Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Wasaaradaha

Wasaaradda Beeraha

Maxamed Ibraahim Xaabsade Ministry Agriculture.

   

Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo ka warbixiyay waxqabadka wasaaradda mudadii uu hayay.

 

TFG Website: Mudane Wasiir, ka waran waxqabadka wasaaraddaada tan iyo intii aad wasiirka ka aheyd?

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Maxamed Ibraahim Xaabsade: Aniga wasaaradda beeraha bishii sideedaad ee sanadkii la soo dhaafay ee 2009 ayaa la ii magacaabay islamarkiiba waxaan dadaal u galnay sidaan ku noolayn laheyn wasaaradda beeraha oo runtii burbur weyn oo dhinacyo badan leh uu gaaray, intii TFG jirtayna aan runtii wasiirkii lagu magacaabay uu xanuunsanaa aan waxba laga qaban, marka labo qodob baan xooga saarnay sidii dalku u heli lahaa qalabkii wax soo saarka ee beeraha sida cagaf cagafyada baldoosarada bukleerada keliyada qoda iyo biraha beeraha lagu falo guud ahaan aan u heli laheyn.

Waxaanu tagnay magaalada Rome oo ay hay’adda FOA ay shirku laheyd qoraalo badan baan qornay qoraaladii aan qornayna waxaan ka codsanay in dowladda Talyaaniga barnaamijkii beeraha oo iyada iyo Soomaaliya ka dhaxeeyay soo celiso burburkaas labaatan ka sano ah oo dalka ka dhacayna qalabkii horay dowladdii hore u keentayna uu dhamaaday hadda sidii loo heli lahaa qalab cusub ee runtii waxay noo ogalaadeen barnaamij seddex sano ah oo baleen beeraha ah oo seddex sanadood ah barnaamijkaasaa hadda noo socda.

Runtii meel fiican buu noo marayaa labo qeybood baa laga dhigay barnaamijka waa sedex sanadood qeybta koowaad waa qeyb tijaabo ah oo in labo gobal qalab loo keeno oo lagu tijaabiyo iyo qaabka beeralayda uga faa’iideysanayso iyo qaabka dowladda u maamulaysaba lagu tijaabinayo bisha sagaalaad buu qalabkii ugu horeeyay imaan doonaa intaas waan qabanay.

TFG Website: Mudane wasiir, ka waran xiriirada aad la leedihiin hay’addaha UN-ka iyo sidoo kale tababarada aad dibada ka heshaan?

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Maxamed Ibraahim Xaabsade: Barnaamijka aan kuu soo xusay ee heshiiska Talyaaniga laftirkiisa waxaa ku jira 75 qof oo la tababarayo sedexda sano oo kalana waxaa ku jira 50 qof oo ay mushaar noo siinayaan Talyaaniga.

Tababarada inta badan dalka gudihiisa ayay noqonayaan qaarna waxay noqonayaan dibada inta 25 qofood dibada ayay noqonaysaa 50 kalana waxay noqonayaan dalka gudihiisa tan qalabka waraabka beeraha suntana beeraha xarunta wasaarada iyo xarumaha kale oo mashruucaan qorshaha beeraha ka socdo, shaqaalaha joogo oo 50 qofood ah sedex saldhigna ay inta ka furanayaan labo saldhigna ay puntland iyo Somaliland yihiin, waxaa naga caawin doona qarashkooda dowladda Talyaaniga.

Marka waxaa kaleeto oo aan iyadana UN-ka UNHABITAT iyo WFP UNDP waxaan ka codsanay xaruntii wasaarada beeraha ee hore oo burburkii uu gaaray oo qaxooti aad u fara badanna uu ku jiro in hay’addaas UN-ka qaxootigaas oo muwaadiniinta ah oo gobalada dalka ka soo barakacay ay dib u dejin u sameeyaan guryo u dhisaan dowladdana ay dhulka ka bixiso ayagana ay u dhisaan u dayactiraan xaruntana markaa kadib ay noo dayctiraan si saldhigii wasaarada beeraha loo helo oo abuurkii lagu keydin karo oo bacrimintii lagu keydin karo oo suntii cayayaanka lagu keydin karo oo ay hay’adda FOA ku laheyd xitaa xafiisyo oo xaruntii sidii lagu soo celiyo ayaan ka codsanay weyna naga ogaladeen.

TFG Website: Mudane Wasiir, ka waran xiriir ceynkee ah ayay idinla soo sameeyeen beeralayda Soomaaliyeed ee gobalada Soomaaliya ku dhaqan?

