Waxqabadka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Baadda - 2009
Sida laga warqabo Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika oo ah 3,333 Km, wuxuuna Ilaahey ku manneystay kheyraad aad u fara badan, hase yeeshee, muddadii dowlad la’aanta dalka ka jirtay ayaa maraakiibta waddamada shisheeye qaarkood si sharcidarro ah ugu kalluumeysanayeen oo ay iska guranayeen kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaaga badaheenna, Badweynta Hindiya iyo Badda Cas intaba.
Bishii Jannaayo 2009, kadib markii dowladda FKGS usoo guurtay magaalada Muqdishu, ayaa Wasaarradda Kalluumeysiga dib loo unkay kadibna dadaal weyn u gashay sidii loo badbaadin lahaa noole-biyoodyada Soomaaliyeed, waxqabadka Wasaaradda Kalluumeysiga muddadii yareyd ee sanadka 2009 waxaa isagoo la soo koobay ka mid ah sidan hoos ku qoran:
1. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ugu horeyntiiba waxay shaqaaleysay aqoonyahannadii hore ee Kalluumeysiga, kuwo cusub iyo shaqaalihii caadiga ahaa, si loo dar-dargeliyo howlaha ballaaran ee Wasaaraddu bulshada Soomaaliyeed u hayso.
2. Wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxay shaqaale xirfado kalluumeysi leh, tababar aqoon kororsi ah ugu dirtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya siminaar lagu baranaayay (Ecological Risk Assessment on Ecosystem Approach to fisheries) bishii Jannaayo 2009-ka.
3. Waxaa howl wadeennada sare ee Wasaaradda ka qeyb galeen shir goboleedka ASCLME oo ay isugu imaanayeen waddammada galbeedka ka xiga Badweynta Hindiya (SWIO Countries) magaalada Meha, Jasiiradda Seychelles 9-11 Maarso 2009.
4. Bishii Abriil 2009, waxay wasaaraddu isku duwday aqoonyahanno ku xeel dheer badaha Soomaaliya, si ay u diyaarinyaan dukumintiga looga baahanyahay habsami u socdsiinta howlaha Kalluumeysiga iyo kheyraadka Baddaha Soomaaliyeed, iyadoo kaalmo ka helaysa hay’addo caalami ah sida: UNDP, GEF iyo ASCLME si ay nooga kaalmeeyaan, dhinacyada mushaaharaadka, aqoonyahannada, qoraallada, soo diyaarinaayay iyo tababarrada xirfadlayaasha.
5. Abriil 7, 2009, Wasaaradda waxay suurta gelisay heshiis is afgarad ah (Memorandum of Umderstanding MOU) in uu dhex maro Jamhuuriyadda Kenya iyo dowldda Federalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta u ogolaanaayay in uusan diiddmo ka keeni karin (No Objection) akhbaarta ku saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka durugsan 200 oo Meyl madeed ah, inkastoo markii dambe baarlamaanka Soomaaliya uu diiday heshiiskaas.
6. Dadaal badan kadib Wasaaraddu waxay ku guuleysatay in ay xubin ka noqoto urur goboleedyada Kalluumeysiga sida: SWIOF, WIOMSA, ACP, ASCLME.
7. Wasaaradda waxay kaloo ku guuleysatay in waqtigii ku habboonaa qoraal u gudbiso Qaramada Midoobay hey’addeeda u qaabilsan sharciyada Baddaha (UNCLOS), qoraalkaasoo muujinaya in dowladda Soomaaliya hadda wixii ka dambeeya hanan karto baddeeda, kana qeyb qaadan karto kordhinta Meyl badeedka (Continental Shelf) oo taariikhda dhicitaankiisa ku beegnayd 13-kii May 2009.
8. Waxaa dib u habeyn lagu sameeyay Iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee deegaanna xeebeedyada ku dhow fariisinka dowladda sida:
b- Iskaashatada Kalluumeysiga Dankulmis ee degmada C/casiis
t- Iskaashatada Kalluumeysiga deegaanka Bashaqle gobolka Sh/dhexe
j- Iskaashatada Kalluumeysiga Bartamaha
x- Iskaashatada Kalluumeysiga Jaziira.
kh- Iskaashatada Kalluumeysiga Marka gobolaka Sh/hoose
d- Iskaashatada Kalluumeysiga Alla Suge.
