba loo sameeyo inta ok u qura la yiraahdo kii la iska qaadanaayay kan ma ahan, kan waa mid Electronic ah, wuxuuna marayaa xarumahaas aan hada kuu soo tiriryay, xarun walbana waxay dirtaa intay subaxaas qabatay, database-ka markuu qabto dib buu u soo celinayaa, dib markuu u soo celiyo xamar ayuu ku soo celinayaa, wuxuuna leeyahay waxaan hayaa intaas oo baasaboor oo la iiga soo diray xarumahaas kala duwan, marka waxaan rabaa in loo sameeyo, ok waa dhan yahay.

Goormaa la siin karaa ogolaasho, waxaa la siin karaa marka la fiiriyo qofka baasaboorka soo codsaday in uu soo dhameystiray ijraa’aadkii loo baahnaa, haddii ay lacag aheyd lacagtii ma bixiyay, haddii ay aheyd farihii laga qaadayay farihii ma laga qaaday hadduu ahaa qof jiran oo xanuunsan madaxdu ma aragtay, ma ogalaatay, warqad caafimaad ma ku xiran tahay in qofkaasi dhaqdhaqaaqi karin,waxaas oo dhan marka la fiirsho ayaa haddana waxaa la leeyahay waa la ogolaaday, ha loo daabaco, markaa ka dib ayuu daabacaad galayaa, daabacadaas waxay noqonaysaa siday u kala horeeyaan, dabadeed waxaa imaanayo markii la daabaco, wuxuu u baahan yahay diyaarad.

Adduunka Airport lama marsiin karo baasaboor, waa in ay safaaradu marisaa warqad la qoraa, la yiraahdaa maanta intaas oo baasaboor ayaan direynaa, markay kaa hubiyaan, ka dib ayaa lagu fasaxayaa, diyaaraduhu dhibkooda wuu badan yahay ma u helaysid sidaad rabto, intaas oo is biirsaday ayaa sabab u ah daahida baasaboorka, dadkuna uma baran waqtigaan la sugaayo baasaboorka, sidiisaba baasaboorkaan.

E-baasaboor waxaa loogu talagalay markay ugu yar tahay in uu qaato 15 casho, waa laga yaabaa in uu mararka qaarkood qaato ilaa 3 bilood ama 4 bilood, sababo badan ayuu uga maqan yahay kuwaas, waxaa ka mid ah, qofka oo iska taga markuu baasaborka dalbaday oo sawika laga qaaday wuu iska tagayaa, kadib masawirkii ayaa dib loo soo celinayaa, maxaa yeelay masawirku heer uu gaaro ayaa jirta haddii uu ka weynaado ama ka yaraado ma la daabici karo, wuxuuna leeyahay ma ahan masawirkii la isku ogaa, intaa kadib qofkii ma soo laabanaayo maalin danbe ayuu imaanaa isagoo baasaboorkii raadinaayo markaas ayaa dib loogu celinayaa oo dib loo dirayaa mar kale, marka waxaas oo dhan ayaa is biirsaday.

Mararka qaar waxaa dhacda in waqtigii lacagta loo diri lahaa ay dib u dacdo, maxaa yeelay lacagtaan waa lacag qof kasta uusan la soo bixi karin, waxaa kaliya soo bixin kara si wada jir ah wasiirka maaliyada iyo agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, taas macnaheeda waa in uu yahay qaab (transparent) ah micnaha wax cad, mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in wasiirka ama agaasimaha uu mid kood safar dibada ugu ambabaxo ayna sababto in la soo bixin waayo lacagtaas si loogu qabto shaqada, hadda arrintaas waa laga soo gudbay, waxaana sameynay qaab kale oo ah in shirkada noo daabacda baasaboorka looga sameeyo account u gooni ah shirkadda Dahabshiil si looga baxo dhibaatadii naga haysatay dhinaca helida qarashaadka shirkadda markii loo baahdo, taas waan ka gudubnay oo waxaan u helnay xal baasaboorka markay diyaariyaan toos ayaan u helaynaa iyagana lacagtooda toos ayay u helayaan, waxayna aheyd shaqo nagu cusub shaqada markay kugu cusub tahayna wey dhib badan tahay waana ku guuleysanay, waana xalinay.

