Wasiirka cadaalada iyo garsoorka oo sheegay in Maraakiibta Shisheeye ay leeyihiin dano gaar ah.
Muqdisho, (TFG): Wasiirka cadaalada iyo garsoorka Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqoow), ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay burcad baddeedu u geysanayaan Aduunka ay ka badan tahay kuwa ay u geysanayaan dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka cadaalada iyo garsoorka Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in kooxaha bucad baddeeda ay dalka u keeneen dhibaatooyin aysan iyagu xalkeeda keeni Karin, wuxuuna arrin aan la is barbar dhigi Karin ku tilmaamay sababta ay u abuurmeen kooxahan burcad baddeeda noqday iyo siyaasada cusub ee burcad baddeed la dirirka la magac baxday oo uu sheegay in dalkasta uu ku dadaalayo sidii uu ciidamo iyo Maraakiib ugu soo dirsan lahaa biyaha Soomaaliya.
Wasiirka, ayaa sheegay in Maraakiibta Shisheeye ee dalka ku sugan ay leeyihiin hadafyo kale, wuxuuna sheegay in hadafyadaasi ay dhiiri gelinayaan sii shaqeynta kooxaha burcad baddeeda, ayna door muhiim ah ka qaadan karto dhaca lagu hayo kheyraadka badda Soomaaliya.
Mudane Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax, ayaa intaa ku darey in kooxaha burcad baddeeda ay markii hore ahaayeen Kaluumaysato laga hor istaagey in ay si nabad ah ku soo saartaan kheyraadka dalkooda, kadibna ay u istaageen sidii ay isaga dhicin lahaayeen kuwa ku haya dhibaatada, wuxuuna sheegay in uu gunguri sii qaaday qaarkood ayna u bareereen in ay burcad baddeed noqdaan.
Wasiirka cadaalada iyo garsoorka, Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax, ayaa tilmaamay in dhalinyaradaasi ay dhibaatooyin la kulmaan marka la qabto ee la geeyo Maxkamad, wuxuuna sheegay in aysan helin cadaalad wanaagsan, taa bedelkeedana si ay u helaan cadaalad loo baahan yahay in dowladda laga taageero dhinaca garsoorka iyo amniga si ay ugu sahlanaato in ay Maxkamad keento kooxahaas.
Wasiirka, oo ka hadlaayay dhanka ciidamada, ayaa sheegay in ay ciidamadu kala mid yihiin shacabka dhanka garsoorka, wuxuuna sheegay in mar dhow la dhameystiri doono waxa ka dhiman howlaha garsoorka ciidamada, isagoo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u soo dhameytiri lahaayeen arrimahaas
Wasiirka cadaalada iyo garsoorka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax, ayaa dhanka kale ka hadlay cudur ka dilaacay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu ku geeriyooday mid ka mid ah Maxaabiista, halka labo kalena ay la ildaran yihiin cudurkaas, wuxuuna marka hore tacsi u direy Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Marxuumkaas, wuxuuna sheegay in labada kale lagu howlan yahay wax ka qabashada caafimaadkooda, ayna wanaagsan yihiin, wuxuuna sidoo kale sheegay in Xabsiga loo sameyn doono xarun caafimaad, islamarkaana ay socdaan arrimahaas.