Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya oo baaq u direy burcad baddeeda.
Muqdisho, (TFG): Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya, Admiral. Faarax Axmed Cumar (Qare), ayaa ugu baaqay kooxaha burcad baddeeda in ay hubkooda iyo qalabkooda ku soo wareejiyaan Taliska ciidanka badda ee dowladda KMG ah, si tababaro loo siiyo oo ay uga mid noqdaan ciidanka badda Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya, Admiral. Faarax Axmed Cumar, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in uu baaq u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku howlan burcad baddeednimada, in ay ku soo biiraan ciidamadooda, si sumcadooda dib loogu soo celiyo.
Admiral. Faarax Axmed Cumar, ayaa intaa ku darey in ay kaalin weyn ka qaadan karaan hadii dhalinyaradaas bad-maaxiinta ah ay ku biiraan ciidanka badda, wuxuuna sheegay in uu balan qaadayo hadii ay arrintaas diyaar u yihiin, ayna ka waantoobayaan arrimaha burcad baddeednimada.
Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya, Admiral. Faarax Axmed Cumar, ayaa ugu danbeyn sheegay in ay burcad baddeedu dhibaatooyin badan ku hayaan dadkooda iyo Aduunkaba, loona baahan yahay in ay iska daayaan, hadii ay doonayaan in ay dalkooda difaacaana ay ku biiraan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in ay soo dhaweynayaa dhankooda, ayna tababaro u sameyn doonaan si ay ula qabsadaan nidaamka dowliga ah.