Prof. Dhalxa oo Wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen Taageeradii ay ka sugayeen Shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho, (TFG): Wasaaradda arrimaha bulshada iyo dhaqancelinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhaliishay wadamada Carabta in ay ka gaabiyeen Doorkii wax u qabasho ee Shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkooda.
Wasiirka arrimaha bulshada iyo dhaqancelinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo shir-jaraa’id ugu qabtay saxaafadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Jaamacada Carabtu ay ka gaabisay Doorkii iyo Kaalintii ay Umada Soomaaliyeed ay ka sugaysay, wuxuuna sheegay in wadamada Carabta dalalkooda dhibaatooyin loogu gaysto dadka Soomaaliyeed ee maciinbiday dalalkooda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Boqolaal Soomaali ah ay ku xirxiran yihiin Xabsiyada Dalalka Carabta halka kuwo kalana la soo tarxiilo iyagoo dhibaataysan, wuxuuna sheegay in dadkaasi ay markii hore uga carareen Dalkooda dhibaatooyin amaandaro iyo kuwa xaga nolosha ah ee ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay la kulmaan dhibaatooyin ka badan kuwii ay dalkooda ku haystay.
Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa dhanka kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay og tahay Dowladdaha iyo Dalalka Muwaadiniinteeda dhibaatada u gaysta iyo kuwa sida wanaagsan u soo dhaweeyay ee caawiya, wuxuuna sheegay in xiligan ay jirto in wadamadii Gaaladda ahaa ee dadka Soomaaliyeed laga dhaadhiciyay in aysan wax asxaan ah u sameynaynin ay Maanta caawinayaan islamarkaana ay Daryeel wanaagsan u sameynayaan dadka Soomaaliyeed, halka kuwa Muslimiinta ah ay Xabsiyada dalalkooda ku gurayaan iska daa wax daryeel ah oo ay u sameeyaan, wuxuuna ka dalbaday in ay badalaan Qaab dhaqameedkaas guracan, islamarkaana ay caawiyaan dadka dhibaatada uga soo cararay dalkooda.
Wasiirka arrimaha bulshada iyo dhaqancelinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ugu danbeyn sheegay in ka dowlad ahaan ay ugu baaqayaan Wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta in ay wax ka qabtaan tacadiyada dalalkooda loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay sii daayaan Soomaalida xabsiyaddooda ku jira.