Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo ka warbixiyay waxyaabihii la iskula soo qaadey shirkii Culumada Islaamka ku dhexmarey magaalada Dubai. Wednesday 17 March 2010 05:41 PM
Muqdisho, (TFG): Mid ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, oo ka qeybgaley shirkii Culum’aadinka Islaamka ay ku yeesheen magaalada Duba ee caasimada dalka isu taga Imaaraadka Carabta, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii shirkaasi la iskula soo qaaday iyo wixii la go’aamiyay intaba
Sh. Nuur Baaruud Gurxan, oo ka mid ahaa Culumaa’udiinkii Soomaaliyeed ee ka qeybgaley shirkii Mu’tamarka Islaamka, oo ay soo qaban qaabiyeen Culumada Islaamka, kaasoo ay ka soo qeybgaleen Culumo Aduunka ka timid oo ay ku jireen kuwo Soomaaliya ka tagey, wuxuuna sheegay in uu ahaa shir gaar ah oo looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya, iyo dhibaatooyinka ka jirta.
Sh. Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay in shirkaasi ay ka soo baxeen go’aano iyo dardaaran, wuxuuna sheegay in shirka ujeedadiisu aheyd in laga soo saaro aragti sharci ah, oo ku saabsan waxa shareecada Islaamku ka qabto waxa ka socda Soomaaliya, oo uu sheegay in ay arrimo murugsan ka socdaan Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin ayadoo la sheegayo Jihaad oo weliba magaca Islaamka wax badan lagu haleynayo.
Sh. Nuur Baaruud, ayaa sheegay in la iska wareystay waxa Islaamku ka qabo arrintaas, islamarkaana si cilmi ah loo baaro, wuxuuna meesha ka saarey in shirkaasi uu ahaa shir siyaasadeed, isagoo sheegay in shirkaasi uu ahaa shir aragti Islaam laga soo saarayay, wuxuuna sheegay in la isku weydiiyay su’aalo ay mid ahaayeen :
1.Waxa Soomaaliya ka socda ma Jihaadbaa mise ma ahan?
Waxayna Culumadu, iyagoo u noqonaya Kitaabka iyo Sunada iyo Aqwaashii Culumada, ay halkaas si aan shaki ku jirin uga soo saareen, in waxa Soomaaliya ka socda aysan Jihaad aheyn, ayna yihiin fidmo iyo macsiyo iyo xaaraam Ilaahey lagaga fogaanayo, ayna mabnuuc tahay ayey Culumadu ka soo saartey, waxayna sheegeen in waxa dagaalamaya aan Mujaahidiin lagu sheegi karin, ayna jirin wax Jihaad ah oo wadanka ka jira ayna yihiin dad Muslimiin ah oo dagaalamaya.
Sh. Nuur, ayaa sheegay in sidoo kale la isku weydiiyay su’aal aheyd: Dowladda Soomaaliya ka jirta ma Muslimbaa mise waa Murtad sida nimankaas sheegayaan?, wuxuuna sheegay in la isku raacey in dowladdu tahay dowlad Islaami ah, maadaama ay qaadatay Shareecada Islaamka, ayna tahay in la adeeco dadka soo horjeedana in ay hubka iska daadiyaan oo ay ayada adeecaan, waxaana sidoo kale uu sheegay in aad looga hadlay dhiiga Muslimka ah ee la daadinayo oo uu sheegay in wixii ka baxsan waxa diinta lagu sheegay la isku raacay in ay tahay dhaqan Qawaarij, ayna sameeyaan dadka Qawaarijta ah, kuwaasoo aaminsan in ay jano ku galayaan daadinta dhiiga Muslimka iyo boobida Maalka Islaamka.
Sh. Nuur Baaruud, ayaa ugu danbeyn sheegay in Culumadii ka soo qeybgashay shirkaas ay u soo jeediyeen dadka Soomaaliyeed hadalo dardaaran ah oo ay ugu baaqayaan in la heshiiyo oo la iska daayo dagaalada Ilaahna la xasuusto, iyadoo lagu amaanay Culumaa’udiinka Ahlu Suna sida geesinimada leh ee ay ula midoobayaan dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo sidaas oo kale sameysana waa lagu amaanayaa.