Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhibaatooyinka dalka ka jira iyo sida looga bixi karo.
Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa shir-jaraa’id oo uu kaga hadlaayo dhibaatooyinka dalka ka jira ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Vila Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay bahda saxaafada dadaalkooda, dulqaadkooda iyo marxalada adag ee ay la jaanqaadeen, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay soo mareen marxalad aad u xun, ayna garwaaqsadeen in aan dowlad la’aanteed la noolaan Karin, wuxuuna sheegay in dhibaatada ugu weyn aas aaskeedu uu ahaa dowlad la’aanta.
Madaxweynaha, mar uu ka hadlaayay waxqabadka dowladda, ayuu sheegay in dowladda waxqabadkeedu aad u wanaagsanaa, wuxuuna sheegay in wax badan ay u qabsoomeen, uuna rajeynaayo in ay muuqan doonto, isagoo sheegay in ay jiraan caqabado badan, balse dowladda ka gudubtay arrimahaas.
Madaxweynaha, ayaa sheegay sidoo kale in ay suurtagal ka dhigtay in dowladda ay wax badan u qabsoomaan, iyadoo ka faa’iideysatay biseylka shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka oo ogaatay in Soomaaliya, dowlad la’aanteeda ay keeni karto dhibaato kale, ayna muhiim tahay in Soomaaliya ay dowlad yeelato.
Madaxweynaha, mar uu ka hadlaayay dhibaatooyinka dalka ka jira, ayuu sheegay in ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay dalka ka wadaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda, taasoo keentay Macaluusha iyo Gaajada, iyadoo ay sidoo kale qeyb ka qaadanayso khilaafka soo kala dhexgaley Hay’adda WFP iyo dowladda Mareykanka oo sii murjinaaya xaaladda adag ee dalka ka jirta.
Madaxweynaha, oo ka hadlaayay dhibaatooyinka burcad baddeeda, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in dhalinyaro yaryar ay ku fikiraan in ay lacag jeebkooda soo gasho, iyagoo dhibaatooyin u geysanaaya Aduunka, ayna wax laga xumaado tahay in la dhiiri geliyo dhalinyaradaas, iyadoo la siinaayo lacago madax furasho ah, taasoo uu Madaxweynuhu, sheegay in ay dhalinyaro kale ku dhiir gelinayso in ay ku biiraan burcad baddeeda, ayna caqabad horleh noqon doonto, wuxuuna sheegay lacagahaas ay ka dhalan karto cawaaqib xumo aad u xun.
Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed, in ay caawiyaan Walaalahooda dhibaateysan, wuxuuna sheegay in wax yar oo ay isku soo dardaraan ay wax badan u qaban karto hadii ay sameeyaan.
Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay kooxaha Shabaab iyo xisbul islaam, in ay shacabka Soomaaliyeed ka joojiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan, wuxuuna sheegay in aysan diinta Islaamka u adeegsan wado dadka lagu dhibo, wuxuuna sheegay in ay ka wanaagsan tahay arrintaas in laga heshiiyo wixii jira, diintana ay ku cadahay, lagana gudbo caadifada la isu hayo si Umada dhibaatada looga saaro.
Madaxweynaha, ayaa ugu danbeyn umada Soomaaliyeed Ilaah uga baryey in uu dhibaatada ka saaro, quluubtoodana isu dumo si dhibaatada haysata ay uga baxaan, wuxuuna sheegay in aan lagu helayn tafaraaruq iyo is naceyb wax lagu lagu waayey Walaaltinimo iyo Is jeceyl.