Muqdisho, (TFG): Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa ka warbixiyay shaqada Wasaarada iyo howlihii u qabsoomay.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, oo u waramaayay TFGWebsite, ayaa sheegay in Wasaaradu qabatay howlo badan oo ay ka mid yihiin sameynta daraftiga dastuurka cusub ee dalka, wuxuuna sheegay in ay soo dhameystiri doonaan dastuur cusub oo uu dalku yeesho.
Wasiirka, ayaa intaa ku darey in Wasaaradu ka shaqeyso xiriirinta Gudiga dastuur u sameynta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ku nool yihiin sida kuwa jaaliayadaha dibada, kaasoo isugu jira xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Shaqaalaha Wasaarada, si looga shaqeeyo is fahamsiinta Shacabka iyo Gudiga, si ay u fududaato arrimaha dastuur u sameynta dalka, maadaama cida dastuurka loo sameynayo ay tahay shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu wada shaqeyn la leedahay Hay’addo caalami ah oo ay ka mid yihiin UNDP, UNPOS iyo kuwo kale, wuxuuna sheegay in ay xariiriso iyaga iyo Hay’addahaas Hay’adda UNDP.
Wasiirka, mar uu ka hadlaayay safarada shaqo ee ay dibada ku tageen, ayuu sheegay in ay safaro ku tageen dalalka: Germany, Kenya, Uganda iyo Djabuuti, isagoo sheegay in Gudiga iyo Shaqaalaha Wasaaradu, ay Siminaaro horey ugu aadeen dalalka Kenya iyo Uganda, si loo horumariyo tayada aqoontooda, balse hada loo soo wareejiyay in lagu qabto Siminaaradaas dalka Djabuuti, oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Xubno ka socda Wasaarada oo halkaas Siminaar uga qeybgalaya.
Wasiirka, mar uu ka hadlaayay xiriirka ay Wasaarada dastuurka iyo arrimaha fedraalku la leedahay Wasaaradaha kale, ayuu sheegay in Wasaaradu xiriir la leedahay dhamaan Wasaaradaha dowladda, balse ay xiriir gaar ah la leedahay Wasaaradaha arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Warfaafinta, maaliyada, Dib u heshiisiinta, Cadaalada iyo Haweenka.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa Dhanka kale sheegay in Wasaaradu ka shaqeyso sidii loo soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii dalka ka jirtay, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo soo celin lahaa amniga iyo kala danbeynta, wuxuuna kooxaha dowladda ka soo horjeeda ka codsaday in ay joojiyaan dagaalka oo ay miiska wada hadalka yimaadaan, si shacabka looga saaro dhibaatada.