Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo sheegay in Dowladda Nigeria ay shaaca ka qaaday tiradda Ciidamada ay u soo dirayso dalka Soomaaliya. Sunday 25 July 2010 11:15 AM
Kambala, (TFG): Dowladda Nigeria ayaa shaacisay tiradda Ciidamada ay u soo dirayso dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan wadanka Soomaaliya ee gacanta ka geysanaya wax ka qabashada xaaladda Amaan ee wadanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u shaaciyay Tirada Ciidamada ay Dowladda Nigeria u soo direyso dalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Jean Ping oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda ayaa sheegay in Dowladda Nigeria ay Ciidamo gaaraya 1-Bataliyan ay u soo direyso dalka Soomalaiya si ay uga qeyb qaataan Howlgallka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.
Mr. Ping ayaa horay u sheegay in ay Afar Dowladdood oo ka tirsan Midowga Afrika ay ka baaraan dagayaan sidii ay Ciidamo ugu soo diri lahaayeen dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Dowladdahaasi ay ka mid ahayd dowladda Nigeria oo uu sheegay in ay tahay Dowladda Sida rasmiga ah u iclaamisay tirada Ciidamada ay u soo direyso Soomalaiya, wuxuuna sheegay in sidoo kale wadamada Ghana, Zambia iyo kuwo kale ay iyana sheegeen in ay ciidamo u soo diri doonaan, iyadoo Dowladda Geni ay horay u iclaamisay inay 1-Bataliyan oo Ciidamadeeda ka mid ah ay u soo direyso Soomaaliya.
Dowladda Djibouti oo saaxiib gaar ah la ah dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in iyana ay qorsheynayso in ay Ciidamo ka socda dalkeeda u soo dirto dalka Soomaaliya si ay u garab istaagaan Dowladda KMG-ka Soomaaliya, isalamarkaana ay gacan uga geystaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabadgelyo xumi ee ka jirta Soomaaliya.