Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare oo ka waramay safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa maalintii seddexaad uga socda dalka Ingiriiska. Thursday 11 March 2010 11:41 AM
London, (TFG): Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulan xasaasi ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya, la qaatay Wasiir ka tirsan xukuumadda Ingiriiska.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa kulanka ay la qaateen Wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan taageerada iyo horumarinta, waxay uga wada hadleen arrimo fara badan oo ku saabsan xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay dowladda Ingiriisku, gacan uga geysan laheyd taageerada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Oomaar, oo ka tirsan xubnaha wafdiga, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ay la kulmeen Wasiirka taageerada iyo horumarinta u qaabilsan dowladda Ingiriiska.
Wasiirka, ayaa intaa ku darey in dowladda Ingiriisku, u balan qaaday dowladda Soomaaliya, lacag gaareysa ilaa 40 milyan oo doolarka Mareylkanka ah, taasoo ay si wada jir ah isula maamuli doonaan qaabka loo qarash gareynayo ama loo isticmaalaayo labada dowladdood, isagoo sheegay in lacagtaasi qeybta hore ay dowladda Ingiriisku, bixin doonto bisha April ee sanadkan, halka qeybta kalana ay bixinayso bisha March ee sanadka kale.
Mudane Maxamed C/laahi Oomaar, ayaa dhanka kale sheegay in Madaxweynuhu uu qaabilaad u sameeyay ilaa 78 ruux oo isugu jira Muslimiinta kasoo jeeda dalkaasi, ganacsato iyo diblomaasiyiin kale, kuwaasoo ay is dhaafsadeen talooyin iyo aaraa ku aadan sida ugu haboon ee xaaladda Soomaaliya wax looga qaban karo.