Afhayeenka Wasaarada warfaafinta oo cambaareeyay hanjabaadii kooxaha dhibaatada dalka ka wada ay u jeediyeen Saxaafada madaxa banaan.
Muqdisho, (TFG): Wasaarada warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hanjabaada ay kooxaha dowladda ka soo horjeeda ku hayaan saxaafada madaxa banaan.
Afhayeenka, Wasaarada warfaafinta Sh. C/risaaq Maxamed Qeyloow, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in loo hanjabo saxaafada madaxa banaan ee bulshada u soo gudbisa warar maalmeedka ay bulshadu u baahan tahay, oo weliba loogu hanjabo in waxyeelo loo geysanayo hadii aysan qaadan awaamiirta qaldan ee ay wataan kooxaha dhibaatada dalka ka wada.
Afhayeenka, ayaa intaa ku darey in taasi ay tahay caburin horleh oo lagu caburinaayo saxaafada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kooxahaasi ay horey u caburin jireen warbaahinta madaxa banaan, balse aysan warbaahintu ku baraarugsaneyn, isagoo sheegay in hada ay la soo banaaan baxeen, ayna ku amartaagleynayaan, taasina ma ahan mid la qaadan karo, dowladduna wey cambaareynaysaa falkaas.
Sh. Crisaaq Maxamuud Qeyloow, waxaa uu sheegay in kooxahaas ay horey dil ugu geysteen Agaasimayaal iyo Wariyayaal ka howlgeli jirey Idaacadaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in taariikhdu qori doonto falalkaas guracan ee ay kooxahaasi kula kacayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan saxaafada madaxa banaan.
Afhayeenka, ayaa ugu danbeyn saxaafada ku booriyay in aysan u dhaga nuglaan oo ay markasta ka shaqeeyaan waxa danta dalka iyo dadka ku jirto, isagoo sheegay in kooxahani yihiin gabal sii dhacaya oo ay mar dhow saxaada ka bixi doonaan, waqtigooduna uu dhamaad yahay.