TFG Website:  Janaraale sidey ku heli karaan Soomaalida aan ku nooleyn gobalada iyo dalalka ay xafiisyadu ka furan yihiin?

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Gen. C/hi Gaafow Maxamuud:  Ilaa hada baasaboorka qof aan joogin lama siin karo, ilaa oqf dhaqtar cadeeyay inuusan dhaqaaqi karin, loona baahan yahay in la qaado taas go’aanka waxaa ka gaari kara oo kaliya madaxda socdaalka qofkaas markii la hubiyo oo la xaliyo oo dhaqtarku waraaq soo qoro ka bacdi ayaa ONLINE lagu sameyn karaa, baasaboorka ONLINE waa lagu sameyn karaa laakiin dadka Soomaaliyeed weli uma bisla laakiin iyadana waxaa lagu daaweeyay in aan cid danbe loo diidayn mar haddan baahi diido aanay jirin oo qofka meesha ugu dhow uu tago uu baasaboorka ka heli karo marka ma loo baahno in dadka baasaboorka ONLINE loogu sameeyo, balse waxaa noo diidaaya in ONLINE aan ugu sameyno ijraa’aadkaan ugu talagalnay sameynta baasaboorka, shuruucda caalamiga ah ayaa diiday.

Ijraa’aadka waxaa ka mid ah in qofka laga qaado faro, sawirka laga qaadayana uu gaaro heerkii loogu talogalay ee loo dajiyay, hadduu photo iska tago oo uu isi soo sawiro uu yiraahdo ONLINE aan ugu dirno weyso celinayaan qolyaha daabacaya oo waydiidayaan barkee heer uu gaaraa jirto hadduu heerkii loogu talagalay gaaro wuu aqbalaa hadduu ka hooseeyana ma aqbalaayo faraha la qaadaayo heer ayay leeyihiin haddeynaan heerkaas gaarin ee anaga  aan iska dirno wuu soo celinayaa, marka waxaasoo dhan si aysan dhibaato u dhicin qofka waa in la arkaa, mida seddexaad baasaboorka haddii qofka ONLINE loogu sameeyo haddana waa in uu yimaadaa barkee baasaboorku wuxuu noqonayaa ACTIVE marka qofku yimaado ee faraha laga qaado farihii laga qaaday hadana mar labaad laga qaado ama hadaan anigu aqoonsado in qofkaasi uu dhibaato qabo ee aan iri ha loo diro waa in aan anigu saxiixaa aan ACTIVATION-ka aan anigu sameeyaa, marka intaasoo dhan waxaa weeye dadka Soomaaliyeed dulqaadkii wuu ka yaraaday wixii wax taqasus u baahan oo in la baro loo baahan yahay waaye.

TFG Website: Mudane agaasime, Ka waran isticmaalka dadka Soomaaliyeed ee baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa?

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Gen. C/hi Gaafow Maxamuud: Baasaboorka Cagaaran wali wuu jiraa isticmaalkiisa, waxaana laga isticmaalaa meelo ay ka mid tahay Hargeysa, anaga hadda qofkii soo gala oo baasaboorka cagaaran ku soo gala waan ka reebnaa qofkii ku baxaayana mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in aan qof iyo labo iyo sedex inaanu ogalaano in ay ku safraan oo ah dad dhibaateysan oo aan ka gaarin oo ama guban ama jiran ama dhibaato kale ku dhacday ama ilmo sakaraad ka yihiin oo aan sugi karin marka waxaan dhahnaa sii sameysta qof dhimanayaana qof mas’uuliyad qaadi karo ma jiro waa in la ogaadaa mararka qaarkood, laakiin waa boqolkiiba 0.001 ama 0.002.

Sababtoo ah dalal fara badan maba lagu geli karo, qofka Jabuuti ama Uganda aadaayo dhib malahan, weli ummadda wey dhaqaaleynayaan, laakiin dalalka intooda kale qofaan E-baasaboor wadan ma geli karo, Soomaalidana inta badan waxay ka shaqeystaan Imaaraadka Carabta, safarkooda u badan waa dalka Kenya, labada dalna ma lagu gali karo, marka dadka waxaa u fiican in ay baasaboorkaan cusub sameystaan, haddii dowlad ogol ay maanta jirto, waxay ku eg tahay intaan warqad uga qoreyno bari ma ogalaan doonaan markaan warqadaas gaarsiino, intaan warqad u qornay wey ogalaadeen marka waxaan dadka kula talin lahaa in ay baasaboorka sameystaan hadda waa sahlan yahay.

TFG Website: Ugu danbeyn, maxay tahay fariintaada nabadeed ee shacabka aad u gudbinayso dadka kaa aqrisanaaya Website-ka dowladda?

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Gen. C/hi Gaafow Maxamuud: Fariinta aan aniga jeedinaayo waxay tahay, anaga xafiiskaan madaxda ka nahay ma ka shaqeeyaan dad gaar ah, anaga qofka Soomaaliga ah ee aan wax danbi ah ee uu leeyahay aysan jirin waan siinaa, mucaarad iyo muxaafad anaga shaqo kuma lihin, baasaboorku ummadda Soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa, qof aan baasaboor haystana danbi waa geli karaa, anaga danbi gaar ah oo aan qof ku eedaynayno ama aan ku oogayno ma jirto, qof kasto oo Soomaali ah oo noo yimaado anagoon fiirinaynin ma mucaaradbaa mise waa muxaafad, ayaan baasaboorka siinaa, anagoo dhowrayno sharciga iyo in dowladdu tahay tii dadkeeda u naxariisato sidaas darteed ayaan naxariis u fidinaynaa dadkeena, laakiin haddaad tiraahdo adiga dowladda ayaad ka soo horjeedaa baasaboorka laguma siinaayo qofkaas waa la sii dhaqaajiyay ee lama soo dhaweyn, aniga waxaan qabaa maadaama ay sidaas tahay in dadka Soomaaliyeed ay nabadda ku dadaalaan oo nabadda wax ka fiican ma jirteen oo ay nabada ka wada shaqeeyaan, maadaama muddo 20-sano ah dagaal ku soo jirnay in ay noogu filan tahay ayaan u maleynayaa, canugii dhashay 20-sano ka hor maanta waa qaangaar dowladnimo ma arkin nabad ma arkin, naxariis ma arkin, waxaa laga yaabaa waqtiyada soo socda in uu noqdo qof naxariis laawe ah, anigu marka waxaan qabaa macaaradadu waa fiican tahay in la noqdo, laakiin waxaa fiican in aan hub lagu darin, marka anigu waxaan qabaa in Soomaalidu hubka meel iska dhigto, dowladdu waa dib u heshiisiin qof kasta xisaabtiisa ha u yimaado xaqiisa, hadduu waayo xaqiisa markaas ha dagaalamo hadduu rabo, laakiin marka hore dagaal ha ku bilaabin ee xaqaada raadso, anigu sidaas ayaan ummadda kula talin lahaa, siyaasi ma ahi, laakiin ka shaqsi Soomaaliyeed, waxaan jeclaan lahaa in nabad laga wada shaqeeyo.

Wareysi Qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Other Events
  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin
Sunday 01 August 2010 10:49 AM
  Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalk...
Read More
Sunday 01 August 2010 10:33 AM
  Shirkii Isbahaysiga Sanca oo m...
Read More
Sunday 01 August 2010 10:25 AM
  Wasiirka warfaafinta Soomaaliy...
Read More




Ministry of Livestock
Ministry of Women Development & Family Care
Ministry of Rural Development
Ministry of Information
Ministry of Health
Ministry of Fisheries and Marine Resources
Ministry of the Constitutional & Federal Affairs
More Ministries
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  Administrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved