![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
Wasaaradaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Muqdisho, (TFG): Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xildhibaan Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa wuxuu ka qeyb galay shirar kala duwan oo looga hadlayo xannaanada xoolaha, isagoona ka jeediyay khudbado kana diyaariyay warbixino, warbixinadaas oo uu uga hadlay waxqabadka wasaaraddaan tan iyo markii dawladdaan uu hoggaaminaayo madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed uuna ra’iisul wasaare ka yahay mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo lagu soo dhisay dalka Jabuuti bishii Janaayo, 2009 dalkana ku soo laabatay, bishii Febraayo 2009, waxaana warbixinta laga dheehan karaa waxqabadkii wasaaradda xiligii wasiirku qabtay xilka wasaaradda illaa bishaan June ee sanadkaan 2010-ka;
1. Wax-qabadka Wasaaradda waxaa ka mid: Bishii May, 27dii 2010 Hay’adda caalamiga ah ee qaabilsan caafimaadka Xoolaha Adduunka “OIE” “World Organization for Animal Health” shirweynaheydii sanadlaha ahaa ee 78-aad oo lagu qabtay Paris-France 23-28, May 2010 oo ay ka soo qayb galeen 175 dawladood oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, anigoo wakiil ka ah dawladda federaalka Soomaaliyeed, waxaan ka guddoomay guddoomiyaha Hay’adda “OIE” Dr. Carlos A. Corsea Messuti iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dr. Bernard Vallat shahaado cadeynayso in Soomaaliya laga dabargooyay cudurka sida xoogan u faafa ee loo yaqaano “Daba-ka-ruub” Free from Rinderpest” cudurkaas oo keenay in xoolaha Soomaaliya la saaro xayiraad laga bilaabo sanadkii 1988-dii, shahaadadaas oo Heer Caalami oo ay bixisay Hay’adda “OIE” oo qaabilsan caafimaadka Xoolaha, waxaana goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha wafuuda ka socotay 175 Dawladood oo ka qayb galeysay shirkaas. Wafdiga Wasaaradda Xannaanada Xoolaha uga qeybgalayay shirka Hay’adda Caafimaadka Xoolaha Adduunka ee uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Abuukar Cabdi Cusmaan waxaa ka mid ahaa; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Cabdiraxmaan Nuur Qayliye, iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ahna Wakiilka Dawladda Soomaaliya ee Hayadda OIE, Drs. Xabiibo Sheikh Xasan Xaamud.
Shahaadadaan markii ka wasiir ahaan la iguddoonsiinayay, waxaa i gudoonsiiyay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud Hay’adda “OIE” labaduba si wajir ah oo ay dhiiranaani ku jirto ayay iigudoonsiiyeen, waxayna ku dhawaaqeen Soomaaliya waxay ku heshay shahaadadaan caalamiga ah, ka dib dadaal dheer iyo waxqabad ay muujisay, iyadoo ka cirib-tireysa dalkeeda cudurka daba-ka-ruub-ka “Rinderpest” ee xoolaha sida xun u gumaada uguna faafa si daran. Dhammaan xubinihii shirkaasi ka qayb galay ee ka kala yimid dowladdaha caalamka, waxay si gaar ah ugu hambalyeeyeen guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya ayna ku qaadatay shahaadada heerka caalami ah ee xagga caafimaadka xoolaha, laguna siiyo shirweyne heer caalami ah.
2. Howlqabadka ay guusha ku gaartay wasaaradda waxaa ka mid ah: Wasaaraddu waxay ugu horeyn qaaday talaabooyin degdeg ah oo ay ku daaweynayso isla-markaana ay ku tallaalashay dhammaan Xoolaha Soomaaliyeed, ayadoo la kaashaneysay hay’adaha caalamka sida; UN-FAO, AU-IBAR, SAHSP ee Terra Nuova, mashruucaas ay maalgeliyeen, EU, USAID, dawladda Spain iyo Qadar si looga gudbo xayiraadii saarneyd xoolaheena in ka badan labaatan sano “20 sano” laga bilaabo 1988. Daaweyntaas iyo tallaalkaas ka dib, waxay wasaaraddu qaaday olole dhiig qaadis iyo baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay Xoolaheena ku nool dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, haddaba baaritaankaas ka dib jawaabtu sheybaarku iyo dhakhaatiirtii Xoolaha waxay xaqiijisay in xoolaha Soomaaliya aysan qabin wax cudur ah. 3. Wasaaradda waxay diyaarisay Warbixin Guud oo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya ah kana kooban illaa 30 bog: Wasaaraddu markii ay dhammaysay mashruucyadii daaweynta iyo tallaalka Xoolaha La dhaqdo ee Soomaaliya, si looga dhaadhiciyo Hay’adda OIE “World Organization for Animal Health” oo qaabilsan Caafimaadka Xoolaha Adduunka, in Xoolaha Soomaaliya wax cudur lahayn, waxaana hordhignay warbixin guud oo caafimaadka xoolaha Soomaaliya ah kana kooban illaa 30 bog, lana soo saaray 30-kii April 2009-ka; si shirweynihii 77-aad ee OIE ee lagu qabtay Paris, 25-30 May 2009, kaasoo looga hadlaayay caafimaadka Xoolaha Addunka lana hordhigay warbixintaasi ka tarjumeysa caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed, shirkaas waxaa ka qayb galay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Soomaaliya Xildhibaan Abukar Cabdi Cusmaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Cabdiraxmaan Nuur Qayliye, iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ahna Wakiilka Dawladda Soomaaliya ee Hayadda OIE, Drs. Xabiibo Sheikh Xasan Xaamud. Shirweynahaas waxaan ka jeediyay khudbad aad u dheer oo aan uga warbixinaayo taarikhda Xoolaha Soomaaliya, caafimaadkooda iyo anigoo codsaday in xayiraada laga qaado xoolaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaan u gudbiyay Hay’adda UN-FAO iyo dhammaan wasiirada dalalka carabta oo ka qayb galay shirkaas oo xoolaheena aan ugu iib geyno dalalkooda. Warbixintaan waxay soo dedejisay in dawlahada Carabta sanadkii hore dhammaadkiisa 2009 xayiraadii saarneyd Xoolaheena ay ka qaadaan ka dib markii ay ku qanceen warbixintii aan hordhignay Hay’adda OIE sanadkii 2009, isla-markiina aan ayaga u gudbiyay nuqulkii. Wasaarddu si ay wax uga qabato arrimaha hortaagan in ay dib ugu mid noqoto hay’adda OIE “World Organization for Animal Health” waxay qaaday tallaabooyinka soo socda: Bixinta lacagtii khidmad (fee) sanadeedka ee Hay’adda caafimaadka Xoolaha ee Adduunka (OIE) si dawladda Soomaaliya dib ugu soo ceshato xubinnimadeedii ay ku lahayd Hay’adda OIE, Wasaarddu iyadoo la kaashaneysa Hay’adda AU-IBAR (African Union – Inter-Bearue for Animal Resources) iyo EU ay bixisay kharashkii lagu lahaa dawladda Soomaaliya oo dhan EUR 30,000/= oo ah khidmad “Fee” sanadeedkii 2008 ilaa 2010, ayadoo sanadihii ka horeyana aan ka codsanay Hay’adda OIE in ay naga cafiso, taasoo ay naga ogolaadeen.
Magacaabista wakiilka rasmiga ah ee Dawladda Soomaaliya ee Hay’adda OIE (Somali Official Delegate of OIE), jagadaas ay Wasaaraddu u magacaawday Drs. Xabiiba Sheekh Xasan Xaamud oo haysata shahaadada sare ee Master-ka (MS) ee takhasuuskeedana uu yahay Xoolaha oo horena ka tirsaneyd saraakiisha sare ee Wasaaradda. Jagadaas aan u Magacaabay si dib loo soo nooleeyo xiriirka wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adda Caalamiga ee Qaabilsan Caafimaadka Xoolaha Addunka “OIE”, Hay’addaas oo u dhiganta WHO oo qaabilsan Caafimaadka dadka ku nool adduunkaan, marka sida oo kale OIE; “World Organization for Animal Health” oo u taagan Caafimaadka Xoolaha Adduunka”. Hay’addaas oo bishii aan soo dhaafnay May 27-deedii 2010 siisay dalka Soomaaliya shahaado heer Caalami ah oo cadeynayso in Xoolaha Soomaaliya laga dabar gooyay cudurka faafa ee Daba-ka-ruubka “ee loo yaqaano Rinder-pest” oo ka mid ah cuduradii keenay in Xoolaha Soomaaliya la saaro xayiraad “BAN”, Hay’addaas oo la asaasay muddo hadda laga joogay in ka badan laba boqol oo sano.
4. Xayiraad ka qaadida iyo dhoofinta Xoolaha “moosimka Xajka 2009”: Ka dib markii ay shaaciyeen wadamada ay ugu horeyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka, 5tii Nofembar 2009 in ay xayiraadii saarneyd Xoolaha Soomaaliya ka qaadeen, waxaa muddo kooban gudaheeda laga dhoofiyay dakedaha Soomaaliya sida; Berbera iyo Bosasso moosinkii Xajka sanadkii hore dhammaadkiisa 2009 iyo sanadkaan 2010; xoolo tiradoodu gaarayeen ilaa 2 malyan oo neef, waxaana laga helay Lacag lagu qiiyaasay $ 120 Million USD oo dollarka Mareykanka ah, in ay ka soo gashay xoolahaas la dhoofiyay xoola dhaqatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Hawshaas dhoofinta Xoolaha waxaa Kaalin mug leh ka qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shirkadda Ra’sul-Kheyma ee dalka Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Shirkad laga leeyahay dalka Sacuudiga Carabiya oo lagu magacaabo Gulf International Quarantine Facilities oo uu leeyahay Al-Jaabiri, taasoo guul weyn u ah Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay ku dhaqan yihiin. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa waxay qayb weyn ka qaadatay si xoolaha la dhaqdo ee Soomaaliyeed xayiraadda looga qaadi lahaa, Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliyeed mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxay safaro isdaba joog ah oo ay ujeedadoodu tahay xayiraad ka qaadida xoolaha Soomaaliyeed ku kala bixiyeen dalalka Khaliijka si ay uga qanciyaan madaxda dawladaha Carabta in Xoolaha Soomaaliya laga qaado xayiraad maadaama Xoolaha Soomaaliya aysan qabin wax cudur ah, taasoo soo dedejisay in xayiraad laga qaado Xoolaha Soomaliyeed sanadkii tagay oo ay dowladda hadda jirta bilowga aheyd.
5. Sababihii Dakedda Muqdisho Xoolaha looga dhoofin waayay: Sababta dakadda Muqdisho xoolaha looga dhoofin waayay ayaa loo sababeenayaa, iyadoo ay jirto nidaam caalami ah oo lagu go’aansaday shirweynaha looga hadlaayo caafimaadka Xoolaha Addunka ee hay’adda OIE, go’aankaas oo ahaa; inaan xoolaha la dhoofin karin iyadoo aan la marinin MAXJAR “Qurantine Station” taasoo looga dan leeyahay in la ogaado xoolaha caafimaadkooda iyo tayadooda inta aan loo dhoofin dal kale, si haddii uu cudur jiro loo hakiyo dhoofka xoolahaas, si looga taxadiro in cudur loo gudbiyo dal kale. Dawladdaha sharuuda ku xiray in MAXJAR la soo marsiiyo xoolaha la dhoofinayo, waxaa ka mid ah; dowladda boqortooyada Sacuudiga si loo xaqiijiyo caafimaadkooda iyo tayadooda, Haddaba dakadda magaalada Muqdisho kama dhisna MAXJAR, sidaas awgeed taas ayaa ahayd sababta Xoolaha looga dhoofin waayay Dekedda ugu ballaaran dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdishu.
6. Qorshaha Dhismo MAXJAR-RO “Quarantine Stations”, looga sameyn lahaa Muqdishu, Kismaayo, Hobyo iyo gobollo kale. Dhawaan waxaan qoraalo iyo codsi farabadan aan u kala dirnay dawladaha iyo hay’adaha caalamka sida: dowladdaha Sacuuudiga, Spain iyo hay’adaha, UN-FAO iyo USAID ee dalka Mareykanka iyo Bankiga Islaamka oo xaruntiisu ay tahay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ilaa hadda waxaan rajo iyo jawaab ka helnay dawladda Spain iyo hay’adda USAID, kadib markii aan shir ku kala yeeshay magaalada Nairobi, bishii Marso 2010 iyo bishii May 2010. Hay’adda USAID waxay ii sheegeen in ay daraasad ka sameeyeen qoraalkeena ayna u gudbiyeen dawladooda, ayna ii sheegeen in rajadu ay wanaagsan tahay, lana filaayo in mashruucaas dawladooda ay oggolaan doonto in la maalgeliyo. Dawladda Spain safiirkooda waxay ii sheegeen in ay ogol yihiin in ay maalgeliyaan mashruuca dhismaha MAXJAR-KA, laakiin ay u baahan yihiin in hay’adda UN-FAO iyo Wasaaraddu si wada-jir ah u soo sameyaan daraasad lagu maalgelinaayo mashruucaas si FAO uga qayb qaadato hirgelinta mashruucaas, waana u gudbiyay daraasadda ilaa haddana rajo fiican ayaan ka leenahay.
7. Heshiis dhimaha MAXJAR cusub oo aan la galnay shirkadda Gulf International Veterinary Quarantine iyo Shirkadda Ra’sul-Kheyma: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa waxay heshiis cusub la saxiixatay bishii Oktobar 15-keedii 2009-ka, Shirkadda Gulf International Veterinary Quarantine Management Co. iyo Ra’sul Kheyma, si ay MAXJAR cusub uga dhisaan Dakedda Muqdisho iyo dalka meesha kale looga baahdo, shirkaddaas oo sanadkii hore dhammaadkiisa 2009 ilaa Febraayo 2010; Berbera iyo Bossaso ka dhoofisay Xoolo dhan (Hal malyan iyo laba boqol kun) 1.2 malyan oo neef oo ari ah; ayadoo ganacsato Soomaaliyeed si kala duwan ugu kala dhoofiyeen dalal kala duwan ee Khaliijka tiro gaarayso ilaa 800 oo kun. Haddaba haddii qorshaha aan hadda wadno ku guulaysano dhinaca xoolaha iyo hilibka qalan oo la dhoofinaayo, waxaan rejeynaynaa in dakhli gaaran ilaa 800 million oo dollar ka soo geli karto sanadkiiba dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed. 8. Suuqa cusub oo dhowaan aan filayno inaan Xoolaha u iib geyn doono. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa waxay dhawaan xariir la yeelatay dalalka; Masar, Libya, Suuriya, Lubnaan, Jordan iyo Iiraan si ay noogu oggolaadaan inaan xoolaheena ugu iib geyno dalkooda, wadahaladaasna meel fiican ayay xilligaani marayaan. Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee dalka Masar waxaan ka helay marti-qaad, si aan dalkiisa booqasho ugu tagno ugana wadahadalno arrimaha la xiriira Xoolaha Soomaaliya iyo sidii loogu iib geeyn lahaa dalka Masar.
9. Suuqyada Hilibka lagu qalo dalkeena Soomaaliya. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa waxay soo ogaatay inay dalkeena ka dhisan yihiin illaa Afar kawaan oo Hilibka dibadda loo dhoofiyo lagu qalo kuwaasoo kala ah: - Mubaarak One oo ka dhisan Muqdisho - Mubaarak Two oo ka dhisan B/weyne - Mid kadhisan Galkacayo - Iyo mid Burco ka dhisan. Hillibka qalan ee Ilaa hadda loo dhoofiyo dalalka Khaliijka bishiiba wuxuu gaarayaa 30 illaa 40 tons oo hilib qalan ah, dalalka loo dhoofiyo ayaa kala ah; Cumaan, Qadar iyo Imaaraadka, sida oo kale waxaa rejeynaynaa suuqa dalka Masar; kadib booqashada aan ku tagi doono dalkaas dhawaan. Hilibkaas waxaa lagu qaada diyaaraddaha Jubba Airlines iyo Cosob oo keli ah; Ganacsatada hilibka qala waxay ka cabanayaan gaadiidka lagu qaado oo aad uu ciriiri ah, taasoo; wasaaraddu hadda ku talo jirto sidii wax looga qaban lahaa; ayadoo la kaashan doonoto dawladaha hilibkaas loo dhoofiyo. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa waxay qorshe u sameysay sidii loo dhisi lahaa Kawaano casri ah oo lagu qalo hilibka la dhoofinaayo lagana hirgeliyo sida; Baydabo oo leh garoon diyaaradeed oo Caalami ah iyo guud ahaan dalka gobalada garoomada leh xoola dhaqataduna ku badan tahay, taasoo suurta galineysa sidii dayuuraduhu halkaas toos uga qaadan lahaayeen hilibka qalan, maadaama xoolaha ugu badan ee la dhoofiyo laga qaado gobollada koofurta Soomaaliya. Meelaha hadda ay ka dhisan yihiin Kawaanada waxaa ka mid ah sida; B/weyne, Galkacayo, Burco iyo Muqdishu, dib u habeyn iyo ballaarin ayaa lagu sameynayaa; si kor loogu qaado tayada hilibka ay soo saaraan iyo mugga hadda ay ku shaqeeyaan. Meelahaas oo dhan waxaa laga dhisi doonaa firinjiteerada waaweyn oo casri ah “Qaboojiyaha mug weyn”, waxaa kale loo sameyn doono Gaadiid leh firinjiteerada, Sheybaar casri iyo Dhakhaatiir baarta caafimaadka neefka la qalaayo iyo hilibkaba, si hilibka la dhoofinaayo ay tayo ahaan ula tar-tami karaan kuwa dalalka kale laga soo dhoofiyo. Si dhaqaalaha dalka dib loo soo nooleeyo, waxaan ku talla jirnaa in Soomaaliya laga dhoofiyo hilib gaaraya ilaa 4 kun oo ton bishiiba, si dalka dib u dhis loogu sameyo dakhliga soo gala; isla-markaana shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyed. Haddii mashruucyadaan ay u hirgelaaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa, waxaa rejeynaynaa in dalka dakhli xoog leh soo gelidoono kuwaasoo ka dhasha oo keli ah hilibka la dhoofiyo; qiyaas (4 kun tons); waxaa ka soo geli kartaa ilaa 30 million oo dollarka Mareykanka bishiiba, sanadkiina ilaa 360 million oo dollarkaMareykanka ah.
10. Dayactirka iyo qalabeynta xafiisyo ay degto Wasaardda Xannaanada Xoolaha Wasaardda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ma laheen wax xafiis ah markii aan la wareegay wasaaraddaan oo qadiimi aheyd lana aasaasay 1972-dii, ma ugu imaan mid kiro ah ama dhismo dawladeed midna, sidoo kale ma leheen wax qalab xafiiseed ama feelal ay ku jiraan waraaqaha xiriirada dibadda ama midka dalka gudihiisa iyo shaqaale habeysan toona, Wasaaradda oo magac ahaan jirtay, waxaa markaas ka bilaabay shaqada wasaaradda warqad ay ku qoranaayeen Agaasimaha Guud iyo koox yar oo shaqaale ah oo ayaguna aan haysan xaafiisyo iyo qalab xafiis toona, wax hawlo ah oo socotana haba yaraatee aysan jirin. Sidoo kale wasaaraddu ma aysan haysanin isku duweyaasha gobollada iyo degmooyinka iyo dakhaatiirta Xoolaha ee u hawlgali lahaa. Haddaba, si dib loo aasaaso wasaaradda waxaan ka soo bilaabnay meel eber ah, shaqadii ugu horaysay waxaan ka bilaabnay sidii aan u heli lahayn dhismo wasaaraddu saldhig ama xarun ka dhigato, sidaas darteed dadaal badan ka dib, waxaan ka helnay Wasaaradda Warfaafinta qaybta dabaqa afraad oo aad u burbursan; si aan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xarun ama Saldhig uga dhigno, xafiisyo, qaybtaas waxay ka kooban tahay 8 xafiis iyo laba musquladood kuli si xun ayay u burbursanaayeen, islamarkaana aan lagu dhaqmin muddo 20 sano ah tan iyo markii ay dawladdii hore burburtay. Waxaana si degdeg ah ku bilaabnay dayactir guud, ayadoo dayactirkaasi uu ku kacay lacag dhan USD $17,560/=, waxayna wasaaraddu ka bixisay miisaaniyaddii yareed ee la siiyay qayb ka mid ah ayadoo weli lagu leeyahay qayb lacagtaas ka mid ah weli wasaaradda.
Dadaal dheer ka dib; waxaan ku guulaysanay inaan Wasaaradda u helno; - Qalab “8” sideed xafiiseed oo deeq ah, waxaana ka helnay qalabkaas xafiiseed hay’ad lagu magacaabo AU-IBAR oo ka shaqeysa horumarinta Xoolaha dalalka Afrika, ayadoo qalabkaas dhamaantiisa laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hadda la dhigay xarunta wasaaradda, loona kala dhigay 8 waaxood iyo qaybaha ay wasaaraddu ka kooban tahay oo uu ku jiro xafiiska wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa. - Hal baabuur noociisu yahay Land Rover oo cusub oo hay’adda AU-IBAR deeq ahaan u siisay, gaarigaas oo hadda yaala Xarunta hay’adda oo dhawaan la soo saari doono markab. - Hayadda A.U. IBAR waxay kale u dalabtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, 6 baabuur nooca Toyota Hillux iyo 15 moto oo loogu shaqeyn doono sidii loogu horumarin lahaa Xoolaha Soomaaliya, gaadiidkaas waxay ka sheqeyn doonaan gobollada iyo degmooyinka dalka guud ahaan. - Hay’adda A.U. IBAR waxay kaloo maalgelin doontaa, Mashruuca dhismaha Sheybaar casri ah iyo qalabkeeda oo lagu baaray caafimaadka Xoolaha dalkeena, mashruucaas ayaa laga fulin doonaa dakedda Muqdisho dhexdeeda, ayadoo shaqaalahii sheybaarkaas ka shaqeyn lahaa tababar lagu soo siiyay dalka Kenya, sidoo kale waxaa sheybaaro laga dhisi doonaa gobollada dalka, iyadoo shaqaale badan ay soo tababartay hay’adda AU-IBAR iyo UN-FAO-Somalia. - Ururuka IGAD waxay dhowaan la wareegidoontaa, Macadka Sheikh oo hadda lagu barto cilmiga Xoolaha waxaana gacata ku hayn jiray Hay’adda Terra-Nuova oo ayna kor ka maalmuli jirtay Hay’adda AU-IBAR oo Maalgelisay EU, hadda si macadka kor loo qaado heerkiisa lana gaarsiiyo heer gobol si ardeyda ka timaado dalalka xubnaha ka ah IGAD wax ugu bartaan oo ardey Soomaalina ka faa’iideysato ayaa waxaa la gartay in loo wareejiyo maamulka Dugsigaas IGAD si dhaqaale kor loogu qaado heerka dugsigaas ay u raadiso. Haddii uu qorshahaan uu u hirgelo macadkaan muddo ka dib waxaa la gaarsiin doona heer Jaamacadeed. - Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, waxay ku talo jirtaa inay si deg deg ah dib loogu aas aaso Jaamacaddii iyo Macadkii Caafimaadka Xoolaha ee Lafoole, waxaana weyndisanay inay arrinkaasi naga caawiso hay’adda USAID, Bankiga Islaamka iyo EU in ay maalgeliyaan taaso qorshaheeda hadda aan gacanta ku hayno. - Wasaardda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, tan iyo markii ay burburtay dawladii hore ee militariga oo hadda laga joogo 20 sano, waa markii ugu horaysay oo ay wasaaraddu yeelato Xarun ay ka hawl-gelayso, si wanaagsana loo qalabeeyay iyo ayadoo wasaaraddu ay qaybaheeda u kala duwan si mug leh u shaqeynayaan oo ay ku jirto isuduwayaasha gobollada, degmooyinka dalka iyo ururada dhakhaatirta xoolaha oo dalka ku baahsan.
11. Wasaaraddu waxay kale xafiiyo ku leedahay Gobollada iyo Degmooyinka: - Dib u soo nooleysay una hawl gelisay dhammaan Isu-duweyaasha Gobollada iyo Degmooyinka, Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha Wasaaradda. Waxaa ilaa hadda la hawl-geliyey 11 Isu-duweyasha Gobollada iyo 67 Isuduweyaasha Degmooyinka iyo dhakhaatiirta. Waxayna ka hawl-galeen olole daaweynta iyo tallaalka Xoolaha; taasoo u fududeysay in Xoolaha Soomaaliya cudur laga waayo. - (5 urur) Ururadada Dhakhaatiirta Xoolaha oo ka kala dhisan; (1 hal) 6da gobol ee ka kooban gobollada koofurta Somaliya; Muqdishu hal urur ah; Gobollada Dhexe; Puntland hal iyo Gobollada Waqooyi Galbeed oo hal ah.
12. Shirarkii, Seminaaradii iyo Workshobyadii kala duwanaa oo lagu qabtay dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Shaqaalaha Wasaaradda gaar ahaan dhakhaatiirta Xoolaha waxay ka qayb galeen seminaaro iyo workshobyo gaaraya ilaa 20 sano, si kor loogu qaado aqoonta dhakhaatirta xoolaha, dhinaca baaritaanka caafimaadka xoolaha, daaweynta, tallaalka iyo sheybaarkaba lana gaar siiyo aqoontooda heer caalami ah, seminaaradaas oo lagu kala qabtay dalalka; Cumaan, Ugaandha, Ethiopia, Djibouti, Zambia, Congo DRC, Tunisa, South Africa, Kenya iyo kuwa kale oo dalka gudihiisa lagu kala qabtay, Muqdisho, Hargeysa, Sheikh iyo Garowe.
13. Shirarkii Wasiirku ka qayb galay oo lagu qabtay dalka dibeddiisa. - Shirkii Paris-France 23-28 May 2010 oo Soomaaliya lagu guddoonsiiyay shahaadada heerka caalami ah ee caafimaadka Xoolaha oo ay bixisay hayadda OIE. - Shirkii Istanbul-Turki oo looga hadlaayo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya loona horumarin lahaa dhaqaalaha iyo kheyraadka dalka Soomaaliya, shirkaas oo socday 21-23 May 2010 oo ay ka soo qayb galeen wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno ilaa 53 dawladood iyo xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-kin Muun, UNPOS wakiilka Xoghaya Guud ee arrimaha Soomaaliya, Ambaasidoor Ahmedou Ould Abdallah iyo wasiirka Arrimaha dibedda ee dawladda Turkiga, shirkaas waxaan hordhignay mashuuc dhinaca horumarinta xoolaha oo socon doono 3-5 sano oo lagu qiimeeyay 57.4 Million dollarka Mareykanka, waxaa aad u daneenayay in ay maalgeliyaan mashruucaas, Bankiga Horumarinta Islaamka oo Xaruntiisa ay tahay Jeddah Sacuudi Carabiya, Ururka Islaamka, EU, USAID, Dawladda Spain iyo shirkaddaha madaxabannaan oo ay ku jiraan shirkaddaha ka dhisan dalka Turkiga, mashruucaas oo ka koobnaa dhismo MAXJARO “Qurantine Stations” oo laga dhisaayo Gobollada, Muqdishu, Kismayo iyo Hobyo, ballaarinta MAXJARA-DA hadda ka dhisan, Bossaso iyo Berbera, dhismo waddooyinka, Ceelasha biyaha, meesha xoolaha ku nastaan, dakedda Muqdisho qaybta xoolaha laga raro, calafka xoolaha, daaweynta xoolaha, kawaanada cusub iyo kuwa hadda dhisan oo la balaariyo IWM. Mashruucaas waxaa la gaarsiin doonaa dalka oo dhan si kheyraad ah si siman loo qaybsado.
- Shirkii Wasiirada Xannaanada Xoolaha ee dawladaha ka mid ah Midowga Afrika ee lagu qabtay Entebbe –Uganda 13-14 May 2010.
- Shirkii Wasiiradaha dawladaha Bariga Afrika, Koofurta iyo Afrikada Dhexe ee lagu qabtay Kigaali-Ruwanda, 19-22 April 2010 oo aan Shir Guddoomiye ka noqday. - Shirkii Wafdigii ka socday State Department ee USA ee dalka Mareykanka ee 8dii Marso 2010 iyo 31kii Marso 2010 oo lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi-Kenya oo aan ku wada-hadalnay sidii loo maalgelin lahaa mashaaricda horumarinta Xoolaha. - Shirarkii Safaaradda Spain oo aan uga wadahadalnay sii loo maalgelin lahaa dhismaha MAXJAR-ka oo laga dhisaayo Muqdishu, bishii Janaayo, febraayo iyo bishii April 2010, shirkaas oo ka dhacay Nairobi-Kenya. - Shirkii Wasiirada Xannanada Xoolaha ee dawlad Goboleedka IGAD oo lagu qabtay dalka Djibouti, Disembar 2009 oo looga hadlay sidii loo mideyn lahaa siyaadda horumarinta Xoolaha.
- Shirarkii EU, UN-FAO iyo AU-IBAR oo gaaray ilaa 6 shir oo lagu qabtay Nairobi-Kenya, Janaayo ilaa May 2010 oo aan ka wadahalnay maalgelinta mashaariicda, sida mashaariic loo kala qaybiyo loona gaar siin lahaa dhammaan Gobollada iyo degmooyinka dalka iyo hadba sida loo kala hormarsiinayo, ayadoo loo kala fiiri-naayo baahida jirto.
- Iyo sanadkii 2009, oo aan ka qayb galay shirar aad u fara badan oo ay ka mid yihiin; EC-EDF oo looga wada-hadlaayay qorshihii 5-ta sano, ee 2009-2014, UN-FAO, AU-IBAR, iyo midka “AOAD” Hay’adda Horumarinta Beeraha, Xoolaha iyo Kallumeysiga ee Jaamicadda Carabta ee Khartoum-Sudan April 21-23, 20 |
|||||||||||||||||||||||||||||
|