![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
Wasaaradaha Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
Wasaaraddu howlaheeda waa baarista horumarinta iyo soo saaridda batroolka iyo quwada tamarta ee alle dalkeena ku mannaystay. Si arimahaan wax looga qabto waxay u baahan tahay siyaasad ku wajahan nabadgelyo dhaqaale fara badan xirfad iyo aqoon sare iyo waliba dadaal badan oo lasameeyo. Siyaasad, nabadgelyo iyo dadaal waxaa laga rabaa dawladda Soomaaliya. Iyadoo dawladda laga doonayo in ay jeexdo siyaasad ku wajahan khayraadka dabeeciga ah sida: Batroolka iyo macdanta dhulka ku jira waqtiga loo baahan yahay cidda aan la kaashaneyno iyo sida ugu wanagsan ee dadka Soomaaliyeed uga faa iideysan karaan. Dawladdu waa in ay xooga saarto sidii ay nabad uga dhigi lahayd meelaha dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan wax u taraysa jiritaanka dawladnimadeeda. Wassaradda batroolka iyo tamarta waxaa laga rabaa in ay dadaal samayso sidii siyaasadda dawladda ee ku wajahan khayraadka ay miro u dhali lahayd wasaarada waxaa laga rabaa in ay raadiso dawlad ama shirkad haysta dhaqaale xirfad iyo aqoon sare oo ay la kaashato wax ka qabadka arrintaas maadaama aan Soomaaliya laheyn dhaqaale iyo aqoon ku filan oo ay arrintaas ku wajahdo. Wasaaradda waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay diyaariso shuruucdii iyo xeerarkii lagu maamuli lahaa raadinta horumarinta iyo soo saaridda khayraadka Batroolka ee dalka Soomaaliya.
Sida aad la socotaan dalku wuxuu leeyahay sharci Batroolka oo ka kooban lixdan (60) qodob oo si rasmi ah u dhaqan galay bishii October, 7, 2008. Sharcigaas golaha wasiiradu waxay u gubbiyeen isagoo markaas ahaa 49 qodob bishii February 8, 2007, Golaha Baarlamaanku waxay gudbiyeen bishii August 6, 2008 iyagoo ku daray 11 qodob. Madaxweynahu wuxuu ansixiyay bishii August 7, 2008, isagoo ah 60 qodob wuxuuna dhaqan galay bishii October 7, 2008.
Wasaaraddu waxay diyaarisay qaab heshiiseedka loo yaqaan Heshiiska wax soo-saarka wadaagga ee sharciga Patrol-ku hadda ku dhisan yahay oo badalaya qaab heshiiseedkii hore ee ahaa u ogolaansho dhuleed ee sharcigii dawladihii hore ku dhisnaayeen.
Wasaaraddu waxay sidoo kale diyaarisay qaab heshiiseedka loo yaqaan ogolaanshaha sahminta dhulka iyo qaabka kale ee loo yaqaan ogolaanshaha isticmaalidda dhulka korkiisa.
Wasaarada Batroolka iyo Tamarta waxay samaysay dadaalo fara badan sidii ay ula xariiri lahayd shirkadihii hore ee sharciyadda dhul barista ka haystay dawladihii Soomaaliya ka jiri jiray intii ka horeysay 1991-kii kuwaas oo sharciga Batroolka iyo xeerka KMG ee Soomaaliya labaduna siinayaan xaqa la xariiridda shirkadahaas bahidooda waxay muujiyeen rabitaanka in ay ku soo noqdaan dalkeena Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay la xariirtay shirkaddo badan oo danaynaya diyaarna u ah in ay si sharci ah u maal gashadaan khayraadka dalka Soomaaliya. hase ahaatee dadaaladaas oo dhan si ay u mira dhalaan waxay ku xiran tahay siyaasadda iyo degenaashaha dawladda Federal-ka KMG ah ee Soomaaliya iyo nabad gelyada deegaannada ay shirkadahaasi danaynayaan.
Waxaa jira shirkaddo shisheeye oo heshiisyo sharci darro ah la galay ama raba in ay la galaan qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya shirkaddahaas iyo qaybahaas Soomaaliyeed Wasaaradda Batroolka iyo Tamartu si cad oo qoraal ah bay ugu sheegtay in aysan waxba ka jiran sharciyadda heshiisyadaas ay galeen haddii aysan ogolaan dawladda Federal-ka KMG sida xeerka KMG ah ee Soomaaliya dhigayo.
Wasaaraddu waxay xiriiro badan la samaysay shirkaddaha wadaniga ah ee ka ganacsada keenista shidaalka iyo dhalinta dabka korontada, wasaaraddu waxay ku hawlan tahay sidii shirkaddahaas u noqon lahaayeen kuwo tayo leh shaqo abuura dakhlina soo galiya dalkeena.
Hawlaha wasaarada ee ku wajahan baadigoobka dawlado iyo shirkado maal-geliya barista horumarinta iyo soo-saaridda khayraadka dhulka Soomaaliya ku jira waxay nabad waarta ee dalka ka dhalata, siidii maal gashi badan looga shaqayn lahaa meel aan la hubin waxaa ay ku dambayn doonto.
Mudane, C/waaxid Cilmi Goonjeex Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta Wasaaradaha Kale
|
||||||||||||||||||||||||||||||
|