Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi in ay qaataan sharciga dalku jooga si ay uga badbaadaan Ciidamada Amaanka dalkaasi.
Nairobi, (TFG): Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya ugu baaqday in ay qaataan sharciyada dal ku jooga ee wadanka Kenya si aysan saameyn ugu yeelan baaritaanada ay sameynayaan Ciidamada Amaanka Dalkaasi.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador. Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga fogaan lahaayeen waxyeelo ka soo gaarta Howlgallada Ciidamada Amaanka dalkaasi ay sameynayaan, islamarkaana loo baahan yahay in ay u dhaga nuglaadaan Talooyinka ay siinayso Safaaraddooda.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kneya looga baahan yahay in ay ilaaliyaan shuruucda Caalamiga ah iyo kuwa dalka ay joogaan si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka uga imaankara arrimahaas, islamarkaana ay qaataan sharciyada dalka ku jooga dalkaas, wuxuuna sheegay in hadii aysan u hogaansamin ay la kulmi karaan caqabado fara badan, isagoo sheegay in Safaaraddu daddaal badan kadib ay ku guulaysatay in la siidaayo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraysa ilaa 102 Ruux oo laga soo qabqabtay xaafadda Islii ee magaalada Naroibi kaddib Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.
Safiirka ayaa dhanka kale ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay fuliyaan arrimahaas, wuxuuna si gaar ah uga codsaday kuwa aan heysan sharciyadda dalkaasi Kenya, isagoo sheegay in Safaaaraddu ay arinkaasi gacan ka gaysanayso.