Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada oo ka warbixiyay howlaha garoonka.
Muqdisho, (TFG): Maareeyaha guud ee Hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Maxamuud Sh. Cali (Dable Pilot), ayaa ka warbixiyay shaqada garoonka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo marey.
Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Maxamed Sh. Cali, oo u waramaayay TFG, ayaa sheegay in howlaha garoonka ay intooda badan dhameystiran yihiin, isagoo ka hadlaayay dhanka dhismaha ayuu sheegay in ay dhiseen darbiyo badan oo isdaba yaal yaala, hoolasha ay ku nastaan dadka dhoofaya iyo kuwa ka soo dagaya garoonka, xafiisyada garoonka ee kala duwan, baarkinada garoonka, Hool cusub oo ay ku shaqeeyaan counter-da Emigrationka, Hoolka madaxda iyo shirkadaha, xarun isteeshan Boolis, Masjid lagu tukado iyo meelo kale oo loogu tala galay in lagu daboolo baahida dadweynaha.
Maxamuud Sh. Cali, oo ka hadlaayay dhanka qalabka garoonka, ayaa sheegay in ay garoonka ku soo kordhiyeen qalab diyaaradaha lagu hago, qalabka saadaasha hawada, iyo qalab amniga airport-ka wax looga qabanayo oo uu sheegay in ay cilad gaartey, balse la sameyn doono.
Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Maxamuud Sh. Cali, waxaa uu sheegay in garoonka ay ka wada howlgalaan hay’addo kala duwan sida Wasaarada lacagta, Laanta Emigration-ka, Boliska, shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa ganacsiga, wuxuuna sheegay in ay dhamaantood si wada jir ah u shaqeeyaan.
Maxamuud Sh. Cali, ayaa sheegay mar aanu weydiinay bal in ay jirto cid gacan ka geysatay fulinta howlahaas, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid dhaqaale ama taageero kale ku bixisay ama ku bixisa hirgelinta howlahaas, isagoo sheegay in ay ku socod siiyeen fulinta howlahaas qarashaadka yar yar ee ay ka qaadaan diyaaradaha ka soo daga garoonka.
Maareeyaha, ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay nidaamka ilaaliyaan, isagoo sheegay in garoonku uu yahay garoon caalami ah, uuna sida garoonada caalamiga oo kale diyaaradaha aan lala raaci Karin wax yaabaha dareedaha ah sida: Saliida, Subaga, Malabka iyo waxyaabaha qarxa sida Taraqa, Baaruuda iyo Jantesiigarka, uuna qofka iska soo dhigo inta uusan soo gaarin garoonka, wuxuuna sheegay in sidoo kale aan la ogaleyn Hubka iyo Midiyaha.
Maareeyaha, ayaa ugu danbeyn dadka Soomaaliyeed, ku booriyay in ay ku dadaalaan fulinta shuruucda garoonka, maadaama garoonku yahay garoonkoodii, ayna ku dadaalaan sidii garoonkoodu ula tartami lahaa garoonada Caalamka.