Wasiirka bini-aadanimada Soomaaliya oo uga digay Hay’addaha samafalka in ay Aqoonsi la’aan dalka ka howlgalaan.
Muqdisho, (TFG): Wasaaradda bini-aadanimadda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay talaabo ka qaadayso Hay’addii samafal ee Aqoonsi la’aan ka howlgasha wadanka Soomaaliya.
Wasiirka bini-aadanimada iyo dib u dejinta ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo saxaafadda shir-jaraa’id u qabtay ayaa Hay’addaha samafalka ee ka howlgala wadanka Soomaaliya uga digay in ay gudaha dalka Soomaaliya ka howlgalaan iyagoon wax rusqad ah ka haysan Wasaaradda bini-aadanimada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin Hay’addahaasi, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay in ay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Wasaaradda si ay ugu madax banaanaadaan Howlaha ay wataan.
Mudane Maxamuud Cabdi Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay in ay talaabo adag laga qaadi doono Hay’addii aan u hogaansamin hadalkan, wuxuuna sheegay in Wasaaradda loo sameeyay sidii ay uga shaqeyn lahaa Howlaha Bini-aadanimo ee dalka iyo sidii ay ula socon lahayd, isagoo sheegay in ay dulqaateen wax badan, balse wixii hada ka danbeeya aysan u dulqaadan doonin arrimahaas oo ay wax ka qaban doonaan.
Wasiirka bini-aadanimada iyo dib u dejinta ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Ibraahim ayaa sidoo kale gaarsiiyay Qaar ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho gargaar Raashin ah oo isugu jira Digir iyo Caano-boore, kuwaasoo loogu talagalay Caruurta iyo Hooyadda Nafaqada daradu hayso, wuxuuna dhanka kale sheegay in dalka ay ka taagan tahay xaalad Bini-aadanimo oo aad u daran, islamarkaana ay dad kor u dhaafaya qayaastii 2 milyan oo ka barakacay dagaalada ay Kooxaha nabad diidka ah ka wadaan dalka ay ku dhibaataysan yihiin gudaha wadanka Soomaaliya.