Qaahira, (TFG): Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Wafdigiisa ayaa saakay ka duulay garoonka diyuaaraddaha ee magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar iyagoo ku sii jeeda magaalada Rome ee caasimada dalka Talyaaniga halkaas oo ay kulamo kula yeelanayaan Madaxda dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in ay caawa xiliga ay tahay saacadda dalkaasi 7-da fiidnimo ay halkaasi kulan kula qaataan Wasiirka arrimaha dibada Talyaaniga Mr. Faranco Foratini iyagoo sidoo kalana maalinta barito ah kulamo kula qaadan doona magaalada Rome xubno uu horkacayo Madaxweynaha dalka Talyaaniga Goerge Mabilitano.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga wada hadli doonaa Xiriirka ka dhaxeeya Labada Dal iyo sidii Dowladda Talyaanigu kaga qeybqaadan lahayd dadaaladda Nabada loo soo celinayo dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Amni ee dalka Soomaaliya, islamarkaana ay Soomaaliya uga gacan siin lahayd sidii ay u soo noolayn lahayd Kaabayaashii dhaqaalaha Dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenyau wuxuu horey kulan kula soo qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya magaalada Nairobi.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho