Muqdisho, (TFG): Munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinaayay Arday dhameystay barashada qeybta Computer-ka ee Machadka Haweenka ee Qamar, ayaa lagu qabtay xarunta Wasaarada warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska, marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan, Xildhibaano, Agaasimayaal Wasaaradeed, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska, Arday, Waalidiin, Xubno ka tirsan Ururka haweenka iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabadaas.
Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska, marwo Fowsiyo Maxamed Sh. Xasan, oo furitaankii Munaasabadaas hadal ka jeedisay, ayaa ku dheeraatey qiimaha uu Machadku u leeyahay Haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in furitaanka Machadku yahay guul u soo hoyatay Haweenka Soomaaliyeed, oo ay sheegtay in aysan fursado badan u heli jirin Waxbarashada.

Wasiirada, ayaa intaa ku darey in ay xariga ka jarayaan furitaanka Dufcada labaad, waxayna sheegtay in ay sidoo kale furayaan qeyb cusub oo lagu baranaayo Maamulka iyo Maareynta oo mudo seddex Bilood ah soconaysa, ayna ku bilaabayaan Ardayda dhameystay qeybtan Computer-ka iyo kuwo kale, si loo horumariyo aqoonta Haweenka Soomaaliyeed.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, oo ka hadlay Munaasabadaas, ayaa sheegay in uu goob joog ka ahaa furitaankii Machadkan, uuna ku faraxsan yahay ka qeybgalka qalinjabinta Ardaydan dhameystay barashada Computer-ka, isagoo sheegay in uu Wakiil ka yahay Wasiirka waxbarashada, oo safar dalka uga maqan, wuxuuna Ardayda ku booriyay in ay dadaalkooda sii laban laabaan.

Wasiirka, ayaa u mahad celiyay Wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska, gaar ahaan Wasiirada haweenka, dadaalka ay ku bixisay hirgelinta Machadkan, wuxuuna ku booriyay in ay sii wadaan, wuxuuna dadkii Munaasabadaasi ka soo qeybgaley dib u xasuusiyay waxqabadkii iyo kartidii ay laheyd Wasiiradii caafimaadka ee geeriyootay marxuumad Qamar Aadan Cali, oo uu ku tilmaamay in ay aheyd qof aad u dadaal badan wax badana soo qabatay, wuxuuna dhanka kale xusay in Haweenku qeyb weyn ka soo qaateen xoriyadii dalka, isagoo soo hadal qaadey marxuumad Xaawo Taako, oo uu sheegay in ay aheyd qof Haween ah, balse qeyb weyn ka qaadatay dagaalkii lala galey gumeystaha.
Wasiirka, ayaa sidoo kale amaan u soo jeediyay Wasaarada warfaafinta, wuxuuna ku tilmaamay hooyadii Wasaaradaha dowladda, isagoo sheegay in uu Haweenka u rajeynayo nabad iyo horumar, wuxuuna Haweenka ku booriyay in ay ku dadaalaan horumarinta Machadkooda.
Munaasabadaas, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa waxqabadka Wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska, iyadoo ay qaar ka mid ah Haweenka ku soo bandhigeen Buraan-buro iyo Geeraaro ka turjumaaya kaalinta Haweenka ay ku leeyihiin Bulshada.
Munaasabada, ayaa waxaa sidoo kale Shahooyinka kadib, Ardaydii ku guuleysatay Kaalimaha koowaad, labaad iyo seddexaad la siiyay abaal marino kala duwan, waxaana Ardayadii kaalinta koowaad ku gulleysatay ay aheyd, Iqra Xasan Ibraahim, halka kaalinta labaadna ay gashay Leylo C/qaadir Maxamed , waxaana kaalinta seddexaad ku guuleysatay Kowsar C/laahi Saciid, waxaana Ardaydaas abaalmarinada kala duwan oo aad u qiimo badan guddoonsiisay marwo Faadumo Aadan Cali, oo la dhalatay marxuumad Qamar Aadan Cali, oo aheyd Wasiiradii caafimaadka oo ku geeriyootey qaraxii hotel Shaamoow, iyadoo uu Ardaydaa ku jiray oo kaliya halWiil.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho