Khudbaddii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika ee magaalada Kambaala ee xarunta dalka Uganda.
Kampala, (TFG): Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad dhinacyo badan taabaynaysa ka jeediyay madasha Shirka Midowga Afrika ee magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, taasoo uu kaga hadlay xaaladda guud ee uu dalku ku sugan yahay iyo doorka looga baahan yahay Beesha Caalamka.
Madaxweynaha ayaa marka ugu horeysa u mahadceliyay Madaxda Afrika, Wafuuda kala duwan, Ururada Dowliga ah, Urur Goboleedyada ee Goobta yimid, Safiirada iyo Dumarka Afrika oo iyagu arrimo quseeya Shirka looga doodayay, wuxuuna dhamaantood uga mahadceliyay imaantinka Shirka iyo Mudnaanta ay siiyeen in arrinta Soomaaliya looga doodo Shirkan, islamarkaana uu ahaa Ajnadihii ugu horeeyay.
Madaxweynaha ayaa intaas kadib wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Muzavini sida wanaagsan ee uu dalkiisu u martigeliyay Shirkan, wuxuuna sidoo kale tacsi u diray Shacabka iyo Dowladda Uganda oo uu uga tacsiyeeyay weerarkii 11 kii Bishan ka dhacay magaalada Kambaala ee caasimada dalka Uganda, kaasoo ay ku dhinteen dad Shacab ah oo aad u tiro badan, wuxuuna Madaxweynuhu yiri, “Waxaan u tacsiyeynayaa Shacabka Reer Uganda Anigoo ka wakiil ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda intaba, waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh oo ku aadan Qaraxyadii Waxashnimada ahaa ee lala beegsaday Caasimadan Quruxda badan ee Kambaala, kaasoo ay Natiijadiisu noqotay Dhimashada Muwaadiniin aan waxba galabsan oo Shacabka Reer Uganda ka mid ah, Shacabkaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwo Nabada jecel, kuwaasoo isugu soo baxay Daawashada Koobkii Ciyaaraha Kubada Cagta Aduunka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladdaha ku jira Ururka Midowga Afrika sida ay isu barbartaageen Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo la qeybsaday Farxaddaha iyo Murugada soo marayay mudooyinkii la soo dhaafay, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay una Mahadceliyay Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan ee Howsha Nabad Ilaalinta ah u jooga, kuwaasoo kaalin hormuud ah ka ciyaaraya Howsha Nabada lagu sugayo, islamarkaana isku dayaya sidii Nabad iyo Xasilooni looga dhalin lahaa wadanka Soomaaliya, isagoo soo qaatay Ciidamada dalalka Uganda iyo Brundi oo uu sheegay in labadoodaba ay howl wanaagsan ka hayaan wadanka Soomaaliya, islamarkaana ay maalinkasta Naftooda u hurayaan iyagoo ujeedkooduna uu yahay in wadankeena oo in mudo ah burbur iyo dagaalo ay ka jireen lagu soo celiyo Nabad.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale aad ugu mahadceliyay Urur Goboleedyada iyo Ururada kale ee Caalamiga ah ee gacanta ka gaystay sidii Ciidamadaas loo gayn lahaa dalka Soomaaliya, islamarkaana ku taageeray Hanti, Cod iyo Ficil intaba, wuxuuna Madaxweynuhu soo hadal qaaday Shirkii ka dhacay 5 tii Bishan Jully magaalada Addiss-ababa, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimaha Soomaaliya oo uu sheegay in wadamada Gobolku ay dareemeen in xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya in ay tahay mid u gudbi karta wadamada Gobolka sida hadaba ka dhacday magaalada Kambaala, wuxuuna sheegay in waxa ka dhacay magaalada Kambaala ay wadanka Soomaaliya maalin iyo habeenba ka socdaan waaana suurta gal in uu ka dhaco wadankasta oo Aduunka daafihiisa ku yaala hadii aan laga wada hortagin islamarkaana gacan-bir ah lagu qaban Kooxahan Argagixisada ah ee ay Al-Qaacidada hormuudka ka tahay, kuwaasoo uu sheegay in ujeedkoodu yahay in ay Aduunka ka abuuraan daganaasho la’aan.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Argagixisanimada ay garwadeenka ka tahay Ururka Al-Qaacida ay saameyn weyn ku yeelanayso Ganacsiga Guud ee Dunida, wuxuuna sheegay in wax Maanta Soomaaliya ka dhacaya ay yihiin wixii ugu xumaa ee soo mara Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Taariikhda Wadanka Soomaaliya ay joogto meeshii ugu xumayd ee ay ebed gaarto, wuxuuna sheegay in ay isugu tageen Caddow Argagixiso ah oo ka kooban Ajaaniib ka kala timid Qaaradaha Aduunka iyo Kuwo Soomaali ah oo xagjir ah oo ay Shabaab hormuud ka tahay, wuxuuna sheegay in ay ku howlgalayaan Calanka Ururka Al-Qaacida, wuxuuna sheegay in imkaaniyaadka iyo Ciidamada ay haysato Dowladda Soomaaliya ay aad u yar tahay oo aysan weli xoogaysan, islamarkaana aysan gaarin heerkii loo baahnaa oo aysan haysan Tababaradii iyo Qalabkii loogu talagalay sidaasi darteedna kama guulaysan karaan Cadow aad u xoog badan oo imkaaniyaadkooda dhaqaale iyo midka Qalabka ee Ciidamadooda ay aad u sareeyaan islamarkaana haysta Tiknoolajiyada Casriga ah ee ay isticmaalaan argagixisada noocyaddeeda kala duwan, wuxuuna ku baaqay in ay lagama maarmaan tahay in Madaxda Afrika ay Shirkooda ka soo saaraan Go;aano ay suurtagal tahay in si dhaqso ah loo fuliyo Istaraajiyado iyo Aragtiyo Xambaarsan Wadiiqooyin Xal looga gaari karo arrinta wadanka Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in ay dadaal badan ku bixiyeen iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed sidii ay ula dagaalami lahaayeen Kooxahan, wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay mar uu ka hadlaayay dhinaca Dib u heshiisinta in ay wadahadalo la galeen dhamaan Dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda, wuxuuna sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo weeciyaan oo ay dowladda ku soo daraan ama ugu yaraan ay heshiin Nabadeed la gaaraan Kooxaha Hubka sida garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay in ay Culumaa ‘udiinka Ahlu Suna Heshiis la galeen oo ay Wasiiro ku soo biirsatay Dowladda, wuxuuna sheegay in ay weli wadaan xiriiraddooda ku aadan sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa dalka oo Kooxaha dowladda Diidana lagu qanciyo in ay yimaadaan Miiska wadahadalka.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn Baaq u diray Caalamka, isagoo sheegay in ay mar kale ku celinayaan in Caalamku ay ka gacansiiyaan sidii loo jebin lahaa Kooxahan argagixisada ah islarmarkaana dalkeena oo aad u tag daran oo Bulshada ku dhaqani ay dhibaatooyin badan la daalaa dhacayaan ay jiraan weli in kooxahani ay doonayaan in ay Soomaaliya ka dhigaan goob ay ka soo duulaan tagaan, wuxuuna sheegay in kooxahani ay la mid yihiin Kooxaha ka dagaalamaya dalalka Caalamku uu dadaalka badan iyo maalka galinayo ee tusaale ahaan ka dagaalmaya dalka Afgaanistaan iyo Dalalkale.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale Khudbaddiisa kaga hadlay arrinta la xariirta dadka Rayidka ah ee ay dhibaatooyinku ka soo gaarayaan Duqaymaha dhacaya, wuxuuna sheegay in Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay ku dhiiradaan in ay Shacabka dhexdooda ka soo tuuraan Hubka iyagoo islamarkaana doonaya in Jawaabaha dhacaya ay Shacabka wax ka soo gaaraan, taasina ay dowladda u aaneeyaan.
Madaxwenuhu wuxuu tilmaamay in dowladdaha deriska ah u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo ayna ku dadaalayan in xiriirkaasi uu sii wanaagsanaado, wuxuuna sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaiya ay meel wanaagsan wax u marayaan laakiin ay u baahan yihiin in si weyn looga sii taageero dhinaca Tababarada iyadoo la siinayo Macluumaad badan oo dhanka Militariga ah, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ku guulaysan doonaan Hanashada Amniga wadanka mar ay noqotaba.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale hadal ka yiri arrimaha ku saabsan Ilaalinta, Xoojinta iyo Daryeelka Haweenka iyo Dhalaanka Qaaradda Afrika iyo Horumarinteedaba, wuxuuna sheegay in Qaarada Afrika oo uu dalkeenu ka mid yahay in Hooyooyinku ay ku dhimanayaan xiliga Umasha ay ku jiraan, halka Caruur badana ay u dhintaan cudur wax laga qabankaro inta aysan shan sano gaarin, wuxuuna sheegay in uu weli sii soconayo Gudniinka Fircooniga ah, islamarkaana loo baahan yahay in Madaxda Afrika ay ka soo gudbiyaan Ajandayaal ku saabsan arrimahaas iyo Qorshayaal ay tahay in la hirgeliyo.