Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska oo ka warbixisay xuska Maalinta haweenka Soomaaliyeed ee 8 Maarso.
Muqdisho, (TFG): Wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in ay qorsheynayso fantasyaha iyo dabaal degyada loo sameynayo Maalinta Haweenka Soomaaliyeed oo ku beegan 8-da Maarso.
Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska, marwo Fowziyo Maxamed Sh. Xasan, oo u waramaysay TFG inta aysan ka duulin garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in ay Wasaaradu ku mashquulsanayd diyaarinta fantasyaha iyo dabaal degyada loo sameynayo Maalinta Haweenka Soomaaiyeed mudo dheer, taasina laga arki doono Munaasabada.
Wasiirada, ayaa intaa ku dartay in xuska Maalintan laga xusi doono deegaano kale oo ku yaala Gobalada dalka, iyadoo Munaasabada Maalinta Haweenka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirtay dhamaan Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxayna sheegtay in Munaasabadaasi lagu soo bandhigi doono sida qorshahu yahay waxtarka Haweenka ee dhinaca Bulshada, kaalinta Haweenku kaga jiraan dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta, kaalintii ay ka soo qaateen xoriyada iyo dhibaatooyinka Haweenka ka soo gaarey dagaaladii dalka ka dhacay.
Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska, marwo Fowziyo Maxamed Sh. Xasan, ayaa sidoo kale Haweenka ugu baaqday in ay sii laban laabaan dadaalkooda si looga baxo dhibaatooyinka dalka ka jira.