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Maxamed Ibraahim Xaabsade: Gobalada horta beeralayda jirta dhibaabto badan bay qabaan, nimankaan nabaddiidka ah ayaa ku habsaday ayaga iyo dowladda waa lagu kala dhex jiraa niman aan naxariis laheen ummaddana nabad iyo deganaasho u diiday ayaa runtii gacanta ku haya dhibaato badan bey sheeganayaan meelaha qaarkood wabiyadii ayaa ku fatahay adeegyadii wabiga lagu xiri lahaa ma heysataan meelo badanbaa kanaaladii waa weynaa oo birjibaarka ahaa beeraha biyaha siin jiray runtii dhibaataa gaartay oo duugmeen oo aasmeen oo la rabo in la qodo abuurkii tayada lahaa oo wasaaradda beeraha siin jirtay ma helin.

Hase ahaatee waxaan ugu baaqnay haddana baaqaynaa in ay dadaalaan dowladdu xagga Amniga xoogbay saaraysaa nooleynta iyo soo kicinta beerahana xoogbey saareysaa intii laga gaarayo waxaan ugu baaqaynaa in ay samraan ilaahey dartiis u samraan oo ay dadaalaan oo ay beeraha xooga saaraan intaa yaroo diyaar garowga lagu jiro ay dadaalaan.

marka wey nala soo xariiraan maalin walba cabasho badanbaa ka imaanayso meelaha qaarkood gobalada qaarkood la yiri beerihii ay abuuran oo ay lahaayeen lacag keena la yiri oo nimankaan nabad diidka ah ku kalifeen ayay sheeganayaan marka waan u sheegnay in sanadkaan bartamihiisa aan ka dheereyn ayaga iyo wasaaradana si fiican u wada shaqeyn doonaan dowladda federaalkana laga sugayo in amniga talaabo ka qaado wixii aan talo siin karnana waan siinay.

TFG Website: Mudane Wasiir, waxaa jira cabasho ay ka muujinaayaan hay’addaha deeqda bixiya sida WFP oo marka dalagu soo go’i rababa keena macaawino arrintaasi wasaarada beeraha ahaan maxaad ka qabateen?

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Maxamed Ibraahim Xaabsade: Horta runtii aniga marbaan ka hadlay idaacadaha markaan wasaarada la wareegay bishii 9-aad 2009 kii mar aan ka hadlay raashinka hay’addaha samafalka, beeralayda waxay u baahan tahay xiliyada ay abuurka ku jirto falida ay ku jirto tacabka beeraha uu socdo ayaa qofka beeralayda ah wixii lagu kaalmeeyo aad wax u tarayaan waxay caado ka dhigateen hay’addaha in miraha yar oo tabarta daran leh markuu soo go’o kii macaawinada ahaana ay keento marka taasna waxay keenaysaa in qofkii xitaa qarashkii ka galay aanu beertii ka heli kareyn.

Dhiiri gelin la’aan bey noqonaysaa tacabkii beeraha la xiiseyn maayo bacdamaa qarashkii galayba xitaa aan laga helaynin marka badar tiro badan oo macaawino ah la keeno xiligii mirihi yaraa ee ay soo go’eena lagu beego loorkii galeyda ahaa 20,000 Sh.So. buu tagayaa marka taas runtii hay’addaha waxaan u sheegnay in xiliga tacabka lagu jiro ay dadka u keenaan miraha, ma fiicna runtii anaga ku dhiiri gelin meyno badarka dalka uu qaali noqdo uu nin walba uu gadan waayo, anaga ma ku talinayno beeralay ahaan umana roona dalka laakiin waxaan rabnaa qofka shaqeynayaba waqtiga in wax la taro uu u baahan yahay waa marka uu tacabka ku jiro laakiin markii wixii yaraa ay u soo go’aan si waxaad moodaa in lagu beegay.

Arrintaas dabcan waxaa yeelaya hay’addaha Nairobi ayay xarumahoodu yihiin wey degan yihiin waxayna aheyd dowladda in ay hoos yimaadaan hadda dowladda wey ka madax banaan yihiin taasna waxaa keentay nabadgelyo xumada dalkeena taalo oo aan anaga agcanteena ku keensanay arrintaas dabcan qorshaa loo sameyn doonaa.

Wasaarada beeraha qubaradii iyo dad badan oo runtii mutacalimiin beeraha ah oo ku xeeldheer baa joogo dalka daraasad baanu ku sameyn doonaa anaga iyo hay’addaha qaabkaan u wada shaqeynayno qaabka dadka marka wax la gaarsiinayo ku haboon isna uu tacabkiisa ku sii kordhisan karo haddii ilaahay yiraahdo taas dadbaan u dirnay qorshe guud baa laga keeni doonaa  markii uu qorshahaas uu suurto galana anaga iyo hay’addahaa ka wada hadli doona.

TFG Website: Mudane Wasiir, Ugu danbeyn maxay tahay fariintaada nabadeed ee aad u jeedinaysid shacabka Soomaaliyeed ee beeralayda ah ee kaa aqrisanaayo website-ka dowladda?

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane, Maxamed Ibraahim Xaabsade: Horta shacabku dhammaan waa ummad muslim ah oo ahlu towxiid ah oo waqti dheer islaam aheyd baan nahay in horta ilaahey laga cabsado oo waala dhiman doonaaye, labada mitirbaa nin walba ka danbeyso in horta ilaahey laga cabsado ee ummadda islaamka ah dhibaatada laga daayo ummadda si ay nabad u hesho deganaasho u hesho ugu fikirto nolosheeda mustaqbalka dalka marka ninka muslimka ah waa ninkii gacantiisa iyo afkiisa laga nabadgelayo dadka laga nabadgelayo afkiisa iyo adinkiisa baa muslim ah baa la yiriye dadka laga nabadgeli waayay af iyo adinba labadaba dadka u diiday.

Waxaan ka codsanaynaa oo u sheegaynaa oo ku waanineynaa in ay ummadda dhibaatada ka daayaan barakaca ka daayaan dhibka ka daayaan, adiga afka duubo ama madaxa duubo ilaahey wuu ku og yahay ilaahey kama dhuumman kartid haddii aad qof shaqsi ah aad maskaraati iskaga dhigtid ilaahey maskaraati la iskagama dhigi karo waa og yahay mana laga fakanayo wuxuuna illaahey quraankiisa ku leeyahay; (inaa ileynaa iyaabahum thuma inaa ileynaa xisaabahum) xisaabaa kaa horeysee ogow qadar yar baad noolaan doontaa.

Ummadda dibin daabyada iyo dhibaatada ha laga daayo tan kale ummadda dhibaatada lagu hayana ha samirto samirbaan fareynaa in ay ilaahey imtixaankiisaa nagu dhacee in ummadda muslimka ah samirto ilaaheedana u towbadkeento taas waan farayaa waxaan kale oo ku darayaa dhul tacab leh oo qeyraad badan leh ayaa ilaahey na siiyaay in beeraha la tacbo oo badaha lagu dhamaanayo iyo dalalka kale ee loo hanqal taagayo oo nin walba intuu ka quustay baddaha iyo wadooyinka ku dhamaanayaan la iska dhaafo, dhulkeena aan tacbano intaasna umada waan ka codsanayaa.

Wareysi Qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Wasaaradaha Kale
  1. Wasaaradda Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta
  2. Wasaaradda Hubka Dhigista & Jiheynta Maleeshiyooyinka
  3. Wasaaradda Lacagta
  4. Wasaaradda Deegaanka
  5. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  6. Wasaaradda Warshadaha
  7. Wasaaradda Ganacsiga
  8. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  9. Wasaaradda Dib u dhiska
  10. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  11. Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare
  12. Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabaynta
  13. Wasaaradda Garsoorka
  14. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  15. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  16. Wasaaradda Waxbarashada
  17. Wasaaradda Qurbajoogta
  18. Wasaaradda Amniga Qaranka
  19. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  20. Wasaaradda Difaaca
  21. Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  22. Wasaaradda Dhallinta iyo Isboortiga
  23. Wasaaradda Guriyeynta iyo Hawlaha guud
  24. Wasaaradda Maaliyadda
  25. Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
  26. Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
  27. Wasaaradda Warfaafinta
  28. Wasaaradda Caafimaadka
  29. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  30. Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
  31. Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dakadaha
  32. Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta
  33. Wasaaradda Shaqada iyo Hurumarinta Shaqaalaha
  34. Wasaaradda Arimaha Dibadda
  35. Wasaaradda Sancada iyo Cilmibaarista
  36. Wasaaradda Naafada iyo Dib u dejinta
  37. Wasaaradda Arrimaha Gar gaarka
  38. Wasaaradda Arrimaha Diinta
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  AdministratorAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved