![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
Ministries Ministry of Education
Waxaa la asaasay dugsiyo, machadyo, Jaamicado iyo hay’ado waxbarasho oo si gaar ah loo leeyahay. Tani waxa ay ahayd tillaabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday hase-yeeshee ma ahayn mid dabooli karta baahida dalku uu u qabo waxbarasho teyeysan bahaasanna.
Isxilqaanka aqoon-yahannada waxbarashada Soomaaliyeed waxaa dhinac sacday kaalmo ay bixinayeen hay’ado isgu jira kuwa maxalli ah, kuwo goboleed iyo kuwo dawli ah (local, regional & international), waxaa iyadana aan meesha ka maqnayn taageerada hagar la’aaneed ee ay bulshda Soomaaliyeed qeybaheeda ay ka qaateen dardargelinta adeega waxbarasho ee unkamay.
Maqnaanshaha maamulka dhexe (wasaarad) oo awooda bixinta tas-hiilaadka looga baahan yahay, lehna karti hagid, saxid, kormeer, la xisaabtan iyo amaan darrada goobaha qaarkood ka jirta ayaa dhalisay in waxbarashada dalka ka jirtay tiro iyo tayaba ay ka hooseyso halkii laga doonayey.iyadoo ay caddahay maqanaashaha kaalinta xukuumadda dhexe (wasaaradda) ay ku lahayd horumarinta waxbarashada dalka, ayaa hadana waxa ay su’aal weyni ka taagan tahay arrimo badan oo u baahan wax ka qabashadooda in meel looga soo wada jeesto, waxaana ka mid ah:
Sidaa awaadeed, Wasaaraddu, xilligan, waxay waajaheysaa hawlo aad u adag, waxaanse rumeysanahay in arrimahaas laga gudbi karo wax badanna la qaban karo haddii tala saarashda Allah ka dib la helo iskaashi dhex mara wasaaradda iyo wasaaradaha kale ee ku shaqada ah, qaybaha kala duwan ee bulshada, ururada caalamiga ah, iyo urur goboleedyada daneeya horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
Dib u soo nooleynta qaybihii waxbarashada iyo abuurista kuwo cusubi waxay wasaaradda awood u siinayaan in ay jiilka da’da yar ama soo koraya siiso fursado waxbarasho oo u suurta geliya ka qayb qaadashada horumarinta qaran iyo kobcin garaadka bulsho aan coladi ka dhexeynin.
Ahmad Abdullahi SH. Muhamad ( Waayeel)
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Other Ministries
|
||||||||||||||||||||||||||||||||
|