Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London. Thursday 11 March 2010 12:10 PM
London, (TFG): Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdiiisa, ayaa kulan aad loo soo agaasimay la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada London, wuxuuna sheegay in dowladda Britain ay aqbashay in safaaraddii Soomaliya laga furo dalka Britain, arrintaas oo sacab iyo sawaxan muddo qaatay lagu soo dhaweeyey.
Kulanka Madaxweynaha iyo jaaliyadda oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dad saddex kun kor u dhaafay, ayaa ahaa mid damaashaad iyo farxad ay hareeyeen, iyada oo isbartiibo ama goob lagu ciyaaro kubada oo laba dabaq ka kooban ay xafladdu ka dhacday oo ay si aad uga dhex muuqdeen Rag, Caruur iyo Haween ku labisnaa calanka Soomaliya.
Kulanka, oo uu xiriirinayey qoraaga ahna weriyaha caanka ah ee Raage Omaar, Madaxweynaha hortiis waxaa hadal ka jeediyey, Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Az-hari) iyo Ra’ isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyaga oo labaduba carrabka ku adkeeyey kaalinta jaaliyadaha dibadda ee dib u soo celinta Qaran Soomaaliyeed.
Gunaanadkii kulanka kadib, Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah dadka aadka u firfircoon ee jaaliyadda Soomaalida ee magaalada London, isaga oo dhanka kale Madaxweynuhu khudbaddiisa ku dheeraaday arrimo badan oo taabanayey danta Qaranka iyo kaalinta jaaliyadaha dibadda.