Wasiirka warfaafinta oo la kulmay Saraakiishii hore ee ciidamada dalka Soomaaliya ee ku nool dalka Mareykanka.
Miniapolis, (TFG): Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Daahir Maxamuud Geelle, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Mareykanka, ayaa kulan la qaatey Saraakiishii ciidamadii hore ee dalka, kuwaasoo ku nool dalka Mareykanka.
Wasiirka warfaafinta iyo wafdigiisa, ayaa waxay kulan gaar ah la yeesheen Saraakiishii hore ee ciidamada dalka Soomaaliya, iyagoo marka hore kulankooda ku bilaabay warbixino ku aadan sidii ay u kala warqaadan lahaayeen, waxayna halkaasi isku dhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa amnigii iyo kala danbeyntii ka jiri jirtay.
Wasiirka, ayaa Saraakiisha kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen soo celinta nabada iyo dhinacyada ciidamada, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay Qibradahooda ku biiriyaan Saraakiisha cusub, ayna gacan weyn ka geystaan dib u dhiska ciidanka amaanka dalka ee ay dowladdu ku howlan tahay habeyntiisa.
Saraakiisha, ayaa soo dhaweeyay hadalka Wasiirka, waxayna sheegeen in ay Awoodooda iyo Qibradooda ku biirin doonaan ciidamada dowladda, waxayna sheegeen in ay dalka dib ugu soo laaban doonaan, si ay wax badan ugu biiriyaan ciidamada dowladda.
Wasiirka, ayaa dhanka kale wuxuu kulan la qaatey dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, wuxuuna dhalinyarada kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalkooda Hooyo iyo sidii ay isaga ilaallin lahaayeen fikradaha qaldan ee aan diinta shaqada ku laheyn ee laga dhaadhicanaayo, wuxuuna dhalinyarada ku booriyay in aan loo adeegsan in lagu dhibaateeyo shacabkooda dhibaateysan ee iyaga ka sugaaya in ay wax badan la qabtaan, maadaama ay meel nabad ah ku nool yihiin, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay dhalinyaradii loo adeegsaday fulinta weeraradii arxan darada ahaa ee lala eegtay dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah iyo kuwii indhaha u ahaa bulshada Soomaaliyeed.
Dhalinyarada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay hadalka Wasiirka, waxayna balan qaadeen in ay wax badan ka qaban doonaan arrimahaas, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay isugu xirmi lahaayeen si aan loo soo kala dhexgalin, iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabada iyo sidii aysan markale u dhicin wixii dhacay.