Shirkii Isbahaysiga Sanca oo maanta ka furmaya magaalada Sanca ee caasimada dalka Yeman. Sunday 01 August 2010 12:38 PM
Sanca, (TFG): Shirka Isbahaysiga Sanca ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya dalka Yeman, kaasoo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin arrinta Soomaaliya iyadoo ay ka qeybgalayaan Wafdi ka socda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Shirkan oo maantya si rasmi ah uga furmaya magaalada Sanca ee caasimada dalka Yeman, islamarkaana ay ka qeybgalayaan wadamada la isku yiraahdo Isnahaysiga Sanca, kuwaasoo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Yeman ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee ka taagan wadanka Soomaaliya iyo sidii loo dabageli lahaa balanqaadyadii Shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Kambaala ee caasimada dalka Uganda ay u balanqaadeen dowladda Soomaaliya iyo sidii ay u noqon lahaayeen balanqaadyadaasi kuwo la hirgeliyo.
Dowladdaha Isbahaysiga Sanca waxaa kaloo ay kaga hadli doonaan shirkooda arrimaha argagaixisada iyo joogaanta wadanka Soomaaliya ay joogaan kooxaha Ajaaniibta ah ee xiriirka dhow la leh Ururka Al Qaacida, kuwaasoo laga cabsi qabo in ay weeraro kale oo la mid ah kii magaaladda Kambala u gaystaan dalalka daraiska la ah Soomaaliya, waxaana shirka sidoo kale looga hadli doonaan Qaraxii ka dhacay magaalada Kambala ee caasimda dalka Uganda kaasoo ay Masuuliyidiisa sheegatay Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.
Dowladdaha Isbahaysiga Sanca ayaa sidoo kale kaga hadli doono kulankooda sidii Go’aan midaysan looga gaari lahaa Kooxaha dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya si aanay weeraro uga fulin wadamada kale ee Geeska Afrika oo hada laga cabsi qabo in Kooxaha Argagixisada ah ay falal kale oo argagixiso ka gaystaan, maadaama ay dhawaan Qaraxyo ka gaysteen gudaha magaaalada Kambaala ee caasimdada dalka Uganda.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) iyo Wafdi uu horkacayo, waxaana la filayaa in Shirka ay ka soo baxaan waxyaabo dhaxalgal u ah dalka Soomaaliya.