Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, ahna safiirka Soomaaliya u fadhiya Jaamacada Carabta C/laahi Xasan Maxamuud, oo u waramaayay Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in Soomaaliya ay la wareegtay xilka hogaanka Jaamacada Carabta.
Safiirka, ayaa intaa ku darey in dowladda Soomaaliya, ay xooga saari doonto sidii wax looga qaban lahaa xaaladdaha ka jira dalalka Ciraaq, Suudaan, Falastiin iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa.
C/laahi Xasan Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay in xilkan ay Soomaaliya kala wareegi doonto dalka Suuriya, wuxuuna sheegay in ay shir-guddoonka la wareegi doonto dalka Soomaaliya wixii ka bilowda bishan.
Arrintan ayaa noqonaysa talaabo horumar leh oo ay Soomaaliya gaartey, waxaana la filayaa in Soomaaliya ay wax badan hordhigi doonto Jaamacada Carabta si loo xaliyo, waxaana ka mid ah dhibaatooyinka dalkeeda ka jira iyo dalalka kale ee Jaamacada Carabta ku jira.