Maamulka gobalka Banaadir oo ugu baaqay shacabka in ay ciidamada amniga la shaqeeyaan.
Muqdisho, (TFG): Maamulka gobalka Banaadir, ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in shacabka gobalka Banaadir ku dhaqan, ay gacan ka geystaan sugida amniga, ayna la shqeeyaan ciidamada amaanka.
Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, Maxamed C/laahi Cariig, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kan ku dhaqan gobalka Banaadir, in ay kala shaqeeyaan ciidamada amaanka sugida amniga.
Afhayeenka, ayaa intaa ku darey in shacabka looga baahan yahay in ay ciidamada ku soo wargeliyaan hadii ay arkaan cid falal amniga qalqal lagu gelinayo maleegaysa, si ciidamada amaanku gacanta ugu dhigaan loona marsiiyo waajibkooda.
Maxamed C/laahi Cariig, ayaa sidoo kale sheegay in amaanka wax badan laga qaban doono, bulshadana ay wax badan fahmeen, maadaama ay u kala cadaatay waxa ay wadaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda, ayna wixii hada ka danbeeya waajibaadkooda qabsan doonaan, nabaduna muhiim u tahay cidkasta.
Dhanka kale Guddoomiyayaasha degmooyinka Hiliwaa iyo Xamar jajab ee gobalka Banaadir, Cumar Jacfaan iyo Axmed Maxamuud Qoorleex, ayaa sidoo kale shacabka ku dhaqan gobalka Banaadir, ugu baaqay in ay ciidamada amniga gacan ku siiyaan sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxaha dhibaatada ku haya bulshada, si sharciga loo marsiiyo.