Safiirka Soomaaliya ee dalalka Talyaaniga, Beljuimka iyo xarunta Midowga Yurub Nuur Cade oo boqorka dalka beljuimka u geystay warqadihiisa aqoonsiga. Wednesday 17 March 2010 06:30 PM
Brusels, (TFG): Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Rome, ahna Danjiraha Soomaaliya ee dalka Beljuimka, ayaa waraaqihiisa u gudbiyay boqorka dalka Belguimka.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ahna Danjiraha dalka Beljuimka Nuur Xasan Xuseen, ayaa kulan uu la qatey boqorka dalka Beljuimka kadib, waxaa uu la hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay in uu gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga , islamarkaana uu boqorku ka aqbalay, isagoo sheegay in uu la yaabay sida u boqorku ula socdo xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu u gudbiyay warqad salaam ah oo uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed..
Nuur Xasan Xuseen, ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo boqorku ay ka wada hadleen xaaladda murugsan ee haatan ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda Beljuimkugacan uga geysan karto, wuxuuna sheegay in uu uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka dowladdu ugu jirto soo celinta nabada iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee uu dalku lahaa iyo rajada ay ka qabto in Midowga Yurub iyo dowladda Beljuimku gacan ka geystaan.
Boqorka dalka Beljuimka, ayaa dhinaciisa balan qaaday in uu ku dadaalayo sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu kala hadli doono arrimahaas xubnaha Midowga Yurub, si loo taageero Soomaaliya isagoo Soomaalida ugu baaqay in ay ku dadaalaan soo celinta nabada si horumar looga gaaro xalinta dhibaatooyinka bini-aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.
Nuur Xasan Xuseen, ayaa horey u ahaa Ra’isal wasaarihii dowladdii hore ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa safiir loogu magacaabay kadib markii Madaxweyne Sh. Shariif loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hada safiir ka yahay dowladdaha Talyaaniga iyo Beljuimka iyo Xarunta Midowga Yurub.