Ra’isal wasaare ku xigeenka koowaad Prof. IBBI oo xariga ka jaray Maxjar cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Jaziira ee Gobolka BANAADIR.
Muqdisho, (TFG): Munaasabad balaaran oo lagu dhagax dhigayey dhismaha Maxjar Cusub oo Xoolaha lagu xanaaneeyo ayna ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ganacsato ayaa ka dhacday deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Cadoow Daaci oo furitaanka Munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay Munaasabadaasi, isagoo ku amaanay dadka deegaanka kaalintii ay ka geysteen sugidda amniga deegaanka Maxjarka laga hirgeliyey.
Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale madashaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in Maxjarkani dhismihiisa uu yahay mid dadka deegaanadaasi ku dhaqan ahmiyad gaar ah u leh, wuxuuna ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan adeegyada Maxjarkan.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya ahna Gudoomiyaha shirkadda Ancaam International Live Stock oo mashruucani Hirgelinaysay ninka lagu magacaabo Iimaan Maxamed Cali oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in hirgelinta dhismaha Maxjarkani ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, islamarkaasina ay soo bilaabeen qorshahiisa muddo haatan laga joogo 9 bilood loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ay kafaa’ideystaan kheyraadka dalka.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada KMG ee Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen” oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhismaha Maxjarkani, balse ay wasaaraddiisu ku tala jirto in Maxjaro kuwan la mid ah laga hirgeliyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Mudane C/rashiid Cirro Wasiirka Ganacsiga DKMG oo isna mas’uuliyiintii Munaasabadaasi ka hadashay ka mid ah ayaa sheegay in hirgelinta Maxjarkani uu Qayb ka qaadan doono kobaca dhaqaalaha dalka Soomaaliya, wuxuuna Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarinta ganacsiga Soomaaliya iyo sidii loo sameyn lahaa Maxjaro la mid ah midkan.
Ra,isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Prof. c/raxmaan Xaaji Aadan oo gabagabadii Munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada in ay ka faa,ideystaan Mashaariicdan oo kale, islamarkaana ay iska daayaan dagaalada aan faa’iidadalahayn, wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan xitaa kuwa ka soo horjeeda dowladda in ay ka qeybqaataan mashaariicdan oo dagaalka joojiyaan.