Shir-madaxeedkii dalalka Afrika oo shir uga furmayo magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda. Sunday 25 July 2010 09:50 AM
Kambala, (TFG): Magaalada Kambaala ee xarunta wadanka Uganda ayaa saakay lagu wadaa in uu ka furmo shirka Madaxweynayaasha Afrika, kaasoo Ajandaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo uu yahay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
Shir madaxeedkii Madaxda wadamada Afrika ayaa la filayaa in uu goordhow oo maanta ah si rasmi uga furmo magaalada Kambala ee caasimda dalka Uganda, iyadoo ay dhamaan Madaxdii ka qeybgeli lahayd shirkaas ay gabi ahaanba xaadir ku yihiin magaalada Kambaala, islamarkaana waxaa Shirkaasi ka soo qeybgalay in ku dhow ilaa 50 Madaxweyne, Ra’isal wasaare iyo Boqoro oo ka kala yimid guud ahaan Qaarada Afrika, iyadoo uu ka mid yahay Madaxda ka soo qeybgalaysa Shirka Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed.
Shirka ayaa Ajandaha ugu weyn ee looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Uganda oo shirkan martigelinaysa ay faahfaahin ka bixisay sababaha ay ugu soo qeybgeli waayeen Madaxweynayaasha dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika sida Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak, Madaxweynaha wadanka Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo Madaxweynaha dalka Kongo Joseph Kabila.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalaya goobjoogayaal caalami ah oo ay ka mid yihiin Masuuliyiin ka socota dalka Mareykanka, Midowga Yurub iyo Jaamacada Carabta, waxaana Shirkan waxyaabaha Miiska saarran ee sida weyn loo hadal hayo ka mid ah in Ciidamo dheeri ah loo diro dalka Soomaaliya iyo in la badalo Qaabka ay ku howlgalaan Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya oo haatan ah Nabad Ilaaliyayaal lagana dhigo Nabad Dhaliyayaal, waxaana sidoo kale Shirkan la filayaa in Midowga Afrika uu go’aan isku mid ah ka qaato la dagaalanka Argagixisada iyo Burcad Baddeeda, iyadoo sidoo kale looga hadli doono dhinacyada Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha dalalka Afrika.