Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha dowladda kmg ah soomaaliya mudane sh. Shariif sh. Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa degay garoonka diyaaraddaha caalamiga ee magaalada kambala ee xarunta dalka Uganda.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa gegidada dayuuraddaha caalamiga ah ee magaalada kambaala ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta dalka Uganda, Wasiiro ka tirsan xukuumada kmg ah ee soomaaliya oo uu horkacaayay wasiirka arrimaha dibada, saraakiil ka socotay safaaradda soomaaliya ee dalka Uganda iyo jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Uganda.
Madaxweynaha soomaaliya mudane sh. Shariif sh. Axmed ayaa waxaa lagu wadaa in uu maalinta barito ah ka qeybgalo shirka madaxda dalalka afrika ee ka dhacaya magaaladaasi, kaasoo inta badan looga hadli doono arrimaha soomaaliya, wuxuuna madaxweynuhu hordhigi doonaa madaxda ka soo qeybgeli doonta kulankaas warbixin dheer oo ku saabsan dalka soomaaliya iyo sidii soomaaliya looga caawin lahaa soo celinta amnigii iyo xasiloonidii dalka.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu horey kulamo ugula soo qaatay safarro uu ku tagay dalalka masar, talyaaniga iyo chad, wuxuuna dhamaan madaxdii uu la soo kulmay kala hadlay sidii soomaaliya looga taageeri lahaa soo celinta xasiloonidii dalka iyo arrimaha bini-aadanimada.