U qaabilsanaha Arrimaha Nabadgelyada ee Hay’adda la dagaalanka Burcad baddeeda oo digniin u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku howlan Falalkaas. Wednesday 28 July 2010 02:19 PM
Muqdisho, (TFG): Hay’addii dhawaan loo magacaabay la dagaallanka Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa digniin u jeediyay Dhainyarada Soomaaiyeed ee Falalka Afduubka ah ka geysanayesa Xeebaha wadanka Soomaaiya, iyadoo tilmaamtay in ay wacyi gelin u sameynayaan Odayaasha dhaqanka Deegaannada ku dherersan Xeebaha si looga hortago Falalka Kooxda Burcad badeedda.
U qaabilsanaha arrimaha Nabadgelyada ee Hay’adda La dagaallanka Kooxda Burcad badeedda Soomaalida Korneel Xuseen Maxamed Cigaal oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa digniin u jeediyay Dhallinyarada Soomaaiyeed ee shaqada ka dhigtay Afduubashada Maraakiibta iyo Doomaha isticmaala Xeebaha wadanka Soomaaiya.
Korneel Xuseen Maxamed Cigaal ayaa tilmaamay in dhalinyaradaasi ay Qatar ku yihiin Jiritaanka ummadda Soomaaiyeed iyo Beesha Caalamka, isagoo intaasi ku daray in Dhainyaradaasi ay u sameyn doonaan Xirfado kale oo ay ku shaqeystaan, islamarkaana ay xeebaha qaarkood dajin doonaan Ciidamo ilaaliya si ay u caawiyaan Maraakiibta isicmaasha biyaha dalka Soomaaiya.
U Qabilsanaha arrimaha Ammanka ee Hay’adda la dagaalanka Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida Kor. Xuseen Maxamed Cigaal ayaa sidoo kale sheegay in Hay’addu rajo wanaagsan ka qabto in ay sida ugu dhaqsaha badan u hesho Doonyo dheereeya iyo Qalabkii lagula dagaalami lahaa kooxaha Burcad badeedda, taasoo uu sheegy in ay wax weyn ka badali doonto weerarada ay kooxahaasiku qaadaan gaadiidka isticmaala Biyaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay sameysan doonaan Ciidamo gaar ah oo hoostaga Hay’addooda, kuwaasoo caawiya Maraakiibta iyo Doonyaha mara Xeebaha wadanka Soomaaiya.