Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo gaarey magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaarey magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa waxaa gegida diyuuradaha ee magaalada London ku soo dhaweeyay Wasiiro, iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.
Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare mudane Maxamed C/laahi Oomaar, oo isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Madaxweyanaha iyo wafdigiisu ay booqashadooda qaadan doonto mudo sedex maalmood ah.
Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu la kulmi doono Ra’isal wasaaraha dalka Mr. Golden Brown, Xoghayaha arrimaha dibada David Miliban, Wasiirka arrimaha gudaha Allen Johnson, Wasiirka xiriirka caalamiga ah iyo dhaqaalaha, Wasiirka arrimaha bulshada iyo Xubno kale, wuxuuna ku tilmaamay booqashada Madaxweynaha, tii ugu horeysay oo rasmi ah oo uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalka Ingiriiska mudo 20 sano ah, wuxuuna booqan doonaa magaalada Birmingham, maalinta Khamiista ah halkaas oo ay ku sugan yihiin Soomaali aad u fara badan.