Muqdisho, (TFG): Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin culus ka bixiyay iibsashada Qalabka iyo Saanadda Ciidanka, isagoo sheegay in talaabo adag laga qaadayo cidii lagu arko iyadoo Rasaas iyo Hub ka iibsanaysa Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General. C/kariin Faarax Dhaga badan oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka Shacabka ah ee ku sugan Goobaha ay joogaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, islamarkaana ka iibsanaya Hubka iyo Rasaasta loogu talagalay in lagula dagaalamo Caddowga in ay arrinkaas ka fogaadaan, wuxuuna sheegay in Cidii lagu arko falkaasi ay Ciidanku ka qaadi doonaan talaabo adag oo waafaqsan fal danbiyeedka lagu helay.
Taliye xigeenka ayaa intaa ku daray in arrintaas loo diyaariyay Ciidan ka hortaga islamarkaana gacanta ku soo dhiga kooxaha caadaystay in ay Ciidanka hubka Ka iibsadaan, wuxuuna sheegay in Fal danbiyeedyada noocaan oo kale ah ay ka mid yihiin danbiyada ugu waa weyn ee laga galo ciidamada dalka, islamarkaana Cidii lagu arko aan sinaba loo dhaafi doonin talaabo adagna laga qaadi doono, wuxuuna sheegay in arrinkaasi aan waxba laga weydiin doonin Askariga, balse gacanta lagu dhigi doono Qofka ka iibsanaya.
General C/kariin Faarax Dhaga badan ayaa sidoo kale sheegay in ay u direen Ciidamo gaar ah arrintaas sidii loola socon lahaa Cidii ay ku soo helaana la geyn doono Maxkamad wixii ay ka heshanaya ay leedahay, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay iska ilaaliyaan arrimaha Militariga hadii gacmaha la soo galaana ay heli doonaan wixii ay mutaystaan.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho