Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya oo ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulka puntland in ay joojiyaan takoorida ay ku hayaan dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya. Saturday 24 July 2010 11:13 PM
Jabuuti, (TFG): Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ficilada uu maamul goboleedka Puntland kula kacayo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay ka waantoobaan arrimahaas.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Madoobe Nuunoow Maxamed oo u waramaayay warbaahinta dowladda isagoo joogo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay in talaabooyinka uu maamul goboleedka puntland ka qaadayo dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah deegaanada hoos yimaada maamul goboleedkaas, wuxuuna ku tilmaamay mid keeni karta in dadka Soomaaliyeed ay kala irdhoobaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta Puntland in ay ilaaliyaan xiriirka walaaltinimo iyo midka ehelnimo ee ka dhaxeeya dadkaas, wuxuuna sheegay in uu arrimahaas jeclaan lahaa in dowladda Soomaaliya ay si guud uga hadasho arrintaas, wuxuuna si gaar ah uga codsaday Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG ah ee Soomaaliya in uu ka hadlo arrintaas, islamarkaana ka dhaadhiciyo mas’uulyiinta maamulkaas in ay joojiyaan howlgalada ay ku tarxiilayaan dadka qaxootiga ku ahaa deegaanaddooda.
Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa dhanka kale sheegay in dadkaasi qaxtootiga ah ee deegaanadoodii uga soo cararay dhibaatooyinka ka jira ee soo maciin biday walaalahooda Soomaaliyeed ee nabada haysta aysan ahayn in sidaas loola dhaqmo, wuxuuna sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu xiriir ugala sameyn lahaa mas’uuliyiinta maamulkaas arrimahaas, isagoo sheegay in uu rajeynayo in ay ka waantoobi doonaan iyagoo eegaya danta iyo maslaxada guud ee ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo xaqa ay ku leeyihiin dadkaasi walaalahood ah.