Kambala, (TFG): Magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda ayaa waxaa maalintii labaad ka soconaya Shirkii 15-aad ee Madaxda dalalka Qaaradda Afrika, kaasoo inta badan diiradda lagu saarayo xaaladda dalka Soomaaliya.
Shirka oo galay maalintiisii labaad islamarkaana lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta barito ah ayaa waxay Madaxda ka qeybgalaysa diiradda ku saarayaan in laga gudbo Colaaddaha joogtada u noqday shacabka Soomaaliyeed iyo sidii meesha looga saari lahaa Maleeshiyada Kooxda Shabaab ee xiriirka dhow la leh ururka Al qaacida, kuwaasoo dalka Soomaaliya ku marti geliyay Ajaaniibta danbiyada ka soo galay dalalkooda ee ku soo carayay wadanka Soomaaliya.
Madaxdii ka soo qeybgashay Shirka ayaa waxay inta badan diiradda ku saarayeen khudbaddahooda ka hadalka xaaladda murugsan ee dhinaca Amaanka wadanka Soomaaliya iyo sidii xal waara looga gaari lahaa arrintaas, iyadoo laga qaadanayo mowqif midaysan arrimahaas.
Shirka ayaa waxaa ku kulansan Madax gaaraysay ku dhawaad 40 Hogaamiye iyo weliba 49 Wafuud Caalami ah oo goob joogayaal ka noqonaya go’aamada kama danbeysta ah ee ka soo baxa gabagabada Shirka, waxaana ay Madaxdu ka sii doodi doonaan xaaladda wadanka Soomaaliya ee ay haraysay arrinta Al-qaaciddada Soomaaliya.
Dalalka ku jira Urur Goboleedka IGAD oo Shirka ka qeybgalaya ayaa dhinacooda ka midaysan in Mowqif midaysan laga qaato Kooxda Al shabaab ee argagixisada ah taasoo xiriirka dhow la leh Ururka Al qaacida si meesha looga saaro.
Madaxweynaha dalka Uganda oo ah Madaxweynaha martida loo yahay ayaa furitaankii Shirka ka sheegay in loo baahan in Wadamada ku jira Ururka Midowga Afrika ay u diyaar garoobaan sidii meesha looga saari lahaa Kooxda Al shabaab oo Qatar ku ah amaanka Soomaaliya, Kan Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho