Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Munaa Sabadaha soo Socda

Wasiirka wasaarada isboortiga iyo dhallinyarada oo ka hadlay waxqabadka wasaaradiisa.

TFG- website: Mudane wasiir ka waran waxqabadka Wasaaradda dhalinyarada iyo sport-ga tan iyo intii laguu dhiibay xilkaan?

 
Wasiirka Sportiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble: Runtii waxaa la dhihi karaa wasaaradu mudadii aan joognay ee dhowrka bilood aheyd wax badan ayaa inoo qabsoomay, wasaarada waxaan ugu nimid hal qof iyo hal gal, marka ugu horeysa waxaan wax ka biloownay meel hoose, waxaan xooga saarnay dhismaha xafiisyadda wasaarada iyo qaab dhismeedka wasaarada.
 
Wasaarada waxaa ka howlgashay ilaa 25 shaqaale oo ka tirsan qeybaha wasaaradda, waxaan dhihi karnaa in aan hadda ku guuleysanay inuu wasaarada xafiiskeeda dhismo.
 
Hadda waxaan dhihi karnaa ilaa iyo 4 xafiis ayaa wasaaradda u qalabeysan, waxaan guda gelnay howlmaalmeedkii wasaarada oo ahaa horumarinta dhalinyarada iyo isboortiga.
 
Waxaan marka hore go'aansanay inaan isboortiga ka biloowno, waxaan mas'uuliyiintii isboortiga ee dalka ka jirtay qaasatan Gudiga Olombikada Soomaaliyeed oo markaas shaqeenayay inaan kulamo la yeelano oo aan bal kawada hadalno qaabka howsha loo wada bilaabi karo, qaabka la iskula wada jaanqaadi karo.
 
Gudiga Olombikada Soomaaliyeed oo markaas iyagana uu kaabiga kusoo haayey doorashooyinkoodii sanad laha ahaa oo afartii sanaba mar laqabto ayaa waxay inoo sheegeen inay doorashooyin soo dhaw yihiin oo maalmo kaliya ka dhiman yihiin, arrimahaasaana kala sii shaqeynay si aan ula dhameystirno kadibna waxaan kala qeyb galnay kogareeskoodii (congress) oo ka dhacay dalka Jabuuti.
 
Markaan Olombikada guud ahaan u aragnay mas'uuliyiintooda waxaan codsanay xiriirada ka jira ee isboortiga dalka inaan si gaar gaar ah u aragno dhamaan waxaan ku guuleysanay inta xiriir ee dalka ka jirta mid waliba inaan aragno.
 
Waxaa jirey dhinac kale oo iyana markaasi saluugsanaa Gudiga Olombikada, iyagana waxaan la yeelanay kulan waxaana culeys saarnay sidii hal meel la iskugu imaan lahaa, taasna ilaa xad waan ku guuleysanay, koongareeskana waa laga wada qeybgaley.
 
Wasaarad ahaan waxaa qorshayaasha aan dejisanay ka mid ahaa in dhalinyarada, ururadii dhalinyaro ee dalka ka jirey lala kulmo lana dhiso Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed.
 
Dhinaca kale waxaan bilaawnay siyaasada ah in dib loo soo nooleeyo kooxihii iyo naadiyadii hore ee isboortiga dalka, si halkaasna looga helo masuuliyad isboorti oo uu qaranku leeyahay.
 
Waxaan ku guuleysanay in 10 naadi oo dalka ka jirey in 7 ka mid ah maanta ay diyaar yihiin, 5tii ugu horeysayna markay noo soo xasileen waxaan u qabanay koob.
Koobkaas oo loogu magac  darey todobaadka nabadda iyo soo noolaynta naadiyadii hore, waxaan uga gol laheen maamulada isboorti ee hadda dalka ka jiray oo ka baqaayay in wax tartamo ah la qabto iyagoo markaas ku xiraayay duruufaha dalka ka jira oo ahaa nabad baan jirin iyo garoomadii oo gacanta ku jirin, anaga garoon waxaan ka sameysanay iskool buluusiyo goolasheenii ayaan taaganay garoonkii ayaan camiranay, halkaas ayaana tartankii ku qabsanay, waxaan meesha ka saarnay inaan waxba la qaban Karin.
 
Hada waxaan ku guda jirnaa dhameystirka xubnihii kooxihii dhinaa oo meel fiican inoo mareysa markaan ku guuleysana waxaan rabnaa 15ka bishaan December 2009 inaan qabano koob weyn oo aan u qabano 10-ka naadi oo si heer fiican loo soo abaabulay.
 
Waxqabadkeena waxaa kaloo ka mid ah dhalinyarada maamulka gobalka Banaadir inaan dhalinyaro u dhisno, runtii degmooyinka waa u dhisnay ilaa iyo heer degmo kasta waxaan ka dhisnay dhalinyaro matasha waxaana hada u soconaa ilaa heer gobal inaan gobal walba tango, markaan gobalada dhameystirnana waxaan rabnaa inaan u gudubno kii heer qaran oo aan goballada dhalinyaro ka keeno una qabano shirweyne sidaasna aan ku helno Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
 
Waxqabadkeena waxaan ku qeexnay warbixino aan soo saarnay oo laba ah oo isdaba yaalay oo sedex biloodla yaal ah, sedexdii biloodba mar buug ayaan soo saarnay, sedexdii kalena buug ayaan soo saarnay oo aan kusoo koobeyno waxqabadkeena.
 
TFG- website: Mudane wasiir ka waran safarada Wasaaradda dhalinyarada iyo sport-ga?
 
Wasiirka Sportiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble: Safaro waa jiraan oo aan dalka dibadiisa ku kala tagnay sida wadanka Swizer oo aan shir kaga qeyb galnay oo isboorti-iswiiz la yiraahdo waxaan meeeshaa geynay in dalku uu isboorti ka jiro sida uu hada dadka u maleynayaa uusan aheyn.
 
In garoomo ay dadku usoo daawasho tagayaan ayaan u sheegnay iyo in dadka Soomaaliyeed dad isboorti inay yihiin ayaan u sheegnay duruufaha hadda jira in laga gudbi doono inshaa alaah.
 
Isboortiga Soomaaliya si uu gacan u helo waxaan culeyska saarnay inaan safaro ku aadno wadamada aan saaxiibka dhawnahay sida; Suudaan oo aan tagnay waxaana marti qaad rasmi ah ka helnay Wasaaradeeda Isboortiga iyo dhalinyarada, si fiicanaa naloo soo dhaweeyay oo aad cajiib u ah isla markaana heshiis ilaa iyo 8 qodob ka kooban ayaan soo kala saxiixanay dowladda Suudaan iyo ka wasaarad ahaan. Qodobada aan soo kala saxiixanay Suudaan qaar ka mid ah ayaa hada dhaqan galay oo shaqeeyay inta kalana aan rajeynayno inay dhaqan geli doonaan.
 
Waxaa jira dalka Suuriya oo aan shirka dhalinyarada carbeed kaga qeybgalayey oo asagana waxaan ku soo bandhignay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed iyo duruufaha hadda jira ee dalka ka taagan.
 
Wadamada badan oo aan tagnay oo ay ka mid ahaayeen; Uganda, Kuweyt, Yeman, Jabuuti iyo wadamo kale iyaguna waxaan lasoo galnay heshiisyo lagu horumarinayo isboortiga Soomaaliyeed.
 
Dhinaca kale waxaa jira saaxiibo badan oo bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ka tirsanaan jirey oo haatan diyaar u ah inay gacan siiyaan kooxaha isboorti ee uu wadanku leeyahay.
 
TFG- website: Waa maxay xiriirka idinka dhexeeya ururada caalamiga ah ee isboortiska iyo kuwa dhalinyarada sida FIFA iyo kuwa la mid ah?
 
Wasiirka Sportiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble: FIFA iyo xiriirada kale oo caalamiga ah wadashaqeyn ayaa naga dhaxeysa, xiriirada dalka ka jirana mid walba wuxuu ku xiran yahay xiriirada la midka ah ee caalamiga ah.
 
Mar aan FIFA la kulanay waxaan u sheegnay inay ka qeyb qaataan horumarinta isboortiga Soomaaliya, sidoo kale mar aan la kulanay xiriirka Olombikada Adduunka waxaan kala hadalnay sidii wax looga qaban lahaa baahida dhica sportiga ee ka taagan dalka.
 
