Muqdisho, (TFG): Munaasabad lagu wareejinaayay Gaari booyad ah oo uu lahaa Qaranka Soomaaliya, oo lagu beegay maalinta Haweenka, ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Vila Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), oo Munaasabada lagu soo celinayay hantida Qaranka ka hadlay, ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Haweeneyda soo wareejisay Gaariga Booyada ah, oo noociisu yahay FIAT 682 N3, kaasoo ahaa hanti uu Qaranku lahaa, oo in mudo ah ay haweeneeydaasi u isticmaaleeysay si gaar ah, haatana ay si xor ah ugu wareejisay dowladda Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegtay wareejinta gaarigaasi ay la sugeysay dowladda Soomaaliyeed oo ku dhaqanta shareecada Islaamka.
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa sheegay in Haweenaydu tahay qofkii ugu horeeyay ee soo wareejiya hanti ka mid ah hantidii hore ee Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in haweeneydaasi dalbatay in laga cafiyo mudadii ay isticmaaleysay gaarigaas Booyada ah.
Gaariga booyada ah ee ay Haweenaydaasi soo wareejisay, ayaa waxaa isla Munaasabadaas lagu wareejiyay dowladda KMG ah, iyadoo loo dhiibay Taliyaha ciidamada Madaxtooyada G/sare. Caanood, iyadoo la sheegay in wixii dayactir ah ee uu u baahan yahayna laga dayactiri doono.
Ra’sal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka bada, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, ayaa ugu danbeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, intooda haysata hantida Qaranka in ay dowladda ku soo wareejiyaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.