Dowladda Koonfur Afrika oo kulan la yeelatay Jaaliyadaha dalkeeda ku nool.
Capetown, (TFG): Dowladda Koonfur Afrika, ayaa kulamo la qaadanaysay maalmihii la soo dhaafay Jaaliyadaha kala duwan ee ku nool dalkeeda, taasoo la isku fahan siinaayo Muwaadiniinta dalkaasi iyo Jaaliyadaha kala duwan ee ka yimid qaar ka mid ah dalalka Afrika.
Kulankan, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Afhayeenka Baarlamaanka ee gobalka Western Cape, waxaana ka soo qeybgaley qaar ka mid ah Masuuliyiinta Jaaliyadaha Afrikaanka ah iyo Madax ka socotay dowladda, Ururada siyaasada, kuwa bulshada iyo Hay’addaha amniga, waxaana lagu qabtay magaalada Wusta ee gobalkaas.
Kulankan, ayaa waxaa dhinaca Soomaalida uga qeybgaley, xiriiriyaha Jaaliyada Soomaalida iyo dowladda Koonfur Afrika, Mahad Cumar Cabdi, wuxuuna markii uu shirkaasi soo gabagaboobay uga warbixiyay warbaahinta dowladda, wuxuuna sheegay in muhiimada shirkaasi ay aheyd sidii la isu fahamsiin lahaa Muwaadiniinta dalka Koonfur Afrika iyo Jaaliyadaha kala duwan.
Mahada Cumar Cali, ayaa intaa ku darey in shirka sidoo kale looga hadlay sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka soo noqnoqday ee lagula kaco Jaaliyadaha degan dalkaasi Koonfur Afrika, waxayna Madaxdii ka soo qeybgashay shirkaasi isku raaceen in wax laga qabto dhamaan arrimahaas.
Afhayeenka Baarlamaanka gobalka Western Cape, Sheikh Shahid Esow, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhageysto bulshada si dhibaatooyinkaas wax looga qabto, wuxuuna sheegay in markii ay dhageystaan Bulshada ay u fududaan doonto wax ka qabashada arrimahaas, maadaama ay Bulshada ka helayaan xog badan oo sahli karta sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa.
Afhayeenka, ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku amaanay qaabka ay ula macaamilaan iyo sida ay u wanaajiyeen sumcada ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, wuxuuna sheegay in Soomaalidu tahay Bulsho ku dayasho mudan dhan walba, isagoo ku tilmaamay Bulshada ugu horeysa xaga ganacsiga Afrika inteeda kale.