TFG- website: Muxuu yahay qorshaha ay wasaaradu ugu tala gashay guud ahaan dhalinyarada Sooomaaliyeed hadey ahaan laheyd kuwa dalka jooga iyo kuwa dibada ku maqan intaba?
 
Wasiirka Sportiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble: Waxaan marka hore rabaa inaan dhalinyarada ugu baaqo inay ka qeyb qaataan dhismaha dalkooda si looga baxo dhibaatooyinka ka taagan, waayo dhalinyaradu waa laf dhabarka horumarinta dalka, waxaana ka codsanayaa inay dalkooda ku dhabar adeegaan.
 
TFG-website: Ma jirtaa tababaro ama kaalmooyin aad ka hesheen wadamadii aad tagteen?
 
Wasiirka Sportiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble: Balanqaadyo wey jiraan sida Suudaan oo kale waxay noo sheegeen inay noo soo dirayaan qabiir darsa duruufaheena waxqabad iyo qaabka wax looga qaban karo.
 
Sidoo kale Ugandha ayaan ka rajeeneynaa in aan tababaro uga helno dhalinyarada, waxaa kaloo jira tababaro la qaban doono oo aan quud dareyneyno haduu ilaah yiraahdo bisha soo socota in shir anaga iyo qolooyinka Ururka Shaqada Aduunka iyo United States of America, qeybta dhalinyarada, waxaan rabnaa ilaa afar qeybood ah, labo wasaaradood oo anaga ah inaan shirku yeelano (continental meeting) ka wasaarad ahaanna aan soo qaban qaabino shirkaas oo wasaaradeena ay soo agaasinto ujeedadiisuna ay tahay sidii dhalinyarada shaqo loogu heli lahaa, waxaan rabnaa hay'adda UNICEF oo dhinaca waxbarashada u xilsaaran. Waxaana wadaagi doona barnaamijyadaan dhalinyarada waxbarashada iyo shaqada loogu abuurayo wasaaradeena iyo wasaarada waxbarashada ama wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.
 
TFG-website: ugu danbeeyntii, maxay tahay fariinta aad ujeedinaysid guud ahaan dhalinyarada?
 
Wasiirka Sportiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble: Guud ahaan fariinteyda dhalinyarada ku saabsan waa inay dhalinyarada soomaaliyeed wadaniyad  lahaadaan ayaa la rabaa, qofna qofaan jirkiisa ka naxeynin, oo  hantidiisa ka naxeynin wax uu  xaq u leeyahay aan  ka naxeynin qofkaas damiir laawuu noqonayaa, hadaba waxaan leenahay dhalinyarada soomaaliyeed ha ahaadaan kuwa dalkooda iyo dadkooda iyo diintooda ka danqada oo yeysan noqonin kuwo dalkooda iyo diintooda beylihiyo, hadaad dayacdaan waxaad xaqa uleedihiin ma helaysaan wax aadan xaq ulaheyn, waxaan dhihi lahaa halala yimaado lexjeclo oo dalka iyo diinta ku saabsan halala yimaado, qofna dalkiisa meel aan aheyn dal uma noqonayso, qof walba wax uga fiican majirto inuu dalkiisa aamino iyo diintiisa iyo dadkiisa marka waxaan leeyahay dalka iyo diinta iyo dadka hala aamino waana mahadsan tihiin.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Munaa Sabadaha Kale
  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin
Sunday 01 August 2010 10:49 AM
  Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalk...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:33 AM
  Shirkii Isbahaysiga Sanca oo m...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:25 AM
  Wasiirka warfaafinta Soomaaliy...
Sii aqri




Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
Wasaaradda Warfaafinta
Wasaaradda Caafimaadka
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Wasaarado Badan
Home  |  Madaxweynaha  |  Ra'iisul wasaaraha  |  Baarlamaanka  |  Maqalka & Fiidiyowyada  |  Wararkii ugu dambeeyay
Xidhiidhada Muhiimka ah  |  War Saxaafadeed  |  Weydii Dowadda  |  Nagala Soo Xidhiid  |  Barta ShaqaalahaAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved