Muqdisho, (TFG): Wasaaradda sportiga iyo dhalinyarada ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay Xalinta murun ka dhaxeeyay Masuuliyiinta Xiriirka kubada cagta ee Soomaaliyeed.
Wasiiradda sportiga iyo dhalinyarada ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo u waramaysay waraahinta dowladda ayaa sheegtay in xal laga gaaray Murankii u dhaxeeyay Guddiga Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed kadib markii ay Guddi u saartay arrintaas, islamarkaasna ay suurto gelisay Fikraddihii iyo Talooyinkii uu soo jeediyay Guddigaas in la dhameeyo khilaafkaasi.
Wasiiradda ayaa intaa ku dartay in talo soo jeedintii Guddiga ay dib ugula laabatay si ay ugala tashato arrintaas Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, islamarkaana la isku afgartay in Doorasho xor ah loo qabto Masuuliyiinta isku haysta arrintaas, waxayna sheegtay in 19-kii Bishan Doorasho loo qabtay islamarkaana laga gudbay wixii la isku haayay, taasoo ay ka soo qeybgaleen Xubno ka socday Gobolada, Garsoorayasha iyo Kooxaha ka jira dalka, iyadoo sheegtay in Doorashadaasi ay ka duwanayd Doorashooyinkii hore oo aysan inta badan ka qeybqaadan jirin Gobolada.
Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo ka dhacday 19-kii Bishan ka dhacday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeedloogu doortay Siciid Maxamed Nuur (Siciid mugaanbe), iyadoo Xoghahayaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeedna loo doortay C/qani Siciid Carab, waxayna Doorashadasi u dhacday si xor ah sida ay Warbaahinta dowladda u sheegtay Wasiiradda sportiga iyo dhalinyarada xukuumada KMG ah ee Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho