Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Warbixin ku saabsan Miisaaniyad Sanaddeedka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Ogeysiis: Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wasaaradaha

Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta


Maxamed Xuseen Saciid Wasiirka Dalxiiska iyo Duur Joogta .

    Wasiirka dalxiiska iyo duur joogta oo ka warbixiyay waxqabadka wasaaradaasi.

 

TFG Website: Mudane Wasiir, ugu horeyn ku soo dhawoow website-ka dowladda? Adigoo inooga warbixinayo waxqabadka wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid: Waan ku dhawahay, waana ku faraxsanahay web-ka dowladda, waana fursad waqtigaan aduunyadu isticmaalo waa warbaahinta, wax kala qarsooni majiraan.

Anagu wasaarad ahaan wasaaradayadu waxay ka mid tahay wasaaradaha dhaqaalaha qeyb weyn ka qaata ayey ka mid tahay, inkastoon ka xumahay nabad gelyo darada hada dalka ka jirta ayaa ka dhigtay midaan hada shaqeynin.

Wixii ugu horeeyay ee aan qabano waxaa weeyaan in waxyaabihii wasaaraddu laheyd aan diiwaan gelino, inaan buug ka sameyno oo aan soo sawirno intii aanu gaareenay waxyaabihii wasaaraddu caanka ku aheyd, sida hoteeladii dowladda ee burburay iyo goobihii dalxiiska ee baaba’ay iyo door joogta ku beylahsan dalka.

Qatarta weyn ay ku jiraan waxyaabahaasi oo dhan baan data ka soo aruurinay dabadeetana waxaanu sameynay in aanu kolba wixii la qaban karo oo mudnaanta leh inaanu qabano.

Talaabada labaad ee aynu qaadnay waxay aheyd in aanu u raadino shaqaalaha wasaarada tababar iyo waxbarasho, waxaan la xariirnay jaamacad ku taala Lubnaan oo la yiraahdo {American University of Culture and Education}, runtii baan heshiis la galnay oo ay tahay in ay noo tababaraan ilaa boqol iyo labaatan qof oo qeybaha kala duwan ee dalxiiska ah, sida maamulka iyo maareynta iyo qaabka cunto sameynta.

Waxaan kaloo ka shaqeeneynaa in aan wadanka gudihiisa ka sameyno machad lagu baranayo howlaha dalxiiska, sin a loogu tababaro dadkii ka shaqeyn lahaa howlaha dalxiiska, taasoo aan u sameynay maadaama dadkeena aan dibadda wax lagu soo bari Karin oo ay ku dhuumanayaan wadamada dibadda ee la geeyo, iyagoo ka cararaya dhibaatada wadanka ka jirta.

Machadkaas macalimiintiisa, manhajkiisa iyo muqararaadkooda inay naaga caawiyaan hay’addihii aan is aragnay, iyadoo laga faa’iideysanayo muruqa dhalinyarada iyo aqoonta dhalinyarada aan uga faa’iideysano inaan dalka gudihiisa aan macadkaa ka furno hadana waan wadnaa qorshihiisa waxaana rabnaa in xaruntii wasaarada ee hore ee ka soo horjeede hoteelka Bulsho inaanu xarunta halkaa ka dhigno oo aanu uga kaashano hay’addaha caalamiga ah iyo dowladdaba intaba, hadey taasi noo hirgasho waxaa in oo harsan iyadana waxa dowladdu leedahay iyo waxa gaarka loo leeyahay labaduba aqoontooda iyo tayadoodu iyo horumarkoodaba in aan iyadoo standard kooda loo eegayo inaan kor u qaadno ayaa noo suurto gelayso dad fara badan ayaanu wax bari karaynaa.

Waxaad og tahay hoteeladeenu standard ma laha marka haddii kuwa caalamka loo eego ama gobalada loo eego nagu xiga runtii Curubo iyo Jubbo oo kale wuxuu ahaan jiray hotel aad iyo aad uu standard-kiisu aad u sareeyo markuu wadanku dhisnaa, hadda majiro xitaa cuntadu waa bariiskaa yar iyo baastaadaa yar iyo hilib weeye iyo suugo yar.

Aduunyada cuntada laga sameeyo waa cunto aad la yaabayso oo lacagtu qiimo kasta ha ahaatee laakiin qofku wuxuu doonayaa markuu wadankaaga kuugu yimaado wuxuu ku istareexo.

Maanta si aad u heshaa wey adag tahay wadanka qof gaar ah oo si qaas ah u furtay mooyaane, marka taas waxaan rabnaa in aan dib u habeyn doono oo xaga cuntooyinka iyo soo dhaweynta iyo hoteelada iyo amniga iyo waxyaabo fara badan baa qorshaha inoogu jira marka intaas waan sameynay.

Hoteelada manta inoo badbaadsan waxaa ka mid ah Hotelka Jubba oo uusan gaarin bur bur xoogan, sida kan curuba oo isagu si daran u bur buray una baahan in dib loo dhiso, Hotel-ka Jubba dagaaladii baryahaan danbe dhacayay waxaad u maleysaa inay u soo dhawaadeen oo laga yaabo in ay bur bur gaarsiiyaan.

SYL oo isagana dad ay ku jiraan dadkii aanu ka saari kari weynay, dowladduna aanay arrinkaa wax badan nagala qaban, anagu dadaal baan ku jirnaa si aanu u soo celino ugu yaraan adeegii uu bulshada uu qaranku u qaban jiray ayna wasaaradu bari samaadkii u qaban jirtay.

Hotelka SYL oo kale haddaad aragto waa 80 qol oo suus leh oo macal musqulahoodii iyo jikooyinkoodii gudaha leh intaas oo qolol shirar waaweyn ah leh, wuxuu leeyahay Maqaaxi iyo Baar,  micnaha wuxuu haqabtiri lahaa markaanu qiimeyn ku sameynay lacagta iyo daqliga uu soo gelinayo dalka, waxaa weeye sanadkii kama yaraanayso hal Milyan oo doolar.

Sidaas daraadeed waxaanu runtii culeyska saaraynay hoteelkaas ayay aheyd ilaa hadda qorshihiisa waxaa nala wada dowladda hoose, sidoo kale guddoomiyaha gobalka Banaadir oo runtii aad aan ugu mahadnaqayno ayaa hada nala wada.

Dadku waxyaabaha dalxiisayaashu ay xiiseynayaan waxaa ka mid ah dhaqanka iyo raadadkii hore iyo waxyaabahaas, runtii marka wasaarad ahaan dadaalkaynu in aan dib u soo nooleyno keydkii ay wasaaradu laheyd wixii ka nool.

Waxaan ku dadaaleena dhaqamada xun ee hadda ka jira hoteelada inaan gabi ahaanba badalno, anagoo u tababari doono dhaqan naxariisi ku dheehan tahay aanu abuurno oo qofkaad wax ka iibinayso si wanaagsan wax kaaga iibiyo, qofkaad hodheel ka galesyo si fiican hodheelka kuugu soo dhaweeyo, qofka baahidiisoo dhan la daboolo wixii lacag ah ee laga qaadanayo wax u qalma laga qaato inta shaqo fiican loo qabto wax u qalmana laga qaato waxaan aad iyo aad u rajeynayaa in meel la kala istaago la weyn doono oo ajanabi iska daaye dadka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah oo dibada degan oo kaliya ay inagu filanyihiin dalxiiskayaga buuxinaayaan.

Mabda ahaan, waxaa noo mabda’ah, maadaama aan dowlad islaami ah nahay inaan waxyaabaha islaamka aan uu ogoleyn oo dhan aanu ka reebno dalxiiskayaga, waxaa fursad kale in oo ah duur joogta in aan soo aruurino kuwaasoo sii dabar go’aya waxay u baahan tahay in dhaqaale badan lagu bixiyo kuwaasoo dabar go’aya in dib loo soo aruuriyo oo ku kala firirsan bee’ada keymaha ah oo dhul loo xiro ay ku noolaadaan ayna kaga nabadgalaan dilka iyo ugaarsiga.

TFG Website: Mudane Wasiir, muxuu yahay qorshaha sanadkaan u dagsan wasaaradda dalxiiska iyo duur joogta?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid: Runtiiwasaaradu waa wasaarad aad u balaaran oo wax badan dalka ku soo kordhin karta wadama aan soo mareyna markaan dalka dibada uga baxay, wadan walba dalxiiskiisu waxbuu ku tiirsan yahay, inaga intii oo dhan baan haysanaa oo u baahan in la maamulo oo la ilaaliyo oo goob amaan ah loo sameeyo iyo waxyaabo kale oo fara badan marka iminka waxaan rajeynaynaa qorsheehana 2010-ka waxaan rabnaa inaanu soo saarno buug la magac baxay dhaxalka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo aan dadka dhalinyarada ah ee aan waligood dowlad Soomaaliyeed oo macna leh aan arag aanu tusno wadanku quruxduu lahaan jiray iyo bilicduu lahaan jiray iyo kheyraadkii ka buuxay in aan waxaasoo dhanna ku baraarujino dhalinyarada yar yar.

Hadda xafiisbaa nalaga siiyay airport-ka qolkaas waxaanu soo dhigaynaa wax alaale iyo wixii dhaqan Soomaaliya laheyd ah ee alaab ahaa ee farshaxanka Soomaaliyeed, hab dhaqankii hore iyo wixii buugaag ahaayee laga qoray Soomaaliya ee ku saabsanaa dalxiiska in aan halkaas ku soo bandhigno dadka dhalinyarada ah ee airport-ka imaanayana ay iibsadaan oo ay wadamadoodii la tagaan oo waxyaabaha ay ka sheekeeyaan quruxda iyo nimcada wadanka taala ee iminka iska dundunsanee iska burbursan maalintay istaagto ay Soomaaliya noqonayso wadanka gobalka ugu fiican.

TFGWebsite: Mudane wasiir, Xiriir intee la eg ayaad la leedihiin wasaaradaha kale ee dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah ee deeqa bixiya?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid:Wasaarad ahaan hadaan soo qaado hay’addaha wadanka jooga hadaad hotel ii dhis tiraahdo kuu dhisimaayaan iyagu kuuma dhisayaan laakiin waxay dhaqaalaha ku baabi’iyeen tababaro xoolihii ummadda loogu soo dhiibay anaga FOA ayaan gacan saar la lahaan jirneen wasiiradii iga soo horeeyay wasaaraddaan dalxiiska, aniga FOA na Qorshihii Waxqabad ee ugu horeeyay ayaan hadda u gudbinayaa oo duur joogta ayay naga caawiyaan iyagu laakiin hay’addo kale oo aanu isleenahay waxbay idiin qabanayaan waa jiraan oo dowli ah, Ururada Gudaha (local NGOs), ma aha kuwa UN-ka ah ee iska maafiyada ah ma aha marka kuwaasna waan rajeynaynaa mashruucaan baan hadda la wadnaa haddii intaa noo qabtaan waxaa weeyaan anagu wasaarad ahaan waan istaagaynaa, Laakiin sidii intaa naloogu qaban lahaa jid dheer baa ka sokeeya marka hay’addaha aan xiriirka la leenahay ceynkaa weeyaan.

Wasaaradaha dowladda wasaarado badan baan runtii xiriir la leenahay oo aanu doonayno in ay wax badan nala qabtaan wasaarada warfaafinta oo kale waxaan ka doonaynaa in ay wax badan ay codka ku soo celiyaan sidii wasaaradu u taagmi laheyd waxaanu soo wadnaa barnaamij gaar ah oo aanu wasaaraada warfaafinta geynayno oo inoo sii dayso, Todobaadkiiba mar amaba bishiiba mar.

Wasaarada qorsheyntana xiriir baan la leenahay inta badan barnaamijyadeena wixii aanu soo diyaarino wasaaraddaasaan u isku dubaridkiisa sii marinaynaa marka halkaa saan ka sii gudbinaynaa, wasaarada arrimha dibada wadankaan dhaqaale kama jiro aad iyo aadbaan had iyo jeer waxaan raadinaa maalgashadayaal dalka yimaada oo maalgeliya, waxyaabo badan baa ku xiran nidaamka bangiyada warbixintiisa waa in la helo. waxaa ku xiran in la helo sharcigii maalgashiga in la helo.

Iminka dalalka badan oo aynu soo marnay waxay diyaar la yihiin in ay wadanka maalgeliyaan codsi furan qaarkood la siiyo, intaa hantidooda kala soo baxaan haddii kale faa’iido wadaag noqdaan oo ay wasaaradii iyo iyaga wada yeeshaan oo markaa wixii soo baxa ee faa’iido ah lagu wada shaqeysto iyo kuwaan qaaska ah ee ururada iyo shirkadda gaarka loo leeyahay oo aan inaan xoogayno aan rabno, sababtuna waxay tahay hantidii dowladdu laheyd waa la burburiyay wixii dadku lahaayeen waxbaa ka haray, laakiin wixii dowladdu laheyd dadku in waxooda yihiin moodi maayaan horay u baabi’iyeen. Wasaarada arrimaha dibada waxyaabaha aan aad iyo aad u qiimeynayno runtii dib u dhacbaa inagaga yimaado marka waxaanu doorbidaynaa in aanu booqano wadamada Soomaaliya xiriirka ay lahaan jireen oo aanu booqano oo u bandhigno barnaamijyadeena wixii ay ka tari karaan ama waxa ay nala qabsan karaan.

TFG Website: Mudane Wasiir muxuu yahay nidaamka ama saameynta dalxiisku uu ku leeyahay dalkeena Soomaaliya ama qaaradaan Afrika?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid:Dalxiiska inta badan waxaa dalxiisa dadka lacagta haysta waad ogtahay oo dadkeenu noloshoodii bay la daalaa dhacayaan wadankana kheyraadbaa ka buuxa waxaan leeyahay ilaahey Afrikaan sidaan si dhaanta ha ka dhigo ayaan leeyahay wadankaani waa buuxaa dadkuna waa baahan yahay dalxiiska waxaa daneeya wadamada horumaray dadkooda ayaa daneeya oo siyaabo badan bey u daneeyaan qaar caafimaad ahaan qaar barafkaan iyo qabowgan oo halis ku ah qofka hadaanuu ka bixin ayey ka soo cararayaan waxayna u baahan yihiin in ay cimilo badal sameeyaan.

Dadka wax haystaa dalxiisa iyo kuwa cilmi barista doonaya labadaasaa dalxiisa, dad cilmi baarayaal ah oo dalxiisayaal ah oo intaa wax uun u taagan in ay baaraan dad saa sameynayo oo socda ayaa jira, dad da’a h oo gaboobay oo isleh dhulka hawada fiican leh iskaga yara noolaada ayaa jira oo in badan joogi karo oo muddo ku soo noqnoqon kara saddex biloodba ama lixdii biloodba mar imaan kara.

Dalalka waxay ka helaan dhaqaale aan caadi aheyn, dadku dhaqaalay haystaan adiguna waxaad iibinaysaa waa hawadaa iyo nolol wanaagsan uun baa lagaa rabaa halkoodaa ay iska istareexaan adna lacagta uun aad gurato waa arrin caqli uun u baahan marka anagaa nagala rabaa inaan caqligii keeno looga faa’iideysan lahaa dadkaa lacagta la ordayo inagoon waxba haysan wadankeenu nimcadaa buuxdo oo aan ka gaajoonayno bal hadey wadankeena soo buxsamaan oo aanu weel u dhigano oo lacagta ka aruursano soo ma fiicno oo aanu ka faa’iideysano.

TFG Website: Mudane Wasiir, maadaama wadanku burbursan yahay dalxiis inaan xiligaan ka fikirno waa riyo soo lama dhihi karo?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid: Waa ka fikiraynaa riyana ma aha aniga saan aaminsanahay, aduunyadu wax sidaan ku sii socdaa ma jiraan, maantana waa colaad beritana waa nabad, wax aduunyada colaad ku dhameystaa ma jiraan, wax walba waqti buu leeyahay anigu waxay iila muuqataa colaadu inay soo dhamaaneyso waqtigii horumarka iyo wax wada qabsigu in uu soo socdo ayaan aaminsanahay taasaana usii weel sameysaneynaa.

Xamar waad og tahay oo wey iska degan tahay hadii hotelkii SYL aan sameyno daqlibaa dowladda ka soo galaya hantibaa dowladda ka soo galeyso, wuxuu la mid noqonayaa hoteelada gaarka loo leeyahay ee noloshu ay ka jirto ee dadku ku nool yahay wadankeenu wuxu kaga duwan yahay wadamada kale ma jirto.

Lubnaan 29 sanadood buu dagaal ka socday maanta walaahi inaadan moodayn in uu maalin qura uu dagaal ka dhaco gaal iyo islaamba wey isu yimaadeen lacagtay haayeen bay isu geeyeen shirkadey sameeyeen aduguna dhulkaadaad leedahay aniguna lacagtaan leeyahay unbaa ka dhacday cirkaasay mareysaa.

Soomaalida waxaa laga rabaa caqli inay la yimaadaan oo hantidooda iyo dhulka iyo aqoonta la isu geeyo intaa haddii la abuuro wadanku horumar buu gaarayaa oo qeyru caadi ah haddii kale oo qof walba uu goofkiisa yare ee cantiirka ah dhisto mana dhisi karo waxba kamana  qaban karo durbuu baaba’ayaa, waxaan leeyahay dadka Soomaalida ah war caqligiina iyo hantidiina iyo dhulkii la isu geeyo, anigu waxaan oran karnaa waqtigaan joogno waa waqtigii aanu wax qaban laheyn aanu wax diyaarin laheyn ee mustaqbalka aanu ka fikiri laheyn sidii aanu wax u qabsan laheyn.

TFG Website: Adigu ka wasiir ahaan tan iyo xiligaad haysay wasaaradaan imisa dal ayaad booqatay si aad wax uga soo ogaatid arrimaha dalxiiska iyo duur joogta?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid: Dalal badan baan booqday oo qaarkood shirar baan ka qeybgaley oo arrimaha dalxiiska looga hadlaayay shirkii ugu horeeyay waxaan kaga qeybgaley Yeman, kaasoo looga hadlaayay dalxiiska wadamada Jaamacada Carabta ku jira shirkaana waxaanu geynay proposal aanu leenahay in xaga waxbarashada nalaga taageero iyo tababarada iyo xaga maalgashiga.

Waxaan kaloo ka qeybgalay shir kaloo Suuriya ah oo ururka Jaamacada carabtu soo diyaariyay oo dalxiiska iyo waxaa la xariira sida; shirkadaha diyaaradaha matalan shirkadaha diyaaradaha oo kale wadamadaas shirkado wadani ah ayay leeyihiin oo dowladdu leedahay laakiin anagu shirkad wadani ah malihin tan qaaska ma ogiye uunbaan dad ka qaadnay oo la doonayo si ay khibrad uga soo helaan qaabka ay u wada shaqeeyaan dalxiiska, diyaaradaha, hoteelada iyo Travel and tourism Agencies-ka kuwaasaan doonaynay inaynu dib u habeyno sharci iyo xeer aanu u sameyno si aanu u wada shaqeyno ulana socono oo xaga amniga laftirkeeda aanu dabagal ku sameyno, dadka ay keenayaan iyo waxa ay ka shaqeynayaan oo aanay noqon jaantaa furan.

Turkiga ayaan rabnaa hada in aanu tango iyo Kenya iyo Ethiopia waan soo maray Jabuutina wax badan kama qaban karaan dalxiiska ajnabi badan baa jooga oo waanu la soo hadalnay waxaana noo qorsheysan bal cidii aanu isleenahay gacanbaad ka heli kartaan in aanu booqano oo aanu ra’yigeena u gudbino.

Turkiga iyo Kuwait labadaas dal ayaanu balan qaadyadoodu aan rabnaa inaanu sii xiriirino inta wadanku soo hagaagayo wey la socdaanee in aanu anagana wax la sii fil gareyno oo hadhowto si aan uga faa’iideysano ayagana waxaa ku dhiman sharcigii maalgashiga oo barigii hore iska daciif ahaa, maadaama dowladdii hore ay iska madax adkeyd, laakiin hadda dhaqaalaha in la furfuro oo dad wadanka wax gashada loo fasaxo saasaa lagu guul gaarayaa saasey illa tahay.

TFG Website: Mudane Wasiir, ugu danbeyn maxay tahay fariintaadaad u jeedinaysid shacabka ku nool gudaha ama dibada, si wadankaan nabad loogu helo ama bilicdiisa u soo noqoto?

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Mudane, Maxamed Xuseen Saciid:Dadka gudaha ku jira waxaan u soo jeedinayaa, gacmo wadajir bay wax ku gooyaan baan leeyahay saameyntu qofwalba gurigiisay ugu tageysaa oo maalin walba dad aan waxba galabsan ayaa lugaha la goynayaa oo madaxa la jarayaa oo dhimanaaya, aanu wadajir sameyno islamarkaana gacanteena kaga qabano wax kaloo cidi kuu qabanayso ma jirto, qof walboo Soomaali ah oo Muqdisho joogaaba in uu isxilqaamo oo uu in mas’uuliyadi saaran tahay uu ogaado oo amaanka ka saaran tahay oo horumarka ka saran tahay dhibaatada iyo dadka dayacan iyo baaba’a ay ka saran tahay mas’uuliyiintana horta dowladdu shaqadeeda qabatay.

Waxaan oran lahaa dadka dibada jooga runtii wadankiina wax gashada oo aamina oo ku soo noqda oo ka faa’iideysta oo u faa’iideeya kala qeybqeybsanaantana iska dhaafa, qeybsanaan waxba laguma gaarayo meel hebelbaan anigu gobal u doonayaa ma soconayso waa istaraatiijiyo waxaa jiro istaraatijiyo guud oo gudi loo saaro oo wadankoo dhan si loo habeeyo dadka dhaqaalaha istaraatiijiyada waxwalba si loo habeeyo koley shaqo badan baa noo taala markaa waxaan ku boorinayaa wadankii in laga wada heshiiyo sidi wadanka loo hagaajin lahaa.


Wareysi Qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Wasaaradaha Kale
  1. Wasaaradda Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta
  2. Wasaaradda Hubka Dhigista & Jiheynta Maleeshiyooyinka
  3. Wasaaradda Lacagta
  4. Wasaaradda Deegaanka
  5. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  6. Wasaaradda Warshadaha
  7. Wasaaradda Ganacsiga
  8. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  9. Wasaaradda Dib u dhiska
  10. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  11. Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare
  12. Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabaynta
  13. Wasaaradda Beeraha
  14. Wasaaradda Garsoorka
  15. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  16. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  17. Wasaaradda Waxbarashada
  18. Wasaaradda Qurbajoogta
  19. Wasaaradda Amniga Qaranka
  20. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  21. Wasaaradda Difaaca
  22. Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  23. Wasaaradda Dhallinta iyo Isboortiga
  24. Wasaaradda Guriyeynta iyo Hawlaha guud
  25. Wasaaradda Maaliyadda
  26. Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
  27. Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
  28. Wasaaradda Warfaafinta
  29. Wasaaradda Caafimaadka
  30. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  31. Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
  32. Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dakadaha
  33. Wasaaradda Shaqada iyo Hurumarinta Shaqaalaha
  34. Wasaaradda Arimaha Dibadda
  35. Wasaaradda Sancada iyo Cilmibaarista
  36. Wasaaradda Naafada iyo Dib u dejinta
  37. Wasaaradda Arrimaha Gar gaarka
  38. Wasaaradda Arrimaha Diinta
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  AdministratorAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved