Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Munaa Sabadaha soo Socda

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada oo ka warbixiyay arrimaha duulimaadka Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada oo ka warbixiyay arrimaha duulimaadka Soomaaliya.

TFG Website: Mudane Maareeye Guud, Ugu horeyn, Maxay tahay warbixinta guud ee aad naga siin karto garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo howlaha duulimaadka dalka?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ama Hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada, waxay dib u howl bilaabay Janaayo 2007-da, kadib muddo xirnayd, inkasto ay howlaha garoonka bilowdeen xilligii maxkamadaha ay iyagu bilaabeen in ay dayactir ku sameyaan, kana jaraan dhirtii ka baxday mudadii uu xirnaa, dayactir fiicana ku bilaabeen hadana howl qabadkeeda wuxuu bilaabay bishii May 2007-dii.

Garoonkaan waad ka warqabtaan, mudo 20 sano ku dhow ayuu burbur ku sugnaa hantidiisiina la bililiqaystay, daarihiisii la burburiyay, dhabihii diyaaradaha dhibaatooyin loo geystay intooda badan meelaha qaarkood gaar ahaan dhinaca Bada, wixii hanta ahaa oo yaalayna ama Soomaali Airlines laheyd  ama shacabka lahaayeen ama hay’addihii kale ee dowladda lahaayeen waad og tihiin dhibaato xoog leh ayaa soo gaartay.

Laga soo  bilaabo bishaas May 2007-da, waxaa ku socday dayactir iyo dib u habeyn garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdule Cismaan, waxaa la sameeyay waad arkaysaan darbiyaal badan oo iska daba danbeeyo, oo loogu talagalay xaga amniga garoonka in lagu xoojiyo, waxaa dib loo dayactiray hoolashii dhoofayaasha terminalka meeshii laga dhoofi jiray ama laga soo degi jiray waxaa dib loo dayactiray xafiisyadii oo dhan gabi ahaantood oo uu Airport-ku lahaan jiraey waxaa dib loo dayactiray tawarkii dheeraa ee diyaaradaha loogu talagalay kaasoo uu dhismihiisa socdo ay dowladdii hore dhacday.

Waxaa la dhisay xafiisyo cusub oo ah, xafiisyada ay hay’addu ka howlgasho, oo horay u ahaan jiray meel ay laheyd farsamada Soomaali Airlines laakiin burburkii la burburay, dibna loo dhisay oo la dayactiray waxaa dayactir kooban lagu sameeyay dhabaha dayuuradaha iyo baakinka diyaaradaha waxaa la dhisay oo dib loo howl geliyay Hool cusub oo dhoofayaasha ah iyo xafiisyo loogu talagalay shirkadaha dayuuradaha ka duula garoonkaan in loo sameeyo.

Waxaa dayactir lagu sameeyay ama dib u habeyn lagu sameeyay kabaradii shirkadaha dayuuradaha, kabaradii waaxda Socdaalka iyo dhamaan xafiisyadii adeega, waxaa kaloo hay’addu qeyb ka qaadatay dayactirka Saldhiga Booliska, Masjidka iyo dhismayaasha ku yaala garoonka oo dhan ayaa wax laga qabtay in kastoo heer ka la doonaayay aan la gaarin hadanna howlbaa laga qabtay baan is leenahay waxtarbay leedahay waana meel laga sii anba qaadi karo in dib loo sii habeeyo.

Howlo badan ayaa laga sii wadaa garoonkaan waad ogtihiin oo waa garoon caalami ah, waa garoonka ugu weyn Soomaaliya, ilaahaa weyne howlihiisuna ma dhamaanayaan oo maalin walba wax loo sameeyo ayuu rabaa.

Hay’addu waxay ku guuleysatay in ay qalabka diyaaradaha lagula hadlo keento ama kuwa meelaha fog ama kuwa meelaha dhow diyaaradaha lagala hadlo keento, waxay keentay qalabka saadaasha hawada waxay kaloo keentay qalabka airport-ka in ammaanka wax looga qabto loogu tala galay, hase ahaatee dhibaato ayaa naga gaartay oo dayactir buu u baahan yahay oo wuu naga halaabay.

Waxqabadka hay’addaha ka wada howlgalka Airport-ka waad og tihiin oo hay’addo badan ayaa ka wada howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cabdule waxaa ka howlagala waaxda socdaalka oo ka tirsan hay’adda nabadgelyada qaranka, wasaarada lacagta, ciidanka booliska oo amniga jooga oo nabadgalyada isaga iyo amisom iska kaashadaan, shirkadihii dayuuradaha oo qeyb xoog leh ku leh horumarka garoonka oo ka qeybqaata dadka nooleynaya oo u dhaqdhaqaaqa garoonkana ay ayagu yihiin.

Dhamaan howlahaas la qabtay wax anaga gacan naga siiyay oo dhaqaale ama si kale ah ama qalab noogu deeqay haba yaraatee ma jiraan waxaa lagu sameeyay oo wax looga qabtay daqliga yar ee ka soo gala garoonka dhowrka dayuuradood ee yimaada anaga hay’ad caalami ahna wax nama siinin balse waa uun daqliga dowladda ee ka soo gala garoonka oo intiisa badan loo leexiyo in garoonka wax looga qabto taana mahadeeda waxaa iska leh mas’uuliyiinta dowladda oo uu u ogalaatay garoonka asaga la siiyo muhiimada koowaad si dayactir loogu sameeyo.

Waqtiga hada ah waxaa gacanta lagu hayaa Qolol VIP-yo cusub ah oo loogu tala galay mas’uuliyiinta dowladda bacdamaa VIP-dii hore meeshay ku taalay ay xoogaa meel cariir ah oo dadkii dhoofaayo iyo dadkii soo dagaayay labo dhexdooda ah 1965-kii meel la dhisay ayay aheyd waqtigaana dadku waa iska koobnaayeen hadana aad garan kartaan mas’uuliyiinta dowladda ama xildhibaanada ha noqdaan ama golaha wasiirada ha noqdaan in ay mas’uuliyiintu seddex jibaar ama afar jibaar ka badan yihiin in tay ahaan jireen.

Waxaan is leenahay waxna waa qabanay wax badana waa noo dhiman yihiin inaan qabano mustaqbalka waxaase ilaahay mahadiis ah inaanu xoogaa horay talaabo u qaadeen waxaan is leenahay wax badana waa idiin dhiman yihiin.

TFG Website: Mudane maareeye guud, maxay tahay shaqada hada ka socota garoonka amaba qorshaha aad ku tala jirtaan in garoonka mustaqbalka dhow wax badan aad ka badashaan?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Shaqada hadda garoonka ka socota waa shaqadii caadiga aheyd ee ay hay’addu laheyd ama hay’addaha kalaba ay lahaayeen.

Ma ogtahay garoon ama shaqo dowladdeed sideedaba ma dhamaato maalin walba adduunka garoomada ugu waaweyn ilaahbaa weynee waxbaa lagu sii daraa waxbaa laga dayactiraa, anagu hadda kaanagii burbursanaa in aan maalin walba meel dayactirno dib u habeyn ku sameyno hagaajino.

Waxyaabaha hadda muhiimka noogu ah inaan hagaajino waxaa ka mid ah inaanu airport-ka darbi dheer ku wareejino laga bilaabo Saldhiga Booliska ilaa xerada Afisyoone ee garoonka ku dhagan, inaanu darbi ku wareejino taas waxaan ka leeyahay in aan qarashkeed meel ka heli karno, laakiin xoogaa arrimo amniga daraadeed baa un na hakinaya, ma ahinee inaan howshaas qabano ayaan diyaarinay.