9. Shaqaalaha Wasaaradda qaarkood ayaa tababarro muhiim ah loogu diray Jaamacadda Cape Town Univesity ee dalka Koofur Afrika, socdayna 9-29 Juun 2009, tababarkaas oo ku saabsanaa naqshadeynta baddaha iyo cilmi baaris (Oceanographic and Research Training).
10. 6-8-dii bishii Oktoobar 2009, waxay Wasaardda aqoon isweydaarsi (siminar) soday muddo labo maalmood ah u furtay Iskaashatooyinka iyo xirfadlayaasha Kalluumeysiga ee gobolka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran. Siminaarkaas oo lagu baranaayay aqoon xirfadeedka Kalluumeysiga, qalabka jillaabashada (fishing Gear), sameyn iyo dayactir intaba waxaana lagu qabatay Hotel Amiira ee magaalada Muqdisho.
11. Oktoobar 17-keedii 2009, waxay Wasaaraddu guddi farsamo u saartay sidii loo ogaan lahaa hantida guurto iyo maguurto oo ay Wasaaradda ku leedahay magaalada Xamar iyo gobollada ku dhaw kadib markii 7/10/09 ay Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabeynta sidaas naga codsatay, ayay Wasaaradda ku guuleysatay sidii loo ogaan lahaa hantida Wasaaradda.
12. Waxaa la diyaariyay eray bixinta magacyada guud ee noocyada Kalluunka ku nool baddeenna Soomaaliya, si loo helo magacyada noole-biyoodyada oo laysla ogol yahay kana dhaxeeyo Kalluumeysatada Soomaaliyeed guud ahaan.
13. Waxaa la sameeyay wacyigelin guud oo ku saleysan in si habboon looga faa’ideysto kheyraadka Badda iyadoo aan la nabaad guurineyn noole-biyoodyada Soomaaliya loona adeegsanaayo qalabka Kalluumeysiga ee ku habboon.
14. Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka wakiil ah DFKM Soomaaliyeed ayaa heshiis la gashay dowladda Yemen dabayaaqadii bishii Nofembar 2009. heshiiskaas ayaa ku saabsan sidii si wada jir ah leysaga kaashan lahaa, loogana wada faa’ideysan lahaa kheyraadka Badda, gaar ahaan Yemen iyo maamul goboleedyada ku dhow sida Puntland iyo Somaliland.
15. Dadaal dheer oo ay sameeyeen madaxda sare ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, ayaa suura geliyay in maraakiibtii Shirkadda Kalluumeysiga Soomaaliyeed (SHFCO) oo muddo 19 sano ah ka maqnaa gacanta dowladda Soomaaliyeed dib u soo galo gacanta guddi ka kooban dowladaha Yemen iyo Soomaaliya loo xilsaaray, lana rajeynaayo dhawaan in dayactir lagu sameeyo si looga faa’ideysto.
16. Desembar 1-2 2009, Wasaaradda Kalluumeysiga waxay si buuxda uga qeyb gashay shir Kalluumeysiga looga hadlaayay oo ay isugu yimmaadeen waddamada Africa, Kareebiyaanka iyo Paasifigga (ACP Contries) oo lagu qabtay Kampala, Uganda.
Waxaana lagu go’aansaday oo faa’ido u ah Soomaaliya qodobadan hoose:
a. In Soomaaliya laga caawiyo sidii dib u hagaajin loogu sameyn lahaa siyaasadda iyo shuruucda guud ee Kalluumeysiga Soomaaliya (develop fishery policy, law & regulation).
b. Qorshe u sameenta noole-biyoodyada Soomaaliya si loo ogaado wixii dabar go’ay iyo wixii yaraaday ama tiradooda kor u kacaday (develop species spasific management plan).
c. Sidii loo horumarin lahaa habka leysin bixinta Soomaaliyeed (develop licensing systems and Implement them).
d. Dhisidda, aas-aasidda iyo iskudabarididda iskaashatooyinka gobollada xeebaha leh ee Soomaaliyeed (Establish & Strengthen fisheries regional Cooperation’s).
e. In la horumariyo sanooyinka soo socda loona sameeyo Kalluumeysiga Soomaaliya qorshe habeysan oo dheer (develop general fisheries mater plan).
f. In Soomaaliya laga caawiyo sidii loo qaabeyn lahaa ilaalinta xeebaha si looga difaaco Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedka (formulate MCS enforcement plans for Somalia).
Wabillahi towfiiq
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda