Prof. Dalxa oo dhaliil u soo jeediyay Hay’addaha Qaramada Midoobay qaabka ay lacagaha deeqda ah u qarash gareeyaan.
Muqdisho, (TFG): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa Hay’addaha Qaramada Midoobay ku dhaliilay qaabka ay u maamulaan lacagaha deeq bixiyayaashu ugu deeqeen shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo u waramaayay warbaahinta dowlada, ayaa sheegay in Hay’addaha Qaramada Midoobay, aysan ku bixin lacagaha ay ku soo qaadaan magaca Soomaaliya, meelihii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in ay kaga faa’iideystaan howlo iyaga u gaar ah.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa intaa ku darey in ay wax lala yaabo tahay in ay shaqaalaysiiyaan boqolaal shaqaale Ajaaniib ah, iyagoo ku bixinaya lacago aad u fara badan kirada guryo qaali ah iyo iyagoo ku iibsanaya gawaari qaali ah lacagaha loogu talagalay Masaakiinta dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adduhu ku tagaan duulimaadyo aan qiimo u laheyn dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay kaalmo ahaan u geeyaan dhowr kartoon oo faleebo ah oo qiima ahaan ku kacaya ilaa 500 oo doolar oo aan gaari Karin xitaa qarashka ay diyaaradu ku kireysan tahay oo lagana heli karo suuqyada Muqdisho, iyadoon diyaarad lagu qaadin, taasoo ay ku qiimeeyaan qandaraas lacago badan ku baxday.
Guddooyime ku xigeenka, ayaa ugu danbeyn sheegay in dowladdu la socoto arrimahaas, wuxuuna sheegay in dowladdu aysan wax kaalmo ah ka helin beesha Caalamka, marka laga reebo dalalka qaar oo wax aan sidaa u sii badnayn dhiibay.