Dowladda Canada oo kooxda Shabaab iyo cidii la shaqeysa ka mabnuucday dalkeeda.
Tronto, (TFG): Dowladda Canada, ayaa sheegtay in ay ka mabnuucday dalkeeda dadka la shaqeeya iyo kuwa xiriirka la leh kooxda Al shabaab, oo dhibaatooyin ka wada gudaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha bulshada ee dalka Canada, Mr. Fik Tooys, oo u waramaayay wakaalada wararka u faafisa dalka Ingiriiska ee Reuters, ayaa sheegay in dowladdu ka mabnuucday kooxda Al shabaab iyo cidkasta oo la shaqeysa in ay soo galaan ama ku noolaadaan gudaha dalkeeda.
Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in ay dabalagal ku sameynayaan hadii ay jiraan dad la shaqeeya kooxdaas, wuxuuna sheegay in ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan cidkasta oo taageero dhaqaale iyo mid kaleba u fidisa ama la ogaado in ay u fidin jirtay kooxda Al shabaab.
Mr. Fik Tooys, ayaa dhanka kale sheegay in cidii lagu arko iyadoo dhaqaale u aruurinaysa ama ka qeyb qaadanaysa howlaha Maleeshiyaadkaasi ay ku xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed, laga qaadi doono talaabo ku haboon, ayna la kulmi doonaan ciqaab aad u xun.
Hadalka Wasiirka arrimaha bulshada dalka Canada, ayaa ku soo beegmaya kadib markii ay dowladda Canada warbixino ka heshay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kuwaasoo ku saabsan in ay dalka Canada ku sugan yihiin dad xiriir la leh kooxda Al shabaab, oo ka shaqeynaya sidii ay dhalinyaro ku biirta kooxdaas uga qori lahaayeen gudaha dalka Canada.