Waxaan kaloon rabnaa inaan bada dib u celino ilaa toban mitir oo dhabaha ah, inkastoo meeshii ay maxkamaduhu horay u dhiseen inaan toban mitir dib uga fogaano oo aan darbi shub ah ka dhisno markaan darbigaas iyo tobanka mitir inta u dhaxeysa oo aan caro buuxis ku sameyno waa lagama maarmaan airport-ka in nal la geliyo oo habeenkii lagu soo dago waa lagama maarmaan in qalabka casriga oo aduunka maanta looga shaqeysto diyaaradaha lagula hadlo ama lagu hago aanu helno.

Hadda qalabka diyaaradaha lagula hadlo ee aan keensanay waa kuwo kumeelgaar ah, inaan keenana waa lagama maarmaan muhiimada kale oo noogu sii weyn waxay tahay amaba aad noogu sii muhiimsan oo lagama maarmaanka ah, hay’adda qeynbtii ugu muhiimsaneyd waa naga maqan tahay oo mid ka mid ah hay’addaha Qaramada Midoobay oo qaabilsan duulimaadka ayaa gacanta ku haysa ayaan rajeynaynaa haddii Ilaahey laga helo inaan sanadkaan bilaha ugu horeeyo aan la soo wareegno oo ay gacanta ummadda Soomaaliyeed soo gasho markaan arrintaan gacantayada soo gashana wax badanaa iska badalaaya sharafta magaca iyo dhaqaalaha hay’adda ama qarankaba guud ahaanba.

Arrintaasna waxaan ku tala jirnaa inaan sanadkaan bilaha ugu horeeyo wixii ka horeeyo juun in aan la wareegno waxayna sumcad iyo sharaf u tahay ummadda Soomaaliyeed, waxaan uga mahadcelinayaa dhamaan intii gacan ka geysatay arrintaas in ay meel marto loona baahan yahay in loo guntado in wax laga qabto waxayna ka mid tahay howlaha aan rabno inaan hada qabano.

TFG Website: Mudane Maareeye Guud, Qaabkeed u wada macaamishaan amaba uwada shaqeysaan shirkadaha diyaaradaha qaaska ah ee dalka ka soo daga iyo diyaaradaha isticmaala garoonkaan?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Shirkadaha diyaaradaha garoonkaan ka soo daga waa dhowr shirkaddood oo xadidan qaarkood ay mudo dheer soo shaqeynayeen, runtii wadankana ay abaal ku leeyihiin, sababtoo ah hadii ay iyagu jiri laheyn xiriirka Soomaaliya iyo wadamada kale wuu kala go’i lahaa.

Shirkaduhu qaladaad ha lahaanaadaano laakiin qaladaadkooda waxaa daboolayaa wixii ay qabteen, hadda dhowr shirkadood baa ka howlagala dalka, shirkadaha kalana wey yimaadaan, runtii wada shaqeyn fiican ayaa naga dhaxeysa.

Anagu waxaa nahay dadka sharciga u sameeya shirkadaha, anaga sharcigaan leenahay, iyagana shaqada ayay hayaan, marka shuruuc noo dhaxeysa oo caalami ah ayaa jirta iyo kuwo gudaha ah intaas ayaan kula dhaqanaa wax dhibaato ah oo Na dhexyaalana oo aan wanaag aheyn mooyee ma jiraan.

TFG Website: Mudane Maareeye, maadaama garoonka uu yahay garoonkii ugu weynaa Soomaaliya, garoonkaan Aadan Cade imisa diyaaradood ayaa ku soo dagi karta xiligiiba?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Garoonka diyaarado badan ayaa ku soo degi Kara, laakiin meequu qaadaa baarkinkiisa? Haddii la yiraahdo micnaha meelaha diyaaradaha fadhiistaan ilaa sided diyaaradood buu qaadi karaa oo diyaaradaha waa weyn ah ilaahbaa weynee, inkastoo uu baarkinku u baahan yahay in meelaha qaarkood wax laga qabto ayuu u baahan yahay.

Hadana maalmaha qaar waxaa hadda mr mar noo wada yimaada ilaa 7 diyaaradood maalmaha qaarna waxaa noo imaanayay hal ama labo maalmaha qaarkood shan, illaa Lix ayaa kuu imaanaysa marka waa xajin karnaa garoonka waxaan lee nahay baarkin kale oo isagana noo gaar ah oo aan hadda la isticmaalin oo haddii xaaladu is bedesho aan isticmaali doono isagana aan kan ka yareyn.

TFG Website: Mudane Maareeye, Xiriir intee la eg ayaad la leedihiin garoonada caalamka iyo talooyinka had iyo goor la idinka soo siiyo garoonka sidaad u dhisi laheydeen?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Aduunka waxaa jira hay’ad xiriirisa hay’addaha duulimaadka caalamka oo la yiraahdo (International Civil Aviation Organization, waa hay’ad ka mid ah hay’addaha Qaramada Midoobay, waxaa jira African Civil Aviation, waxaa jira Arab Civil Aviation, waxaa jira Latin American Civil Aviation, waxaa jira European Civil Aviation dhamaantood calaaqaad baan la leenahay wada shaqeyn baa naga dhaxeysa fikradahaan is dhaafsanaa wax inooga baahan yihiin ayay naga soo codsadaan waxaan uga baahanahay baan ka codsanaa.

Waxa la iska codsanaayo waxa ay yihiin in la ilaaliyo amniga diyaaradaha wax ugu weyn diyaaradaha hawada maraaya in ay si nabadgelyo ah ku maraan, kuwa garoonada ku dagaayana in ay si nabadgelyo ah ku dagaan waa waxaa la iska kaashado oo caalami ah.

Diyaaradaha noo soo gudbaayo ama naga sii gudbaayo ayaan isdhaafsanaa gaar ahaan wadamada deriska ah Kenya ayaa noogu badan, Ethiopia, Jabuuti, Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, diyaaradaheena wey tagaan kuwa inta ka baxa, kuwa kalaa xaga ka yimaada, inkastoo aysan diyaarado klae oo iyaga xagooda ka yimaado aysan badneyn, laakiin diyaaradaheena meelahaa waa wada aadaan diyaadaha anaga noo yimaadana waxaa ka mid ah diyaaradaha ka yimaada wadanka aan deriska nahay ee Kenya diyaarado yar yar oo Kiro ah. Marka wada shaqeynta iyo is fahanka aan aduunka la leenahay heer fiican buu marayaa.

TFG Website: Mudane Maareeye, Maxay tahay qaladaadka dhaca ama mararka qaar aad qabataan oo ku saabsan arrimaha xaga amniga ee duulimaadka?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Xaga amniga marka la yiraahdo waxyaabo xadgudub ah waa jiraan marka dhibaatada jirta waxay tahay umada caqligii 20-ka sano burburku wuxuu keenay in caqligiina baaba’o caqligii waa ka burburay dadkii waayo aduunka sharciga ka jira ma suuro gali karto diyaarad aan fasax laheyn in ay dal kale iska gasho waxay la mid tahay ciidan u talaabay wadan kale xuduudiis.

Aduunka waxay diyaaradaha u kala shaqeystaan fasax ama ogolaasho la is weydiisto diyaarad kasta oo hawada Soomaaliya soo galeysa waa in ay fasax ka haysataa Ummadda Soomaaliyeed, Ummadda Soomaaliyeedna waxaa uga wakiil ah wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka waxaa ka wakiil ah Civil Aviation-ka marka waxaa jireysa diyaarado iska soo xadgudbaya mas’uulyiinta qaar ka mid ahna ay u qaadanyaan in diyaarada aan lala hadlin in ay fiican tahay aarrintaasi waxay leedahay ciladeeda.

Diyaaraduhu waxay hawada ku leeyihiin wado ay maraan oo sida wadooyinka dhulka oo kale ah wadooyinka dhulka waa la isku jeedaa laakiin taas la iskuma jeedo haddii aysan jirin diyaaradaas waqtiga ay hawada soo galayso waqtiga ay halkaa ku began tahay dhirirka ay ku socoto meesha ay u socoto waqtigay hawada uga baxayso intaas hadaanan la soo daynin diyaarad kale iyo iyadaa isku dhici kara diyaaradaha waxaa loo dhaxaysiiyaa duulimaadkay duulayaan Level-kooda ama dhirirkooda inbaa loo dhaxeysiiyaa 1,000 feet oo kale ka soo qaad haddii tan dhulka ka baxday ay 500 kor u baxdo tiina 500 soo degto waa isku dhacaayaan marka waa waxyaabaha muhiimka ah ee loo raadiyo in ay diyaaradaasi ay fasax leedahay ay hawadaas ku soo gasho waxay muhiim u tahay badbaadada diyaaradda.

Amniga ka dhaxeeya wadamada ama aduunka waxay sharaf u tahay marka anaga waxaa ay noo tahay lagama maarmaan in aan ilaalino sharafta Qaranka Soomaaliyeed aan ahaano wadan iska daciif ah, aan ahaano wadan dhibaato ku jira dalkanagu sharafbuu leeyahay sharaftiisa in la ilaaliyo oo sharuucda la raaco waa lagama maarmaan ma ahan in la isku ciqaabayo laakiin waa in la raacaa, qofkastana oo ilaaliyaa.

Haddaan u soo noqdo ma dhaceen arrimo qaladaad ah?! HAA, waa dhaceen laakiin waxaan yeelnaa in aan marka hore u digno qofka qaladbaad ku socotaa ka leexo shirkada aan uga sheegno afka marka labaad in aan canaan qoraal ah siino wadankay ka timid ama iska lehna inaan iyagana qoraal aan siino marka sedexaadna inaan ganaaxno, ganaax ku dhufano lana socodsiino hay’addaha ku shaqada leh in diyaaradaas talaabo laga qaado.

Markaas kadib waxaan sameyn karnaa inaan diyaaradaas ka mamnuucno wadankeena oo dhan oo aan niraahno ma soo geli karto, waayo hadeysan aqoonsaneyn jiritaanka ummadda Soomaaliyeed qaranimada Soomaaliyeed anaguna dan gaar ah oo aan ka leenahay ma lahan, laakiin weli heerkaas diyaar aan isla gaarnay ma jirto, waxaan ku dadaalnaa inaan xalino ama aan isla fahano oo aan isla garano.

TFG Website: Mudane Maareeye, shirkadaha diyaaradaha qaarkood waxay isticmaalaan diyaaro waqti hore jiray, kuwaas side ula dhaqantaan maxaadse ka sameyneysaan?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Waa sax waana wax jira, diyaaradahaan hadda waqtibaan ku soo moodnay alxamdulilaahi rabilcaalamiin, Ummadda Soomaaliyeed dhibaato waxay kala kulantay baddaha, waxay kala kulantay saxaaraha, waxay kala kulantay dagaalada dhacaya, laakiin ilaahey mahadiis, ilaahayna haddana ha naga haayo xaga diyaaradaha weli dhibaato kalama aan kulmin.

Diyaarahaan Ruushanka ah ama diyaaradahaan noocii Ruushka ah oo hadda duulana waa diyaarado gaboobay lagana baxay waqtigoodii hadda wey bilaabeen shirkadaha sida Jubba Airways oo kale Afrika waaba ku socotay oo diyaarado fiican bay mar kasta laheyd hadana waa cusboonaysiisay, waa uga mahadcelinaynaa Jubbana waa badashay oo diyaarad cusub bay keentay, Daallo maalmahaan ma hayno waxay soo wado ma ogin, cosob waxaan rajeynaynaa in ay diyaarado cusub iyagana keenaan.

Waxaana ku tala jirnaa sanadkaan gudihiisa inaan dhammaan diyaaradihii hore inaan joojino, waqti inaan u qabano waqtigaas wixii ka danbeeyana in aan niraahno, diyaadahaas ma duuli karaan xamuul ma ahanee rakaab ma qaadi karaan waa ku tala jirnaa.

TFG Website: Mudane maareeye, ugu danbeyn maxay tahay fariinta aad u jeedinaysid shacabka Soomaaliyeed ee kaa aqrisaanaya web-ka dowladda KMG ah ee Soomaaliya?

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye sare, Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Pailot): Waxaan shacabka Soomaaliyeed horta uga mahadcelinaynaa gacanta ay nagu siiyaan maamulka aan u hayno ay nala gartaan ee ay awaamiirta aan siino ay u hogaan samaan, waan ku sii adkeynaynaa maxaa yeelay anagu adinkaan idiin shaqeynaa ha u qaadanina meeshaan dowladdaa gacantaa ku haysa shacabka ayaa meeshaan ka dhoofa qof kastoo Soomaali ah ayaa ka dhoofa oo ka soo daga.

Waa meelaha arrimaha bulshada laga maamulo anagana waxaan nahay adeegayaalkiinii idiin adeegayay marka waxaan idinka codsanynaa inaad nadaamka ciidamada amniga shaqaalaha garoonka hay’addaha kale inaad gacan ku siisaan in uu garoonku noqdo garoon nadiif ah oo nabadgelyadiisu sugan tahay nadaamkiisu wanaagsan yahay, waad aragteen markaad garoonada kale ka degaysaan siday garoomadu yihiin adinkuna kina sharaftaas oo kale in uu yeesho ka taxadara.

Waxaan kaloo ka codsanaynaa dadka in ay markay garoonka soo aadayaan ay iska ilaaliyaan waxyaabaha Liquid-ka ah ama dareeraha ah sida; Saliida Macsarada ama Cadeyda, Subaga Xoolaha, Malabka I.W.M. ah, waxaa dareeraha ah in ay iska ilaaliyaan haddey noqoto Saliida yar oo timaha la marsado oo uu qofku wato, shaamboowda uu wato, barfuumka uu wato shandada hoose ha gashado laakiin diyaarada dusheeda in lala fuulo lama ogalo saliida aan ka hadlaayo waa macsarada, subaga, malabka gasacyada ku jira kaartoonada ku jira ama caagaga diyaaradaha looma ogala waa ka mamnuuc.

Waxaan kaloo ka codsanynaa in ay dhammaan waxyaabaha qarxa waxkastay noqdaan Janta siigaraha sigaarka lagu daarto ayaa ka mid ah, midiyaha iyo hubka, anagu wadan dagaal ka jiraan nahay qofku boorsadiisu ku soo iloobi karaa xabad, iyadoo ay ku jirto in uu qof walba iska baaro iska ilaaliyo uusan la imaanin garoonka waana ka codsanaynaa ciidamada amnigana dhowr goor bay ku guuleysteen in ay arrimahaas ka hortagaan iyaguna waan ku guubaabinaynaa waana ku sii adkeynaynaa ugana mahadcelinaynaa shaqada ay hayaan.

 

Wareysi qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Munaa Sabadaha Kale
  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin
Sunday 01 August 2010 10:49 AM
  Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalk...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:33 AM
  Shirkii Isbahaysiga Sanca oo m...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:25 AM
  Wasiirka warfaafinta Soomaaliy...
Sii aqri




Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
Wasaaradda Warfaafinta
Wasaaradda Caafimaadka
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Wasaarado Badan
Home  |  Madaxweynaha  |  Ra'iisul wasaaraha  |  Baarlamaanka  |  Maqalka & Fiidiyowyada  |  Wararkii ugu dambeeyay
Xidhiidhada Muhiimka ah  |  War Saxaafadeed  |  Weydii Dowadda  |  Nagala Soo Xidhiid  |  Barta ShaqaalahaAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved