Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay Lacago wax looga qabanayo arrimaha Bini-aadanimada ee ka jira dalka Soomaaliya.
Brussels, (TFG): Wadamada Midowga Yurub ayaa DKMG ah ee Soomaliya ugu deeqay Deeq-lacageed oo gaareysa 35-Milyan oo Yuuro ah si wax loogu qabto dadka ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa Dowlada Soomaliya ugu yaboohday 35-Milyan oo lacagta Euro ah kadib marki Madaxda Midowga Yurub ay kulan ku qaateen magaalada Barasalis ee xarunta wadanka Biljim.
Midowga Yurub ayaa shaaciyey in lacagtasi ay ugu talagaleen in lagu baxnaaniyo malaayiin Soomaali ah oo uu saameeyey dagaalo aan dhamaad lahayn, macluul iyo cuduro kala duwan.
Lacagtaani loogu yaboohay Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa isku raacay Guddiga fulinta ee Midowga Yurub oo kulan ku yeeshay xaruntooda dalka Beljuim ee magaalada Brussels, waxayna sheegeen in dad lagu qiyaasay ilaa iyo 3.2 Milyan oo Soomaali ah ay xiligan u baahan yihiin kaalmo deg deg ah, islamarkaana ay haysato dhibaatooyin xaga beni aadanimada ah.