Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixinta. Wednesday 17 March 2010 06:59 PM
Muqdisho, (TFG): Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhamaan eedeymahii lagu soo qorey warbixintii ay soo saartey Monitoring group.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in waxyaabihii lagu soo qorey warbixinta ay ahaayeen kuwo lasoo dhoodhoobay oo aysan waxba ka jirin.
Ra’isal wasaare ku xigeenka, ayaa sidoo kale ka codsaday Qaramada Midoobay in baaritaan lagu sameeyo warbixintaas, wuxuuna sheegay in aan loo baahnayn in la iska eedeeyo qof aan cadeyn lagu haynin.
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay Safaaraddaha weydiistaan Viso, wuxuuna sheegay inay diidan yihiin in lagu eedeeyo wax aysan gadan, wuxuuna ku eedeeyay ninka warbixinta soo qorey in uu ka soo aruursaday goobaha jaadka lagu cuno iyo goobaha fadhi ku dirirka.
Ra’isal wasaare ku xigeenka, ayaa intaa ku darey in Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, uu Gudi u saari doono marka uu yimaado, islamarkaana la weydiin doono cadeymaha eedaymahaas, isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu wiiqo dadaalka ay dowladdaha Aduunku ku doonayaan in ay Soomaaliya ku taageeraan.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa ugu danbeyn sheegay in uu isagu shaqsi ahaan uusan magaalada Nairobi tagin mudo 9 bilood ah, ayna baahi u hayn lacag 10kun iyo wax lamid ah oo ay sharaftiisa ka weyn tahay.