Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay Go’aanadii ka soo baxay Shir-madaxeedkii Afrika ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kambaala ee xarunta dalka Uganda. Wednesday 28 July 2010 05:06 PM
Muqdisho, (TFG): Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Go’aanadii ka soo baxay Shir-Madaxeedkii Afrika ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kambaala ee xarunta dalka Uganda, kaasoo laga soo saaray Qodobo wax looga qabanayo arrimaha dalka Soomaaliya.
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay Go’aanaddii ka soo baxay Shir-madaxeedkii Madaxda Afrika ee ku soo gabagaboobay magaalada Kambaala ee xarunta dalka Uganda.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu waramaayay warbaahinta dowladda isagoo ku sugan xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madaxda Afrika ee ahaa in Ciidamo dheeraad ah oo ka socda wadamada Afrika loo soo diro dalka Soomaaliya ay soo dhaweynayaan.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan Qorshaha Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika loogu fasaxay in ay ku baacsan karaan Ciidamada Maleeshiyada Kooxda Shabaab hadii ay soo wareeraan Fariisimaddooda, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ku amaanay sida wanaagsan ee uu ugu gudbiyay warbixinta ku saabsan halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya.