Prof. Dalxa oo sheegay in meel fiican ay mareyso sii daynta Lamaanayaasha u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya.
Nairobi, (TFG): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ugu baaqay kooxaha haysta Lamaanayaasha u dhashay dalka Ingiriiska, in ay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in la sii daayo Lamaanayaashaas, wuxuuna kooxaha haysta lamaanayaasha ka codsaday in ay sii daayaan, iyagoo u daneynaya shacabka Soomaaliyeed, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ku kala firirsan yihiin dunida daafaheeda, loona baahan yahay in aan la dhibaateyn cid aan dhibaato kugu hayn.
Prof. Dalxa, ayaa sidoo kale sheegay in sii daynta Lamaayanaasha, ay ku mashquulsan yihiin dhamaan Masuuliyiinta dowladda, Waxgaradka Soomaaliyeed, iyo Jaaliyadaha dibada ku dhaqan intaba, wuxuuna sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sii daynta Lamaanayaashaas, isagoo sheegay in dadaaladu weli socdaan meel fiicana marayaan.
Kooxahan haysta Lamaanayaashaas, ayaa dalbaday aduun lacageed oo gaaraya ilaa 1.2 milion oo doolarka Mareykanka ah, si ay u sii daayaan Lamaanayaashaas, waxayna Lamaanayaashaas, gacanta kooxahaas ku jiraan mudo 5 bilood ah.