Kulankii Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in xukuumadu ku hortimaado Baarlamaanka oo dib u dhac ku yimid.
Muqdisho, (TFG): Waxaa Maanta Dib u dhacay Fadhigii Mudanayaasha Baarlamaanku ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho, kasoo lagu waday in Xukuumaddu ay hortimaado Baarlamaanka si ay kalsooni u weydiisato.
Dib u dhacan ku yimid Fadhigii ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed, islamarkaana ay Mudanayaashu ugu balansanaayeen xukuumada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Mudanayaal ka tirsan xukuumadda Soomaaliya codsadeen in la baajiyo Fadhiga, maadaama ay sheegeen in ay leeyihiin kulamo gaar ah.
Xildhibaan Caadil Sheegoow Sagaar oo ah Nidaamiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay hortimaado Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, hase ahaatee kulankii maanta loo baajiyay sababo la xariira cabsi laga qabo in uu kooramku soo buuxsami waayo, maadaama ay Codsi soo jeediyeen Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Caadil Sheegoow Sagaar ayaa intaa ku daray in ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka uu iclaamiyay in Fadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya uu furmi doono maalinta Isniinta ah si xukuumadda Soomaaliya ay u hortimaado Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane C/weli Ibraahim Sh. Muudeey ayaa maalintii shalay ahayd Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay in xukuumada Soomaaliya ay horimaanayso Xildhibaanada Baarlamaanka maanta oo Axad ah si ay uga soo jawaabto Mooshinkii ay ka keeneen Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa 12-kii Bishan waxaa uu qoraal ku aadan Mooshin laga keenay Xukuumada u gudbiyay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kadib markii Mudanayaal gaaraya 70 xubnood ay Mooshin ka dhan ah xukuumada Soomaaliya u soo gudbiyeen Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.